Inaad qorato shaqada adigoo heysta dokumenti-W oo 1 sano ah
Qodobkaan sii wadaaji
Ma heysatid (weli) sharci deganaansho magangelyo laakiin waxaad rabtaa inaad shaqo raadsato oo aad qorato shaqo cusub? boggan ayaa ka aqrineysaa qaabka shaqo qorashada Nederlaan uu yahay.
Haddii aadan (weli) sharci deganaansho magangelyo heysanin waad shaqeyn kartaa adigoo sharuudaha qaarkood dhowraaya
Ma heysataa
dokumentiga- W
Diyaarinta CV-ga
Haddii aad shaqo hesho, shaqaalaha wuxuu shaqo siiyaha badiyaa ku weydiinayaa inaad soo dirto CV. Waxaa CV ku qoran iyadoo gaaban kormar ah shaqooyinkaaga. Waxaad hoos ka aqrin kartaa waxa CV-ga la rabo inuu ka koobnaado:
CV-ga waa dokumenti ka kooban:
Warbixinta la xariirka; ugu yaraan magacaaga hore iyo kan dambe, e-mailkaaga iyo nambarkaaga telefoonka
Qibradaada shaqada, kii ugu dambeeyey ilaa kii ugu horeeyey
Qibradaada shaqada, kii ugu dambeeyey ilaa kii ugu horeeyey
Xirfado
Waxa aad xiiseyso
Qoritaanka warqada guud
Waxaa warqada shaqada CV la raaciyaa warqad guud. warqada guud, waxaad ku sharaxeysaa sababta aad adiga jagadan ugu qalanto iyo sababta aad u rabto inaad shaqo siiyahan ugu shaqeyso.
Kuwa shaqo siiyaha waxey badiyaa rabaan warqad ku qoran Nederlaan ama Inglishka. haddii aadan ku fiicnayn labadan luqadood midkood, caawino weydiiso qof kuu dhow inuu kuu qoro ama kuu fiiriyo markaad qorto ka dib.
Sidan ayaa warqad guud oo fiican loo qoraa
Soo ogow shirkada nooca uu yahay. Haddii uu yahay dhaqanka shirkada mid rasmi ah ama mid aan rasi ahayn taasi ayaa ka goundefinedaamineysaa qaabka warqadaada u noqon karo.
Sii hubi in luqadaada ay ku habboon tahay luqada laga isticmaalo shaqada aad qoraneyso. Isticmaal ereyo kuwaa la mid ah.
Sharaxaad ka bixi qaabka waxbarahadaada iyo qibradaada ay ugu habboon yihiin shaqada aad qoraneyso.
Warqadaada ka dhig mid shaqsi ah.
Iska hubi inuu warqadaada guud ahaado ugu badnaan hal bog A4.
Marka aad qorato, badiyaa dhowr wiig ayey qaadataa ilaa aad jawaab ka heleyso. Waxaad mar walba wici kartaa shaqo siiyaha ama u diri kartaa e-mailka oo aad weydiineyso codsigaaga shaqo haddii aad muddo dheer wax war ah ka heli weydo.
Haddii shirkada u arkaan iney ku qaadan karaan, badiyaa dhowr qofood oo shaqada qortay ayey ugu yeeraan wareysi.
Haddii laguugu yeero wareysi shaqo
Haddii aad qoratay shaqo banaanaa iyo waxaa laguugu casumay inaad u imaado wareysi, shirkad walba siyaalo kala duwan ayey u wadaan qaabka codsiga shaqada uga howlgalaan. Badiyaa dhowr wareeg ayey ka kooban tahay:
wadahadalka 1aad
wadahadalka 2 aad
Wareysiga shaqo gelinta
Hoos ayaa ka aqrin kartaa inta wareeg ee uu ka kooban yahay:
Heshiiska & sharuudaha shaqo gelinta
Waxaa Nederlaan, intaadan shaqada meel ka bilaabin, waxaad leedahay wareysi si loo sameeyo qabanqaabo shaqaalaha. Tusaale ahaan, waxaa la sameynayaa qaban qaabo ku saabsan:
Meeqa ayaad qaadaneysaa
Meeqa saac ayaad shaqeyneysaa
Maalmahee ayaad shaqeyneysaa
Maalmahee ayaad fasax leedahay
Haddii aad ku heshiisaan waxyaalaha muhiimka ah, waxaad saxiixeysaa heshiiska. Dhamaan sharuudaha shaqada waxaa lagu qorayaa heshiiska. Waxaad kaloo xaq u leedahay fasax adigoo lacag kuu socoto xaaladaha qaarkood, sida fasaxa ummusha, fasaxa waalidnimada iyo fasaxa daryeelka.