Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Bilowga
  • Doorashada ceymiska caafimaadka
Qof isticmaalaaya makiinada xisaabta iyo dokumentiyada buux buuxinaaya
Laga soo xigtay: Pavel Danilyuk

Doorashada ceymiska caafimaadka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/13/2023, 3:19 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Marka aad qaadaneyso ceymiska caafimaadka, waxaad ka dooran kartaa noocyo kal duwan. waa fikrad wanaagsan inaad ka sii fekerto nooca daryeelka aad u baahan tahay. Markaa waxaad dooran kartaa mida baahidaada tireysa.

Calaamadahan ayaa ugu muhiimsan ceymiska asaasiga

  • Ceymiska asaasiga waa waajib haddii aad degan tahay ama aad ka shaqeyso Nederlaan. Iyo ilmahaba.

  • Xirmada asaasiga waxaa xadideysa dowladda. Waxa ku jira xirmada wuu isbedeli karaa sannad walba. Dowladda ayaa sannad walba dib u xadideysa qadarka qarashka uu qofka iska bixinaayo.

  • Daryeel caafimaadka qaarkood kuma jiraan qarashka aad iska bixineyso, sida daryeelka dhaqaatiirta qoyska ama daryeelka umulisada.

  • Ceymiska caafimaadka waa ku waajib iney kuu ogolaadaan xirmada asaasiga.

  • Qarashka xirmada ceymiska dadka dhan wey u siman yihiin. Dadka dhan ee xirmadaasi heysta ee isla ceymiskaa ku jira isku intii ayuu bixinaayaa. Waxfarqi uma dhexeeya dadaada ama inaad caafimaad qabto.

Calaamadahan ayaa ugu muhiimsan ceymiska dheeraadka ah

  • Ceymiska dheeraadka ah waxaad ku jirtaa ceymis (qeyb ka mid ah) daryeelka aan ku jirin xirmada asaasiga. Tusaale qarashka dheeraadka ee daryeelka dhaqtarka ilkaha.

  • Waxaa jiro xirmado kala duwan, oo dhamaan ah ceymiska dhameystirka ee lagu dhameystiraayaa ceymiska asaasiga. Shirkada ceymiska ayaa xadidaaya sharuudaha iyo waxa ay bixinayaan xirmo walba.

  • Ceymiska dheeraadka ah ma ahan waajib. Dooro ceymiska dhameystirka midka adiga kugu habboon waxa aad u baahan tahay.

  • Shirkada ceymiska wey ku diidi karaan iney kuu sameeyaan ceymiska dhameystirka. Tusaale ahaan dadka waaweyn ee u baahan daryeel badan. Laakiin caadi ahaan badiyaa taasi ma dhacdo.

Qodobkan ma ku caawiyay?