Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Nidaamka isdhexgalka bulshada ee 2021

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/20/2023 1:52 GD

Waxaa nidaamka isdhexgalka bulshada 2021 ku quseeyaa haddii aad warqad ka heshay Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO) waaxda fulinta waxbarashada 1 janaayo 2022 ama ka dib ku saabsan waajibka isdhexgalka bulshada. Boggan waxaad ka aqrin kartaa waxa aad u baahan tahay.

Adiga iyo degmada ayaa sameynaaya qorshe

Waxaa laguu sameynayaa qof aad la xariirto oo degmada ah. Marka hore wadahadal ayaa la leedahay qofka aad la xariirto iyo waxaad sameyneysaa imtixaan. Degmada ayaa fiirineysa dhaqsaha aad wax u barato. K adibna waxaad wadajir u sameyneysiin qorshe la qabsashadaada ah. Taasi waxaa la yiraahdaa undefinedPlan Inburgering en Participatieundefined (PIP).

Haddii aad heysato sharciga magangelyada, waxaa qarashka la qabsashada bulshada kaa bixinaaya degmadaada. Haddii aadan imtixaanka ku gudbin oo ay tahay inaad mar kale ku celisaa? markaa degmada 1 mar kale ayaa imtixaanka sameysaa. Ka dibna waa inaad adiga iska bixisaa. taasi deyn laguma siinaayo

DUO
.

3 jidadka la qabsashada ah

Jidka la qabsashada waxaa ku qoran PIP kaaga. Waxaa jira seddex jid oo suura gal ah la qabsashada bulshada. Midka aad adiga raaceyso, waxey ku xiran tahay daundefineddaada iyo xaaladaada shaqsiga:

'Jidka B1'
'Jidka waxbarashada'
'Darriqa isku filnaanta'

Imtixaanada

Haddii aad undefinedjidka B1undefined iyo undefinedJidka waxbarashadaundefined waa inaad gashaa imtixaanada.

DUO
Waxaad imtixaanka iska qori kartaa websaaytka undefinedMijn Inburgeringundefined.

Iskuulka luqada iyo la xariirahaaga degmada ayaa tani kaa caawin kara. Imtixaanka ka dib, waxaad heleysaa warqad ku qoran natiijadaada. Haddii aad imtixaanka ku dhacdo, waxaad imtixaanka sameyn kartaa hal mar kale iyadoo aan qarash lagaa qaadeynin. Markaa ka dib waa inaad adiga iska bixisaa qarashka.

'Qeybta Suuqa shaqada iyo ka qeybqaadashada'

Haddii aad undefinedjidka-B1undefinedama undefinedjidka isku tiirsanaantaundefined sameyneyso, waa inaad undefinedQeybta Suuqa shaqada undefined ka qeyb qaadashadaundefined (MAP) sameysaa. waxaa qeybtan heleysaa warbixin ku saabsan shaqada iyo ka qeyb qaadashada Bulshada Nederlaanka. Waxaad kaloo sameyneysaa qibrad shaqo. Waax MAP ka kooban yahay:

  1. Wadahadal bilow ah oo degmada: wadadalkan waxaad ka hadleysaa waxa aad sameyneyso.

  2. Warbixin ku saabsan suuqa shaqada ee Nederlaan.

  3. 40 saac oo qibrad shaqo inaad sameyso: tusaale shaqo iqtiyaari ah, qibrad shaqo ama booqasho ururo ama shirkado.

  4. Wadahadalka dhamaadka ee degmada: wadahadalkan waxaad ka hadleysaa waxa aad soo baratay, shaqada aad rabto inaad sameyso iyo caawinada aad ka heleyso degmada.

Waxaad qaadaneysaa koorsada adigoo ka qeyb galaaya

Waad ka qeyb qaadaneysaa undefinedhabka bayaanka ka qeybgalkaundefined (PVT). PVT waa mid waajib ah oo isdhexgalka bulshada. Waxey soconeysaa ilaa ugu yaraan 12 saac oo waxey ka kooban yihiin:

  • Waxbarashada ku saabsan ku noolaansha Nederlaan.

  • Socod lagu maro bulshada aad ku nooshahay.

  • Saxiixida bayaanka ka qeyb qaadashada.

Waxaa undefinedBayaanka ka qeyb qaadashadaundefined loogu talo galay inuu kuu tilmaamo xaquuqdaada, waajibaadkaaga iyo qiyamka muhiimka ah ee bulshada Nederlaan. Waxaad u baahan tahay inaad saxiixdo cadeynta ka qeybqaadashada undefinedparticipatieverklaringundefined si aad si guul ah u dhameystirto isdhexgalka la qabashada.

Waad dhameysatay si guul ah isdhexgalka bulshada haddii aad:

  • Waxaad dhameysey marka aad 1 ka mid ah 3 waddooyin ee isdhexgalka.

  • Aad saxiixday bayaanka ka qeybqaadashada (PVT).

Waqti dheeraad ayaad u baahan tahay ama in lagaa dhaafo sharuudaha la qabsashada bulshada

Waa inaad ku dhameysirtaa la dhexgalka bulshada seddex sanodood gudahooda. dadka qaar ayaan u suura gelin iney ku dhameeyaan waqtiga laga rabo isdhexgalka bulshada. Mar mar waxaa suura gal ah in laguu dheereeyo mudada isdhexglka bulshada. si kastoo ay ahaato, sharciyo gaar ah ayaa khuseeya. Waxaa kaloo suura gal ah xaaladaha qaarkood in lagaa dhaafo waajibka dhameystirka isdhexgalka bulshada. Tusaale ahaan, haddii aad wax badan samesey isdhexgalka bulshada laakiin aadan ku guuleysan. Ama aad si aad ah u xanuunsan tahay. Tani waxaa jiro xeerar gaar ah oo ku saabsan.

La xariir qofla xariiriyahaaga ee degmada si loo fiiriyo waxa suura gal ah xaaladaada. La xariiriyahaaga

VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama caawiyahaaga bulshada ayaa taasi caawin karin.