Wadan amaan ah aad ka soo jeedid
Ma waxaad ka timid waddan ay dowladda Nederlaan u aragto inuu amaan yahay? Markaa waxaa dacwadaada looga howlgalayaa dacwadda deg dega. Rajada wey badan tahay in Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ay codsigaaga soo diidaan.
Liiska waddamada laga yimid ee amaanka ah
Ma ku jiraa waddankaaga aad ka soo jeedid liiska kumana jirtid mid ka mid ah xaaladaha gaarka? Markaa
Waxaad la yeelaney IND 1 wadahadal
Waxey IND ku weydiineysaa suundefinedaalo adiga kugu saabsan, safarkaaga Nederlaan ku timid iyo sababta aad u soo qaxday. waxaad heleysaa 1 fursad aad si waadix ah u sharaxdo qofka aad tahay iyo sababta aad u soo qaxday. Si faahfaahsan ugu sheeg IND sababta aad adiga qatar ugu jirtey waddanka aad ka timid. Iyo sababta aad badbaado uga baahan tahay Nederlaan.
Waqtiga wareysiga dokumentiyada waad siin kartaa IND si aad u cadeyso dhibaatada soo qixidaada. Waxaa lagu siinayaa cadeyn warqad ah haddii ay IND dokumenti kaa qaadaan.
U sheeg mar walba magacaaga dhabta ah. Ha dhiibanin magaca dokumentiga aqoonsiga ee faalsaha ku qoran. U sheeg IND haddii aad magac kale aad soo isticmaashay waqtigii safarkaaga. IND waxey fiirinayaan in waraaqahaaga sax yihiin. Dhibaato ayey u keeni kartaa codsigaaga magangelyodoonka haddii aad been ka sheegto shaqsiyadaada.
Mararka qaar way adagtahay inaad ka hadasho sheekadaada qaxoontinimo. Sicad u sharax arrintan haddii aad dareemayso culays si aad arrintaa uga hadasho. Ama haddii aanad waxa xasuusanin.
Ma leedahay calaamado ama dhibaato maskaxda oo ku shaqo leh soo qixitaankaaga? U sheeg taasi IND. Waxaa IND kuu bandhigi karaan baaritaan caafimaad.
Waxaa kuu tarjumi kara iyo ku wareysan kara shaqaalaha IND oo jinsiga aad adiga tahay haddii aad rabto.
Waxaa suura gal ah in shaqaalaha
Ururka Qaxootiga Caawiya (VWN)kula joogo marka aad leedahay wareysiga IND haddii aad rabto. IND waxey wareysiga ka sameyneysaa qoraal. Wadahadalka kadib waxaad kala hadleysaa garyaqaankaaga qoraalka IND. U sheeg garyaqaankaaga haddii qoraalka IND warbixin ka maqan yihiin ama sax ahayn.
Waxaa IND sameyneysaa go'aanka 1aad
Waxaa suura gal ah 3 waxyaalood:
IND waxay ansixisay codsigaaga magangalyada: Waxaad heli doontaa warqad ka socota IND taasoo sheegaysa in codsigaagii la ansixiyay. Intaa kadib waxaad codsan kartaa ogolaanshaha deganaansho rasmi ah. Ogolaanshaha deganaanta waxa lagu eekaysiin karaa shan sano, tusaale haddii wadanka aad kasoo jeedo uu markale xasilooni noqdo. Deganaanshahaaga waa lagaala noqon karaa haddii aanad sheegin runta inta lagu gudojiro codsigaaga magangalyo doonka.
IND waxey ku talo jirtaa iney codsigaaga magangelyodoonka soo diido:waxaad IND ka heleysaa warqad ku qoran in IND ku talo jiraan iney codsigaaga magangelyo soo diidayaan. Warqadaan waxaa ku qoran sababaha loo soo diidaayo iyo wixii cawaaqib ay kugu yeelaneyso.
IND waxay u baahan tahay wakhti dheeraad ah oo ay ku samayso baadhis oo ma goundefinedaamin karto codsigaaga magangalyada muddo gaadhaysa 6 ama 9 cisho. IND waxay sii wadi doontaa codsigaaga iyadoo lagu fiirinaayo Dacwada Guud Magangelyodoonka (AA).
Jawaabtaada marka ay IND codsigaaga magangelyada soo diido
Waxaad warqada IND kala hadleysaa garyaqaankaaga. Garyaqaanka wuxuu heystaa 1 beri oo uu warqada IND uga jawaabo. IND waa iney ku xisaabtantaa warqada garyaqaanka. Marka la aqriyo warqada garyaqaanka, waxey IND soo goundefinedaamineysaa in goundefinedaanka 1aad wax laga bedelaayo.
Cawaaqibta ay leedahay haddii IND codsigaaga magangelyodoonka soo diido
Ma sii joogi kartid Nederlaan oo waa inaad ku noqotaa waddanka aad ka soo jeedo. Waxa