Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Kinderen zitten in een rij in de klas te werken. De docent loopt langs om te helpen.

Dugsi hoose dhexe iyo dugsi sare

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/30/2023 12:57 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaa Nederland jira, Ilmaha ilaa da'da 16 iyo mar mar ilaa 18 iney waxbarashada waajib tahay: iyaga ma laha doorasho kale aan ahayn iney iskuul aadaan. Keliya marka ay jiran yihiin ayey iskuulka ka joogi karaan. waxaa kaloo ay weydiisan fasax gaar ah marka ay xaalado gaar ah jiraan sida (Ciida fitriga).

Dugsiga hoose dhexe

Carruurta jirta daundefinedda 4 sano ilaa 12 sano waxa ay dhigtaan dugsiga hoose. Dugsiga hoose waxa uu leeyahay 8 fasal.

  • Fasalada 1 iyo 2 undefinedfasalada xanaanadaundefined.

  • Laga bilaabo fasalka 3, ilmaha waxey baranayaan, aqriska iyo qorista iyo xisaabta.

  • Marki la gaaro fasalka 8, dhammaan ardaydu waa inay sameeyaan imtixaanka ugu dambeeya: imtixaanka loo yaqaano undefinedCitoundefined. Natiijadu waxa ay bixisaa qiyaasta heerka canuga ee dugsiga sare. Macallinku waxa uu adeegsadaa natiijooyinka imtixaanka undefinedCitoundefined markii uu bixinayo talada ku saabsan dugsiga sare ee canugu ay tahay inuu dhigto. Dugsiga sare waxa uu qaataa taladan.

dugsiyada hoose dhexe waxey leeyihiin fasalo gaar ah oo ilmaha aan weli aqoon luqada. macalinka wuxuu isticmaalaa fasal gaar ah marka hore ay luqada ku baranayaan.

Tas-hiilaadka dadka cusub iyo fasalada bilowga

Ilmaha mar dhow imaaday Nederlaan oo aan weli luqada Nederlaanka ku hadlin, waxaa iskuulada qaarkood ay dhigan karaan waxbarasho si ay luqada u bartaan. Sidaa ayey isugu diyaarinayaan iney waxbarashada ka dhigtaan dugsi hoose ama dugsi sare

Tas-hiilaadka wey kala duwan yihiin iyadoo daundefinedda ilmaha ay ku xiran tahay:

  • Ilamah ilaa 12 jira waxay leeyihiin tas-hiilad dadka cusub. Taasi waey noqon karaan iskuulo gaar ah, ama iskuulada caadiga ee dugsiga hoose oo leh fasalo gaar ah. websaaytka ururka LOWAN ayaa dulmar laga helaa iskuulada taasi bixiya. Waalidiinta waxey ilmahooda ku qori karaan iskuuladasi.

  • Ilmaha ka weyn 12 jirka oo markaasi yimid Nederland waxey billowga aadaan fasalka u gudbida ee Caalamiga (ISK) si ay u bartaan luqada Nederlaanka. Ilaa 1 sannad ka dib, waxey aadaan fasal caadi ah oo dugsiga sare.

Dhamaan ilmaha uma suurowdo inay aadaan fasal caadi ah ka hor 18 jirkooda. Wey ka boodaan dugsi sare oo isla markii ayey waxbarasho ugu hooseysa aadaan ama tababarka waxbarashada dhexe (mbo). halkaasi ayey shahaadada ka qaataan.

Dugsiga sare

Dugsi hoose dhexe ka dib ilmaha waxey dhigtaan dugsi sare.

Dugsiga sare waxaa ka jira 4 heerar:

  1. Waxbarashada baraatikada ah: heerkani waxa uu ardayda u diyaariyaa shaqada ama waxbarasho dheeri ah. Ardayda heerkan kujirta waxa ay qaataan casharrada fikrada ah oo kooban, laakiin inta badan waxa ay qaadanayaan casharada baraatikada ah. Waxbarashada baraatikada ah kadib, waxaad sida caadiga ah shaqada bilaabi kartaa isla markiiba. Waxaad sidoo kale sii wadan kartaa waxbarashada heerkan kadib.

  2. Diyaargarowga waxbarashada xirfadaha shaqada ee dhexe (VMBO): shahaadada dibloomadan waxa ay kuu oggolaaneysaa inaad aado waxbarashada xirfadaha shaqada ee dhexe (MBO).

  3. Waxbarashada guud ee dugsiga sare (HAVO): shahaadada dhibloomadan waxa ay kuu oggolaaneysaa inaad aado waxbarashada sare ee farsamada gacanta (HBO).

  4. Diyaargarowga waxbarashada tacliinta (VWO): shahaadada dhibloomadan waxa ay kuu oggolaaneysaa inaad aado jaamacad.

Waxbarashada gaarka ah

Waxaa jira Nederlaan waxbarashada caadiga ah ka sokow waxbarashada gaarka ah, xagga dugsiga hoose iyo xagga dugsiga sare. Tani waxaa loogu talo galay caruurta curyaanta ah xagga jirka iyo/ama maskaxda, kuwaasoo caawinaad gaar ah u baahan. halkaasi waxey ka helyaan caawinaada ay u baahan yihiin.

Marka leyska qoraayo waxbarashada gaarka ah waxaa taasi loo maraayaa iskuulka caadiga. Kaasi ayaa la xariiraaya iskuulka kuu dhow ee agagaarkaaga, iyaga ayaa wixii kale kaa caawinaaya xagga iska qoritaanka iskuulka caadiga ama haddii loo baahdo in lagaa qoro iskuul gaar ah.

Qarashka dugsiga hoose dhexe iyo kan sare

Waxbarashada dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare waxaa bixineysa dowladda. qalabyada iskuulka qaarkood ama safarka waa iney waalidka ilmaha bixiyaan. Waalidka leh daqli hooseeya waxaa marmar ay helaan qiimo dhimis iskuulka ama ineysan waxba bixin.

Maqaalkan ma ku caawiyey?