Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Bilowga
  • Maalmaha ciida masiixiga oo loo dabaaldego guga
Laga soo xigtay: Pixabay.com/music4life

Maalmaha ciida masiixiga oo loo dabaaldego guga

La shaaciyey: 5/17/2023, 1:26 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Nederlaanka badankooda waxey u dabaaldegaan ciidaha qaranka ee masiixiga guga. Taasi waa maadaama Nederlaan ay leedahay taariikh masiixi ah. Halkan ka aqri waxa loo dabaaldego iyo qaabka ay tahay.

Waxaa jira 4 maalmood oo qof walba ciid u ah

Wax ka yar kala barka Nederlaanka ayaa sheegta iney diin heystaan. Haddana waxaa dhamaan Nederlaanka ay sannadka horaantiisa u dabaaldegaan 4 ciid masiixi ah: Goede Vrijdag, Pasen, Hemelvaart iyo Pinksteren.

Ciidahan dadka aan diin heysaninna wey ciidaan. Hoos ayaa ka aqrineysaa ciid walba qaabka Nederlaan looga ciido.

Ciidaha Goede Vrijdag iyo Pasen (7, 9 & 10 abril 2023)

Ciidaha Goede Vrijdag iyo Pasen waa maalmo muhiim ah oo masiixiga. Sida uu sheegaayo Baybalka waxaa jimcahaasi "Goed Vrijdag" Ciise iskutallaabta lagu qodbay oo la aasay. Laakiin subaxii axada ay xertiisa ogaadeen inuu qabrigiisu faaruq yahay.

Baybalka wuxuu qoraayaa in Ciise maalintaasi uu dhimashada ka soo kacay. Ciidaha Goede Vrijdag iyo Pasen waxaa dadka aadaan kaniisadaha oo lagu qabto xuska qodbida isku tallaabka ee Ciise markuu ka soo kacay dhimashada loo dabaaldego.

Xitaa dadka aan diin heysanin wey u dabaadegaan Pasen. Tusaale ahaan iyagoo ukumaha Easterka meelo ku qarinaaya taasoo calaamad u ah nolosha cusub ee gugu. Waxaa dad badan ay la quraacdaan familkooda iyo asxaabtooda. Taasi waxaan ku magacownaa quraacda easter-ka. Mudada quraacdaasi waxaa dadka badankooda ay cunaan rootiga easter-ka iyo ukumo.

Maalinta koritaanka (18 maajo 2023)

Maalinta koritaanka xuska masiixiga ee Ciise uu samada aaday. Waxaa dhaqan ahaan loo dabaaldegaa maalinta 40aad ee Easter-ka ka dib. Baybalka waxaa ku qoran inta u dhaxeysa Eastar-ka iyo Maalinta koritaanka Ciise inuu 40 beri diinta masiixiga aduunka lagu fidiyey. Sannadkan waxaa uu Maalinta koritaanka (Hemelvaart) ku dhacaayaa 18 maajo.

Sida uu sheegaayo Baybalka waxaa maalinta koritaanka lagu qabtaa Olijfberg ku yaala Bariga-Jurasalem, halkaasoo Ciise uu ardaydiisa u sheegay iney diinta sii fidiyaan. Iyagoo ardayda arkayaan, ayuu Ciise u kacay oo markaana la waayey. Taasi waxaa loo arkaa dhamaadkii joogista Ciise ee dunida.

Maalinta koritaanka waxaa kaniisado badan abaabulaan qudbado gaar ah. Waana maalin fasax rasmi ah, markaa dadka badankooda waa fasax shaqada iyo iskuulada. Meelaha qaarkood waxaa la abaabulaan wada kulamo xaflado, riwaayado iyo dhaqdhaqaaqyo isboortiga ah. Wada kulanadaasi wey ka qeyb qaadan karaan xitaa dadka aan masiixiga ahayn.

Ciida Pinksteren (28 & 29 maajo 2023)

Ciida loo yaqaan Pinksteren waxaa la qabtaa 50 beri ka dib ciida Pasen. Sannadkan waxey ku beegan tahay axada 28 iyo isniinta 29 maajo. Waxaa Baybalka ku qoran in ardayda Ciise ay waqtigaasi geesinimo heleen oo ay fariintiisa fidiyaan. Sidaa awgeed ayaa masiixi badan ay u arkaan Pinksteren bilowga kaniisada masiixiga.

Badankooda kaniisadaha Nederlaan waxey sameeyaan adeegyo kaniisada ah maalinta axada Pinkster iyo isniinta Pinkster. Inkastoo ay tahay fasax qaran Nederlaan, haddana si ballaaran loogama ciido. Tusaale ahaan wey ka duwan tahay mida Easter-ka.

Sida ciida Koritaanka ayaa Pinksteren-ka aad ugama muuqdo nolosha banaanada. Ma jiraan wax sharaxaad ama cuntooyin gaar ah oo la cuno Pinkster-ka. Inkastoo dadka qaarkood ee Nederlaanka rooti dhaqanka ah sameeyaan oo loo yaqaan rootiga pinkster-ka.

Waqtiyo kale ayey dukaamada furan yihiin

Maalmaha ciidaha dukaamo badan yaa xiran ama waqtiyo kale ay furaan. Ka sii war doon saacadaha furitaanka ee dukaamada kuu dhow si aad u hubto inaad soo adeegan karto.

Qof walba shaqada fasax kama heysto

Dadka badankooda waa fasax maalmaha ciida. Laakiin qof walba ma aha. Ma rabtaa inaad hubiso haddii aad fasax leedahay? Markaa weydii shaqo siiyahaaga.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?