Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Een vrouw leest een contract

Laga soo xigtay: Karolina Grabowska

Xaquuqda iyo sharuudaha shaqaale ahaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/17/2023 9:14 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Shaqaale ahaan, waxaad, waxaad leedahay xaquuq iyo waajibaad dhowr ah oo adiga iyo shaqo siiyahaaga aad dhowreysaan. Sharciyada ugu waaweyn halkan ayaad ka aqrin kartaa.

Shaqo iyo waajibka waxbarashada ilaa da'da 18 jir

Nederlaan, waxaa ilmaha da'dooda u dhaxeysa 5 jir ilaa 16 jir saaran waajibka waxbarashada. Taasi waxey kaloo qabaneysaa ilmaha jinsiyadaha kale heysta iyo dadka magangelyodoonka weydiisanaaya carrurtooda. Haddii qofka weyn uusan heysanin shahaadada dugsig sare, waxaa saaran waajibka waxbarashada ilaa ay ka gaarayaan da'da 18 jir.

13 ilaa 16 jir da'da ah
16 iyo 17 jir
Haddii aad 18 jir ama ka weyn tahay

Xeerarka mushaharka iyo faa'iidooyinka

Shaqaale mushahar qaata ahaan waxaad leedahay, xaquuq gaar ah. Xaqa ugu muhiimsan waa xaqa mushaharka ugu yar. Taasi waa qaddarka loo baahan yahay inaad hesho ugu yaraan shaqada aad qabaneyso, waxaana ay ku qoran tahay sharciga.

Mushaharka ugu yar wuxuu ku kala duwan yahay da'da. Marka aad sii weyn tahay, mushaharka ugu yar wuu ka sii kordhayaa. Laga bilaabo da'da 21, mushaharka ugu yar yar waa qaddar go'an. waxaa muhiim ah inaad qaadan wax ka yar mushaharka ugu yar.

Intaa waxaa dheer, mar walba waad kala xaajoon kartaa mushaharka. Hubi in mushaharkaaga uu ahayn mid ka yar dadka kale ee isla shaqadaada oo kale qabanaaya.

Heshiisyada shaqada ee ku qoran heshiiskaaga

Mushaharkaaga ka sokow, waxaa jiro heshiisyo ku qoran heshiiskaaga. Kuwaasi waxaa lagu yaqaan sharuudaha shaqada. Waxaa ka mid ah tirada saacadaha maalintii aad shaqeyneyso iyo tirada maalmaha fasaxa aad qaadan karto sannadkii. Waxaad kaloo xaq u leedahay fasax lacagta kuu soconeyso xaalado gaar ah sida: fasaxa umusha, fasaxa waalidka iyo fasaxa daryeelka.

Su'aalaha iyo talada

Wixii su'aalo sharciyada la xariira iyo warbixino dheeraad oo ku saabsan heshiisyada shaqaalaha waxaad la xariiri kartaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
'Het Juridisch Loket'
. Ka wac si lacag la'aan ah (0800) 80 20 si aad ula hadasho shaqaale sharciyada yaqaan. Waxaa 'Het Juridisch Loket' ay furan yihiin isniin ilaa iyo jimce inat u dhaxeysa 9.00 iyo 17.00 saac.

Gunnada safarka

Qarashka ku baxa aadista iyo noqoshada shaqada waa qaali. Waxaa uu shaqo siiyahaaga ku siin karaa kaalmada safarka. Tani waa qarashka aad geshay si aad shaqada u aado oo laguu soo celinaayo.

Cashuur la'aan

Markaad ku safreyso gaadiid kuu gaar ah, ama gaadiid ama gaadiidka dadweynaha, waxaa loo shaqeeyaha bixin karaa lacag celin cashuur la'aan ah ilaa €0.21 kiilomitirkiiba. Haddii loo shaqeeyaha bixiyo wax ka badan €0.21 kilomitirkii, wax walba oo intaas ka badan €0.21 kilimitirkii waxaa lagu tiriyaa mushahar ahaan. Markaa, waxaa loo canshuuraa sidii mushaharkaaga intiisa kale.

Markaad ku safreyso gaadiidka dadweynaha, wuxuu loo shaqeeyaha dooran karaa inuu dib u bixiyo qarashka safarka aad sameysey oo cashuur la'aan ah. Taasi waxey micnaheeda tahay in loo shaqeeyaha uu bixinaayo dhamaan qiimaha tigidka tareenka, tusaale ahaan.

La samey qorshe shaqo siiyahaaga

Haddii aadan ogeyn qaabka uu loo shaqeeyahaaga dib ugu celiyo qarashka gaadiidka dadweynaha, waxaa fiican inaad tani heshiiska shaqada ka hor ka sii hadashaan.

Qodobkan ma ku caawiyay?