Waxaan nahay VluchtelingenWerk Nederland. Waxaa nalaga heli karaa telefoonka.
Waxaan aruurinaa warbixin ama xogag shaqsiga ee aad adiga na siiso, markaad na soo wacdo, ama aad buuxiso warbixintaada la xariirka aad websaytkeena ku buuxiso.
Waxaan kaloo aruurinaa warbixin ama xogag shaqsi oo xadidan oo taada ah, markaad soo booqato websaytkeena. Taasi waxaa lagu sharaxay qoraalka cookie-ga ee nidaamkeena.
Waxaan kaloo u adeegsanaa warka shaqsiga marka aad soo booqato websaytkeena arrimaha soo socda keliya: • si xagga (teknikada)aan u hormarino websaaytkeena; • si aan u awoodno inaan kuula soo xariirno telefoonka ama e-mail-ka ku saabsan codsigaaga/yaashaada.
Ma isticmaalno war shaqsiyeedka xasaasiga ah. Ma aruurino warbixin kugu saabsan oo ururo kale ka yimid. sidoo kale xogta uma isticmaalno arrimo kale oo istaan ah.
Waxaan xogagta badankooda u isticmaalnaa mida aan adiga heshiis kula sameynay, ama mid loogu baahan yahay in muhiimad sax ah lagu fuliyo.
Ma heysano xogagta mudada loo baahan yahay ka badan. Marna warbixinta lama wadaagno kuwo kale, ilaa haddii aan sharci ahaan ku qasban nahay inaan sameyno. Tusaale, haddii ay waaxda canshuuraha codsadaan iney galaan akoonnadeena.
Waxaan ururada qaarkood iney noo qabtaan howlo, laakiin kuwaasi waa keliya howlgelayaal.Tusaale, websaytkeena waxaa hoos imaadaa oo aan isticmaalnaa Navara. Markaa waxey howlgeliyaan warka shaqsiga iyagoo annaga aan ognahay oo aan kormeereyno, xaalado aan annaga go'aaminay iyo ay tahay mid kalsooni sugan ah.
Haddii aan xog shaqsi ah kaa heyno, waxaad xaq u leedahay inaad aragto, wax ku kordhiso ama aad tirtirto. Intaa waxaa dheer, waxaad xaq u leedahay inaad diido iyo inaad qaadato xogta.
Hoos, waxaa kuu tilmaameynaa si aan u kala saarno arrimaha qaaska ah websaaytka VluchtelingenWerk Nederland. Halkaasi ayaan, si aad u ballaaran ku faahfaahineynaa xogtee shaqsiga ayaan aruurinaa, sidee ayaan u sameynaa taasi, ulajeedada aan taasi u sameyno iyo mabaadi'da asaaska u ah.
Ma qabtaa wax su'aalo ah oo ku saabsan xaquuqda arrimaha gaarka? Haday sidaa tahay, fadlan email -ka u dir privacy@vluchtelingenwerk.nl. Ama toos ula xariir shaqaalaha ilaalinta xogta: fg@vluchtelingenwerk.nl.
Fadlan soo booqo websaaytka ama VluchtelingenWerk warbixin dheeraad ku saabsan cookie-ga nidaamkiisa.