
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland / Goedele Monnens
Degmada ayaa kuu casumeyso wadahadal
Qodobkaan sii wadaaji
Ma heshay warqad ku saabsan la qabsashada bulshada.
Waxaa waajib kugu ah inaad imaado ballanta
Waxaad heleysaa casumaad degmada oo warqad ah. Waxaa warqada ku qoran taariikhda iyo waqtiga lagaa rabo degmada inaad imaado oo wadahadalka 1aad. Waa waajib in ballanta imaadaa. Ma awoodid maalintaasi warqada ku qoran? Markaa la xariir degmada.
Waxaad adiga iyo degmada wada baareysaan qaabka ugu wanaagsan aad la qabsashada bulshada u sameyn karto
Qaabab kala duwan ayaa loo sameeyn karaa la qabsashada bulshada. Waxaad qofka kuu qaabilsan ee degmada ayaa dhowr wadahadal ku baareysaan waxa adiga kugu habboon.
Taariikhda bilowga wadahadalka degmo walba wey kala duwan yihiin. Degmooyinka qaar waxaad ballanta 1 aad heleysaa marka aad weli
Waa waajib inaad imtixaanka sameysaa
Mudada wadahadalada degmada waxaa sameyneysaa imtixaan. Imtixaankan waxaa degmada ay baareysaa qaabka la qabsashada bulshada ee adiga kugu habboon. Natiijada waxey bixineysaa qiyaasid in 3 sano gudaheeda luqada Nederlaanka darajada
Imtixaankan waa waajib. Waxaa degmada ku siin kartaa ganaax haddii aad ka qeyb qadan weydo.
'Qeybta Suuqa shaqada iyo ka qeybqaadashada'
Haddii aad 'jidka-B1'ama 'jidka isku tiirsanaanta' sameyneyso, waa inaad 'Qeybta Suuqa shaqada & ka qeyb qaadashada' (MAP) sameysaa. waxaa qeybtan heleysaa warbixin ku saabsan shaqada Nederlaan iyo ka qeyb qaadashada Bulshada Nederlaanka. Waxaad kaloo sameyneysaa qibrad shaqo. Waax MAP ka kooban yahay:
Wadahadal bilow ah oo degmada: wadadalkan waxaad ka hadleysaa waxa aad sameyneyso.
Warbixin ku saabsan suuqa shaqada ee Nederlaan.
40 saac oo qibrad shaqo inaad sameyso: tusaale shaqo iqtiyaari ah, qibrad shaqo ama booqasho ururo ama shirkado.
Wadahadalka dhamaadka ee degmada: wadahadalkan waxaad ka hadleysaa waxa aad soo baratay, shaqada aad rabto inaad sameyso iyo caawinada aad ka heleyso degmada.