Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Nidaamka isdhexgalka bulshada ee 2013

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/20/2023 1:52 GD

Waxaa nidaamka isdhexgalka bulshada 2013 ku quseeyaa haddii aad warqad ka heshay Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO) waaxda fulinta waxbarashada 1 janaayo 2022 ama ka dib ku saabsan waajibka isdhexgalka bulshada. Boggan waxaad ka aqrin kartaa waxa aad u baahan tahay inaad sameyso.

Waxaad dooraneysaa iskuul

Waa inaad adiga doorataa iskuulka isdhexgalka bulshada. La xariirkaaga

VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama caawiyaha bulshada ayaa tani kaa caawin kara.

Waxaad deynsan kartaa lacagta aad la qabsashada bulshada ku baraneyso

Waa inaad adiga iska bixisaa koorsada la qabsashada iyo imtixaanada. Waxaad koorsada la qabsashada iyo imtixaanada ku bixineysaa deyn aad ka qaadaneyso

DUO
.

Ma rabtaa inaad lacag deynsato? Markaa waa in iskuulka aad koorsada ka dhiganeyso uu heystaa astaanta undefinedBlik op Werkundefined. Taasi waxey micnaheeda tahay iney ka soo baxayaan sharuudaha tayada.

Haddii aad heysato deganaansho magangelyo ah oo aad mudada la qabsashada loogu talo galay gudaheeda ku dhameyso la qabsashada, markaa deynta uma baahnid inaad gudo. Ma kuu suura geli weyso inaad waqtiga ku qaado? Markaa waa inaad (hal qeyb) oo deynta ah dib u gudaa.

Casharadan ayaad qaadaneysaa:

  • Casharo luqada nederlaanka: waxa baraneysaa aqriska, qorista, ku hadalka iyo maqalka.

  • Casharo Aqoon Bulshada Nederlaanka (KNM).

  • Casharo Wax ka ogaanshaha Suuqyada Shaqada ee Nederlaan (ONA).

Waxaad qaadaneysaa koorsada adigoo ka qeyb galaaya

Waad ka qeyb qaadaneysaa undefinedhabka bayaanka ka qeybgalkaundefined (PVT). PVT waa mid waajib ah oo isdhexgalka bulshada. Waxey ka kooban yihiin:

  • Waxbarasho ah nolosha Nederlaan.

  • Saxiixida bayaanka ka qeyb qaadashadaundefined.

Waxaa undefinedBayaanka ka qeyb qaadashadaundefined loogu talo galay inuu kuu tilmaamo xaquuqdaada, waajibaadkaaga iyo qiyamka muhiimka ah ee bulshada Nederlaan. waxaad u baahan tahay inaad saxiixdo cadeynta ka qeybqaadashada undefinedparticipatieverklaringundefined si aad si guul ah u dhameystirto isdhexgalka la qabashada.

Waad dhameysatay si guul ah isdhexgalka bulshada haddii aad:

  • imtixaanka la qabsashada bulshada aad ku guuleysatay.

  • aad saxiixday undefinedparticipatieverklaringundefined.

Dhamaan qeybaha la qabsashada imtixaan ayaad ka mareysaa. Haddii aad dhamaan imtixaanada ka gudubto, waxaa lagu siinayaa shahaadada la qabsashada bulshada.

Waqti dheer ayaa u baahan tahay?

Waa inaad ku dhameysirtaa la dhexgalka bulshada seddex sanodood gudahooda. dadka qaar ayaan u suura gelin iney ku dhameeyaan waqtiga laga rabo isdhexgalka bulshada. Mar mar waxaa suura gal ah in laguu dheereeyo mudada isdhexglka bulshada. si kastoo ay ahaato, sharciyo gaar ah ayaa khuseeya. Waxaa kaloo suura gal ah xaaladaha qaarkood in lagaa dhaafo waajibka dhameystirka isdhexgalka bulshada. Tusaale ahaan, haddii aad wax badan samesey isdhexgalka bulshada laakiin aadan ku guuleysan. Ama aad si aad ah u xanuunsan tahay. Tani waxaa jiro xeerar gaar ah oo ku saabsan.

Waxaad DUO weydiisan kartaa iney dheereeyaan mudada isdhexgalka bulshada ama lagaa dhaafo waajibka isdhexgalka bulshada. La xariirkaga VWN ama caawiyaha bulshada ayaa arrintan kaa caawini kara.