Maxaad u baahan tahay ka hor intaadan sameyn codsiga magangelyodoonka
Haddii aad qaxooti tahay, waxaad codsi magangelyodoon ka weydiisan kartaa Nederland, waa inaad iska diiwaangelisaa Ter Apel. Waa inaad markaasi sharaxdaa sababta aad u soo qaxday Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada.
Waxaad u codsan kartaa magan-galyo sababahan
Waxaad u codsan kartaa magan-galyo sababahan soo socda:
Sababtoo ah waxaad ka baqaysaa dacwad oogid la xidhiidha isirkaaga, diintaada, asalkaaga, fikirkaaga siyaasadeed ama waxaad ka tirsan tahay koox la takooro.
Sababtoo ah waxaad khatar ugu jirtaa inaad waajahdid ciqaab dil, jidh-dil ama qaab kale oo binaadanimada ka baxsan dalkaagii hooyo.
Sababtoo ah waxaad ka cabsanaysaa inaad dhibane u noqotid rabshad khilaaf dagaal, sida dagaal, dalkaagii hooyo ka jira.
Sababahan waxa la iskugu raacay Xeerka Caalamiga ee Qaxootiga taasoo Nederlaan ay saxiixday. Heshiiskani wuxuu sheegayaa sida qaxootiga loola dhaqmaayo.
Waxaad la kulmi doontaa ururadan inta lagu jiro nidaamka magangalyada
Adeega Socdaalka iyo Dhalashada Dutch-ka (IND):IND waa ka qeyb Wasaarada Cadaalada iyo Amniga Dutch-ka. IND waxay baadhaa inaad xaq u leedahay magan-galyo doonka Nederlaan.
VluchtelingenWerk (VWN): VWN waa urur xuquuqul insaan oo u dooda xuquuqda qaxootiga iyo magangalyo-doonka kusugan gudaha Nederlaan. VWN waa urur madax bannaan umana shaqeeyo IND, COA ama dawladda Nederlaan. Tabarucayaasha VWN waxa ay sharraxaan habraaca magangalyada waa ayna ku taageeri karaan haddii aad rabto. Waxay kaloo gacan ka geysan karaan la xiriirka ururada kale. VWN waxa ay joogaan dhammaan xarumaha hoyga ee Hayundefinedada Dhexe ee Qaabisha Dadka Magangalyo Doonka ah (COA).
Hayundefinedada Dhexe ee Qaabisha Dadka Magangalyo Doonka ah (COA): COA waxa ay qeyb ka tahay Wasaaradda Caddaaladda iyo Amniga ee Nederlaan. Inta lagu guda jiro habraaca magangalyada, COA ayaa masundefineduul ka ah hoygaaga Nederlaan. COA waxa ay dadka magangalyo-doonka ah hoy, cunno iyo hagitaan ku siisaa guryaha hoyundefinedga ah ee Nederlaan.
Guddiga Gargaarka Sharciga (RvR): RvR waxa uu kuu qabanqaabiyaa inaad yeelato qareen inta lagu guda jiro habraaca magangalyada. Khasab kuguma aha inaad bixiso kharashka qareenka. RvR wuxuu u shaqeeyaa si ka madax banaan dowladda Nederlaan.
Nidos: Waxaad ka yar tahay 18 jir mana lihid waalid ama dad kale oo si rasmi ah kuu daryeela oo ku sugan gudaha Nederlaan. Hadana, sida uu qabo sharciga Nederlaan, qof waa inuu si rasmi ah uu kuu daryeelaa. Tani waxaa loo yaqaanaa undefinedilaalintaundefined. Stichting Nidos waxa uu kuu qabanqaabinayaa qof ku daryeela oo ku sugan Nederlaan.
Qeybta Boliiska Ajaanibta, Aqoonsiga iyo Tahriibinta dadka(AVIM): AVIM waa qeyb boliiska Nederlaan ka mid ah. Waxaa AVIM ay baarayaan aqoonsiga shaqsigaaga iyo dokumentiyada.
Ciidanka Xooga Nederlaan: Ciidanka Xooga Nederlaan waxa uu ka tirsan yahay ciidamada Nederlaan. Si wadajir la ah AVIM, Ciidanka Xooga Nederlaan waxa ay baari doonaan aqoonsigaaga iyo dukumentiyadaada.
Tani ayaa lagaa filayaa inta lagu jiro nidaamka magan-galyo doonka
Inta lagu jiro habraaca magangalyada, waa inaad u xaqiijiso waaxda Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND) sababta aad magangalyo u codsaneyso. Tani waxaad ku sameyneysaa adiga oo soo aruurinaya caddeynta, tusaale ahaan dukumiintiyada iyo waraaqaha. Waxaad sidoo kale sheegeysaa qisadaada qaxootinimada inta lagu guda jiro wareysiyada ay kula yeelaneyso IND.
Waa muhiim inaad u sheegto IND dhammaan macluumaadka ku saabsan sababta aad si cad oo buuxda ugu soo qaxday.VluchtelingenWerk Nederland ayaa kaa caawin kara inaad si sax ah ugu diyaargarowdo waraysiyada IND. IND ayaa goundefinedaansata haddii aad heli doonto ogolaanshaha magangalyada iyadoo ku saleyneyso dukumiintiyada aad bixisay iyo wareysiyada ay kula yeelatay IND.
Waxaad codsatay magan-galyo Ter Apel
Haddii aad ku gashid Netherlands dhulka oo aad rabtid magan-galyo, waa inaad aadaa Xarunta Codsiga (AC) ee Ter Apel. Tani waxa ay ka dhacdaa Netherlands marka aad bilowdid codsigaaga magangalyo doonka. Meelkasta oo Netherlands ah, waxaad ka heli kartaa tigidhka tareenka ama baska ee booliska ka yimaad una safraya Ter Apel.