Laga soo xigtay: Tweede Kamer der Staten-Generaal
Qodob

Muxuu sameeyaa Golaha Wakiilada?

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 8/27/2025, 1:48 GD

Waxaa mareegtada wararka badiyaa ka aqrisaa wax ku saabsan Golaha Wakiilada. Tusaale ahaan haddii ay doorashooyin jiraan, haddii ay sharciyo cusub la sameeyo. Laakiin muxuu yahay Golaha Wakiiladu? Maxeyna yihiin waajibaadka xubnahooda? Qodobkan ayaa jawaabta ka heleysaa.

Muxuu yahay Golaha Wakiilada?

Golaha wakiilada Nederlaan waa magaca matalaha bulshada: dad gaar ah oo toos bulshada u soo dooratay. Golaha wakiilada waxey u doodaan danaha shicibka oo waxey iyaga iyo

wada yihiin baarlamaanka. Magaca rasmiga ee Nederlaan baarlamaanka loo yaqaan waa Jamciyada Guud "Staten Generaal".

Golaha wakiilada wuxuu ka kooban yahay 150 xubnoo niman iyo naago ah- oo 4 sano walba la doorto mudada doorashooyinka qaranka. Mar mar ayaa ka hor doorashooyinka la sameeyaa, tusaale ahaa haddii

dhacdo. Doorashooyinka waxey xadidaan siyaasiyiinta iyo xisbiyada fariisanaaya kuraasta golaha.

Golaha Wakiilada wuxuu jiraa ilaa 1815. Mudadaasi kelya niman xoolo leh ayaa lahaa

, iyo boqorka ayaa wax walba go'aamin jirey. Taasi wey is bedeshay sannado ka dib. Ilaa 1919 dhamaan muwaadinka Nederlaan ee da'dooda 18 ah ka weyn ayaa codeyn kara. Markaasi Nederlaan waxey noqotay
sida aanu hadda u naqaano.

Howlaha Golaha Wakiilada

Golaha Wakiilada wuxuu leeyahay seddex hawlood oo waaweyn: sameynta sharciyada, kormeerida dowlada iyo iney matalaan dadka Nederlaanka.

1. Sameynta sharciyada

Golaha Wakiilada waxey wadajir ula sameeyaan

iyo Golaha Sare sharciyo cusub. Xubnaha baarlamaanka ayaa ka wada hadla sharciyada lasoo gudbiyey, waxey sameyn karaan in wax laga bedelo ama
iney codeeyaan iyo gudbiyaan sharciyo la nbandhigaayo. Keliya marka aqlabiyada ay codeeyaan ayaa soo wixii la bandhigay loo gudbinaayaa Golaha Sare.

Ma rabtaa inaad wax dheeraad ka ogaato sida sharciyada u dhismaan? Ka aqri qodobkan RefugeeHelp.

2. Dowladda oo la kormeero

Golaha Wakiiladu waxa uu la socdaa habsami u socodka shaqada dawladda. Xildhibaanada Golaha Shacabka su’aalo wey weydiin karaan Wasiirada oo ay soo gudbiyaan mooshin haddii ay rabaan iney arrin soo jeediyaan. Marka uu wasiirku go’aan ka gaaraayo waa in ay si cad oo hufan uga hadlaan golaha wakiilada. Golaha wakiiladu waxay ku qasbi karaan golaha wasiirada, wasiir ama xoghaye dawladeed inay is casilaan iyagoo kalsoonida kala noqanaaya.

3. Nederlaanka waxey matalaaya

Xubnaha Golaha Wakiilada waxey matalaayaaan Nederlaanka. Waxey xariir la leeyihiin muwaadiniinta, ururada bulshada iyo

, iyo wel welkooda iyo fikradahooda ku soo bandhigayaan dooda. Mudada doorashooyinka waxaa Nederlaanka dooranayaan dadka matalaaya ee Golaha Wakiilada.

Yaa xubin ka noqon kara Golaha Wakiilada?

Qof walba xubin kama noqon karo Golaha Wakiilada. Sida uu qabo

waxaa jira dhowr sharuudo muhiim ah: waa inaad ugu yaraan 18 jir tahay, hesataa dhalashada Nederlaan,
heysataa, iyo isla markaasi xubin ahaan kama tirsanaan kartid Golaha Sare.

Maxaa loo oggol yahay Xildhibaanada Baarlamaanka?

Xildhibaanada Baarlamaanka waxey leeyihiin xaquuqyo gaar ah oo ka caawiya iney shaqadooda si fiican u qabtaan. Sida:

  • Weydiinta su'aalaha wasiirrada;

  • Mooshin gudbinta;

  • Soo gudbinta sharciyada la soo jeedinaayo;

  • soo jeedin ku saabsan sharciyada la soo jeediyey;

  • Weydiinta macluumaadka wasiirada, taasi oo ay ku waajiban yihiin iney ka jawaabaan,

  • in la ansaxo ama in la soo diido;

  • U wicida wasiirka ama

    dood deg deg ah awgeed.

Sidee u shaqeysaa siyaasadda Golaha Wakiilada?

Xubnaha Golaha Wakiilada waxey ka tirsan yihiin xisbi siyaasi. Xisbi walba wuxuu difaacaa kooxo gaar ah oo bulshada ka mid ah. Doorashooyinka ka dib waxey xildhibaanada cusub ee la doortay sameeyaan doorasho oo danaha kooxahaasi sida wanaagsan u matali lahaayeen. Waxaa doorashada ka wada hadlayan gudaha

.

Waxaa Nederlaan wada shaqeeya badiyaa ururo kala duwan. Hadii ay wadajir aqlabiyada u helaan- ugu yaraan 76 ka mid ah 150 ka kursi- waxey noqonayaan

. Xisbiyada isbaheysiga waxey keenayaan wasiiro iyo wada sameynayaan dowlad.

Xisbiyada kale waxey sameeyaan

. Waxey iyaga baaraan dowlada. Waxaa kaloo isku dyaan iney doodaha, mooshinada iyo sharciyada la soo jeediyo ay sameyn ku sameeyaan.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful