
Dokumentiyada loo baahan yahay mideynta qoyska aruurinta iyo soo tarjumida
La wadaag baraha bulshada:
Markaad codsanayso midaynta qoyska, waa inaad u soo gudbisaa dukumeentiyada IND caddaynaya xubinta qoyskaaga iyo muujinta xiriirka aad leedihiin. Boggan waxa ka aqrinaysaa dukumentiyada aad u baahan tahay si aad u gudbiso codsiga isu keenidda qoyska ee Nederlaan.
Dokumetiyada muujinaaya xariirka reer ahaan aad leedihiin
Waxaa kaloo la rabaa inaad cadeyso inaad xariir reer ahaan qofkaasi reerkaaga ah la leedahay. Taasi waxa ku sameyn kartaa dokumentiyada:
Ku saabsan xaaskaaga ama lammaanahaaga:
Nuqul ka mid ah shahaadada guurka sharciga ah ama koobiga caddaynta kale (buuga qoyska) ee caddaynaya guurka, ama;
Nuqul ka mid ah shahaadada guurka diiniga / ama dhaqanka ah ama koobiga caddaynta kale (buuga qoyska) ee caddaynaya guurkan, ama;
Nuqul caddayn ah oo muujinaya in guurka diiniga ah/dhaqameedka laga diiwaan geliyay waddanka aad ka timid lamaanahaaga (tani waxay suurtogal tahay oo keliya haddii diwaangelintan ay tahay caado waddanka aad ku guursatay), ama;
Nuqul ka mid ah shahaadada lammaanaha ee diiwaangashan. Tan waa in ay soo saartaa dawlada wadanka ay lamaananimada ka diiwaangashan tahay, ama;
Nuqul caddaynaya xiriirkaaga, iyo;
Lifaaqan si buuxda loo dhammaystiray '
Su'aalo-liiska (guurka) lammaanaha imaanaaya .'
Loogu talagalay waalidkaa(iinta):
Nuqul ka mid ah shahaadadaada dhalashada ama dukumeenti kale oo cadeynaya xiriirka qoyskaaga ee waalidkaa (iinta). Tusaale ahaan, buuga qoyska;
Koobiga cadeynta ku qoran qofka
Nederlaan (tusaale qofka aad la xariirto Nidos)mas' uulka kaa ahLifaaqa si dhammaystiran loo buuxiyey oo saxiixan '
Codsiga baaritaanka DNA ee isu-keenidda qoyska '
Loogu talagalay carruurta aad adiga dhashay:
Nuqul ka mid ah shahaadada dhalashada ilmahaaga ama nuqulka caddaynta kale ee muujinaya xiriirka qoyskaaga ee ilmahaaga;
Lifaaqa si dhammaystiran loo buuxiyey '
Codsiga baaritaanka DNA ee isu-keenidda qoyska ';Ma yahay ilmaha aad adiga dhashay mid ka weyn 15 jir? Markaa u dir lifaaqa si dhameystiran loo buuxiyey oo ilmaha uu saxiixay
Bayaanka xaalada shaqsiga '.Haddii waalidka kale ee ilmaha dhalay uu ku haraayo dibadda? markaa waa inay fasax u siiyaan ubadkaaga inuu u safro Nederland. Tani waxaa loo baahan tahay:
Nuqul ka mid ah caddaynta aqoonsiga waalidka haraaya. Caddayntan sidoo kale waa inay ku jirtaa saxeexa waalidka haraaya;
Nuqul caddayn ah oo muujinaysa xiriirka qoyska ee u dhexeeya ilmahaaga iyo waalidka haraaya ku cadahay;
Lifaaq la buuxiyey oo si buuxda u dhameystiran oo la saxiixay
' Cadeynta fasaxa waalidka haraaya' ama lifaaq aad adiga si buuxda u buuxisay iyo saxiixdayCadeynta maqan ee ah cadeynta fasaxa waalidka haraaya' .
