Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Qof ayaa fadhiya xafiiska oo dokumentiyo muhiim ah ayuu fiirinaayaa. Sawirka kor ayaa laga qaaday.
Laga soo xigtay: Pavel Danilyuk

Ganacsiga Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/26/2023, 9:16 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Marka aad hesho sharciga deganaansho ee magangelyada, waad ka shaqeyn kartaa Nedelaan. Waxaad u shaqeyn kartaa shaqaale ahaan ama ganacsade ahaan. Boggan waxaad ka aqrin kartaa sida loo noqdo ganacsade.

Is diiwaan geli ganacsade ahaan

Haddii aad rabto inaad si buuxda ganacsade ahaan u shaqeyso, waxaa lagaa rabaa inaad iska soo diiwaangeliso diiwaanka ganacsiga ee rugta ganacsiga (KVK). waxaad u baahan doontaa:

  • Cadeynta deganaanshaha

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    ee Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)

  • Nambarka adeegga muwaadinka (BSN)

  • Iyo

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    DigiD

Fadlan la soco: Haddii aad hore ganacsade uga ahayd aad rabto inaad sii wadato, weli waad iska diiwaan gelin kartaa Rugta Ganacsiga. Waxaad u baahan tahay dokumentiga rasmiga ee shirkadaada.

Sameysiga DigiD

Ka sameyso ballan Rugta Ganacsiga 'Kamer van Koophandel'

Haddii aad heysato DigiD, waxaad isku diyaarin kartaa diiwaangelinta Rugta Ganacsiga KVK oo internetka ah ka sameyso ballan aad ku booqato KVK.

Fadlan raaci cinwaanka aad ganacsiga ka sameyneyso. Haddii aadan lahayn cinwaan xafiis ah, waxaad badiyaa isticmaaleysaa cinwaankaaga. Waxaa fiican inaad ogaato in cinwaanka aad siisay KVK (si muuqda) uu ula xariiro ganacsigaaga interneetka.

Aad ballanta aad ka sameysatay KVK. waxaa shaqaalaha KVK dhameystiri doonaa diiwaangelintaada Diiwaanka Ganacsiga. Markaa laga bilaabo waxaad u diiwaan gashan tahay ganacsade ahaan oo waad bilaabi kartaa ganacsiga.

La xariirkaaga

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama shaqaalaha bulshada ayaa kaa coowin kara sidaad isaga qorto KVK.

Bixinta canshuurta ganacsiga

Haddii aad tahay ganacsade siisaa dowlada Nederlaan canshuur 3 bilood kasta. Taasi waxaa lagu bixiyaa qaabka canshuurta ganacsiga btw.

Waxaad ku dareysaa canshuurta qiimaha alaabta ama adeega aad iibineyso. Tani badiyaa waa 9 ama 21 boqolkii oo aad ku kordhineyso qiimaha alaabtaada. Waxa btw aad ka hesho mucaamilkaaga waa inaad u gudbisaa qeybta canshuuraha ee Nederlaan.

Waxaad ka jari kartaa canshuurta aad adiga bixisay ee kuwa aad alaabta ka gadatay. Markaa waxaad bixineysaa farqiga qiimaha aad adiga wax ku iibsatay (oo ay ku jiraan qarashyada) iyo qiimaha aad ku gaday.

Qodobkan ma ku caawiyay?