Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Sharuudaha codsiga keenista familka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/22/2023 10:54 GH

Haddii aad rabto familkaaga iney imaadaan Nederlaand, waa inaad codsi keenista familka uga sameysaa Adeega socdaalka iyo Jinsiyada (IND). waa inaad codsigaasi keenista reerka sameysaa 3 bilood gudahooda marka lagu siiyo fasaxa deganaanshaha. Tani waxaa lagu magacaabaa 'mudada ka daba imaanshaha".

Waxaad codsan kartaa inaad xubnaha qoyskaaga katirsan dib ula midowdo oo keento wadanka haddii:

  1. aad haysato oggolaanshaha degenaanshaha oo ku saleysan magangalyo.

  2. xiriirka qoyskaaga (tusaale ahaan, guur ama lammaananimo) uu jiray ka hor inta aadan usoo qixin Nederlaan.

Haddii aad caawinaad rabto gudbinta codsigaaga? tag saacada la talinta

VluchtelingenWerk (VWN)
ee xaruntaada hoyga ama degmadaada. Mutadawac kasocda VWN ayaa ku caawin kara. VWN sidoo kale waxay leedahay warqado macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dib u mideynta qoyska oo ku qoran dhowr luqadood. Waxaad ka heli kartaa warqadan halkan.

Xubnahee qoyska katirsan ayaan u codsan karaa dib u midaynta qoyska?

Waxaad dalban kartaa isu keenista xubnaha qoyska soo socda:

  • Xaaskaaga ama seygaaga. Fadlan la soco: haddii aad leedahay wax kabadan hal xaas, kaliya 1 xaas ayaad la imaan kartaa oo ay la socdaan carruurtaada.

  • carruurtaada aad adiga dhashay iyo carruurta aad soo korisay ama aad korsatay ee kayar 18 sano ee ka mid ahaa qoyska marki la joogay waddanka aad kasoo jeedo. Fadlan la soco: haddii waalidka kale ee cunugga uu dibedda joogo, waa inuu oggolaansho siiyaa cunuggaaga inuu u baxo Nederlaan.

  • carruurtaada aad adiga dhashay iyo carruurta aad soo korisay ama aad korsatay ee ka weyn 18 sano illaa jira daundefinedda 25 sano, haddii ay had iyo jeer kasoo tirsanaayeen qoyskaaga oo aysan guursan ama xiriir aysan laheyn. Carruurta ka weyn 25 sano ayaa mararka qaar loo oggol yahay inay yimaadaan Nederlaan.

Waxaan kayarahay da'da 18 sano

Haddii aad kayar tahay 18 jir, waxaad tahay qof aan qaangaarin. Haddii waalidiintaada midkoodna uusan ku nooleyn gudaha Nederlaan, waxaad inaad dib ula midowdo u codsan kartaa:

  • Aabahaa iyo/ama hooyadaa ee adiga kudhalay.

  • Waalidiinti kusoo korsaday. Codsigani waxa uu ku kacayaa lacag.

  • Walaalahaaga aanan qaangaarin. Codsigani waxa uu ku kacayaa lacag.

  • Xaaladaha qaarkood, waxaad sidoo kale walaalahaaga qaangaarka ah keeni kartaa Nederlaan. Codsigani waxa uu ku kacayaa lacag.

Boggan waxaad ka heli doontaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan codsiga dib u midaynta qoyska.