Ilmahaaga aad korisay ama ubadka aad dhashay ee ka socda lamaanahaaga (guurka):
Nuqul ka mid ah shahaadada dhalashada ama nuqulka caddaynta kale ee tusinaysa xidhiidhka qoyska ee u dhexeeya ilmaha iyo waalidka dhalay ilmaha;
Carruurta korinta ah, koobiga caddaynta muujinaya aqoonsiga waalidka dhalay ilmahaaga;
Carruurta korinta ah, koobiga caddayn muujinaaya xariirkaaga iyo xariirka ilmaha koriska;
Lifaaqa si dhammaystiran loo buuxiyey oo saxiixan '
Codsiga baaritaanka DNA ee isu-keenidda qoyska 'Lifaaqa la buuxiyey oo dhameystiran
liiska su' aalaha xariirka reerka ee ilmaha .'Ma yahay ilmaha mid ka weyn 15 jir? Markaa u dir lifaaqa si dhameystiran loo buuxiyey oo ilmaha uu saxiixay
Bayaanka xaalada shaqsiga 'Haddii waalidka kale ee ilmaha dhalay uu ku haraayo dibadda. Sidaa awgeed waa inay fasax u siiyaan ubadkaaga inuu u safro Nederland. Tani waxaa loo baahan tahay:
Nuqul ka mid ah caddayn aqoonsiga waalidka haraaya cadeynaaya. Caddayntan sidoo kale waa inay ku jirtaa saxeexa waalidka haraaya;
Nuqul caddayn ah oo muujinaysa xiriirka qoyska ee u dhexeeya ilmaha iyo waalidka haraaya ku cadahay;
Lifaaq uu buuxiyey waalidka haraaya oo si buuxda u dhameystiran oo la saxiixay
Cadeynta fasaxa waalidka haraaya' ama lifaaq aad adiga si buuxda u buuxisay iyo saxiixdayCadeynta maqan ee ah cadeynta fasaxa waalidka haraaya' ’.
Waalidkii dhalay ilmahii aad korisay miyay dhinteen? Fadlan sidoo kale ku dar:
Nuqulka shahaadooyinka dhimashada ee waalidiinta dhalay ilmaha aad korsatay.
Nuqul caddaynaya inaad tahay masuulka ilmahaaga korista ah.
FG: Marka hore waa in aad soo dirtaa koobiga dhammaan dukumeentiyada aad u baahan tahay si aad u gudbiso codsigaga. Dokumentiga asalka ha soo dirin IND waxay ku waydiin doontaa dukumeentigii asalka mar dambe, marka laga reebo baasaboorada ama aqoonsiga kale ee xubnaha qoyskaaga.
Dokumentiyada ku soo tarjun Nederlaan, Inglishka, Faransiiska ama Jarmalka
Dhammaan dukumeentiyada aad soo gudbiso waa inay ku qoran yihiin Nederland, Ingiriis, Jarmal, ama Faransiis. Haddii dukumeentiyada lagu qoray luqad kale? Markaa waa inaad turjuntaa
Diiwangelinta tarjumaannada iyo tarjumayaasha la dhaariyay'
Raadi turjumaan turjumi kara dukumeentigaaga. Waxaad u sheegi kartaa luqadda aad ku rabto dukumeentigaaga in loogu turjumo Nederlaanka. Waxaad sidoo kale raadin kartaa turjumaan agtaada ah. Waxaad arki doontaa magaca, ciwaanka iimaylka, iyo lambarka taleefoonka turjumaanada aad la xiriiri karto. Way fiican tahay inaad marka hore waydiiso turjumaanka inta ay ku kacayso tarjumaada, si aad u ogaato inta qarash ee aad bixin doonto.
Fadlan ogow: dukumeentiyada waa in uu turjumaa turjumaan la dhaariyey oo sharciyeysan oo Nederlaan jooga. Turjumaadda dibadda laga keenay sidaas awgeed ma ansaxayso.