
Laga soo xigtay: Max Fischer
Waxbarashada ilmaha Yukrayn oo aan weli luada Nederlaanka aqoon
Qodobkaan sii wadaaji
Ma ka soo qaxday Yukrayn iyo ma leedahay ilmo ka yar 18 jir oo aan weli luqada Nederlaanka ku hadlin? Markaa iskuulada waxey bixinayaan caawino si ilmahaaga af Nederlaanka u barto oo waxbarashada Nederlaan uga dhigan karo.
Mar walba xaq ayaa u leedahay waxbarashada Nederlaan
Haddii ilmahaaga Nederlaan imaado, waxaad xaq u leedahay waxbarasho. Ilmaha xitaa waa waajib iney iskuulka aadaan. Taasi waxey ku qoran tahay sharciga Nedelaan. Ilmo walba oo imaada Nederlaan inta u dhexeyda 5 iyo 16 jir ah, waa inuu iskuul aadaa.
Taageerada barashada luqada Nederlaanka
Waxbarashada Nederlaan waa afka Nederlaankalagu bixiyaa. Ilmaha markaasi Nederlaan yimid, ma ku hadlaan oo weli ma fahmayaan luqada Nederlaanka. Sidaa awgeed waxaa jiro caawino gaar ah oo iskuulada afka Nederlaanka lagu barto. Caawinaada jira, waxey ku xiran tahay da'da ilmahaaga
Caawinaada ilmaha ka yar 12 jir
Ilmahaaga maka yar yahay 12 jir? Markaa waxaa jira iskoolo gaar ah ama fasalo gaar ah oo ay leeyihiin iskuulada caadiga ee ilmaha
Caawinaada ilmaha jira 12 ilaa 18 jir
Lmahaaga ma u dhexeeyaa 12 iyo 18 jir? Markaa waxaad aadeysaa Fasalka la qabadka ee Caalamiga (ISK). Tani waa dugsi sare oo gaar ah. Fasalkan waxaad baraneysaa luqada Nederlaanka. Ilaa 1 sano ka dib wuxuu ilmahaaga aadayaa fasal caadi ah oo dugsiga sare.
Caawinaada waa ku habboon tahay darajada ilmahaaga
Waxaa ISK fiirinaayaan drajada waxbarashada ee ilmahaaga iyo inuu caawinaada ku habboon yahay. Haddii uu ilmahaaga bilaabo ISK waxaa la fiirinaa darajada ugu fiicn oo uu dhigan karo. Sidaa darteeda ayaa wadahadal lala yeelanaa ilmaha iyo waalidka. Taasi waxaa loo sameynaa in laga hortago si ilmaha fasal aad u fudud ama aad u culus loo geynin.
Waxbarashada gaarka ah
Waxaa jira Nederlaan waxbarashada caadiga ah ka sokow waxbarashada gaarka ah, xagga dugsiga hoose iyo xagga dugsiga sare. Tani waxaa loogu talo galay caruurta curyaanta ah xagga jirka iyo/ama maskaxda, kuwaasoo caawinaad gaar ah u baahan. halkaasi waxey ka helyaan caawinaada ay u baahan yihiin.
Marka leyska qoraayo waxbarashada gaarka ah waxaa taasi loo maraayaa iskuulka caadiga. Kaasi ayaa la xariiraaya iskuulka kuu dhow ee agagaarkaaga, iyaga ayaa wixii kale kaa caawinaaya xagga iska qoritaanka iskuulka caadiga ama haddii loo baahdo in lagaa qoro iskuul gaar ah.
Ilmahayga weli ma haystaan waxbarasho
Ma joogtiin adiga iyo ilmahaaga seddex bilood ka badan Nederlaan, laakiin ilmahaaga weli ma haystaan iskuul? Markaa weydii degamada ama xerada in ilmahaaga sida ugu dhaqsaha badan iskuulka u aadi karaan
Ilmahaaga weli ma aysan helin waxbarasho? U sheeg xafiiska VluchtelingenWerk ee degmadaada.