
Kubada cagta ee Nederlaan mudada inta lagu jiro tartanka caalamiga
Kooxda kubada cagta ee Nederlaan adiga ayey ku raadiyaan! waxaa juunyo Nederlaan ay ka qeyb qaadanaayaan koobka EURO UNITY ee Frankfurt. Waxaad noqon kartaa ciyaaryahan kooxda Nederlaan. Ka aqri halkan waxa aad sameyneyso.
Muxuu yahay koobka EURO UNITY?
Waxaa 27,28 iyo 29 juun jira koobka EURO UNITY oo Frankfurt ee dalka Jarmalka lagu qabto. Waddan walba wuxuu la imaanayaa kooxdiisa gaarka. Dhamaan kooxyada waxey heystaan qaxooti isku jira iyo jinsiyada ee ciyaartoyda hiwaayada qaranka. Dumarka iyo raggaba wey ka qeyb qaataan. Koobka EURO UNITY waxaa soo qaban qaabiyey UEFA iyo UNHCR.
Sidee isaga diiwaangelineysaa?
Ka hor intaanan koobka UNITY dhicin, waxaa maalin gaar ah abaabulaaya Ururk Kubada Cagta ee Boqortooyada Nederlaan (KNVB). maalintaasi qof walba wuu bandhigi karaa waxa uu awoodo. Taasi waxaa loo yaqaan tartanka is reebreebka. Waa inaad taasi iska diiwaangelisaa. Tartanka isreebreebka wuxuu 19 maajo 2023 ka dhacaayaa Kaambada KNVB ee ku yaala Zeist.
Waxaa jira basas lacag la'aan oo ka dhex shaqeynaaya 12.30 saac iyo 13.30 saac inta u dhaxeysa 17.00 saac iyo 18.00 saac istayshanka tareenka Driebergen - Zeist.
Isku diiwaangeli
Sidee u shaqeysaa?
Waxaa la dooranaayaa 11 ciyaarto ah oo u ciyaaraaya kooxda Nederlaanka. Ma ku jirtaa kooxda? Markaa waxaad aadeysaa koobka UNITY oo Frankfurt lagu qabanaayo. Waxaa kooxda tababare u ah René van Rijswijk. Asaga wuxuu ahaa ciyaartoy kubada cagta
Ka qeyb galida waa lacag la'aan. meel aad joogto, cunto gaddid iyo dharka kubada cagta oo aranjka waa lagu siinayaa oo looma baahna inaad adiga iska bixiso.
Yaa iska diiwaan gelin kara?
Waad is diiwaangelin kartaa haddii aad:
18 jir ama ka weyn tahay
sharci heysato ama qaxooti Yukraynka aad tahay
aad heysato waraaqaha safarka oo saxda ah
aad 19 maajo diyaar u tahay isreebreebka lagu qabanaayo Zeist
diyaar u tahay 2 tababar 2 iyo 9 juunyo
27, 28 iyo 29 juunyo diyaar u tahay inaad aado Frankfurt
Waxaad u baahan tahay waraaqaha safarka saxda ah si aad u safarto. Taasi waa safarka Frnkfurt awgeeda waxaa keliya ka qeyb geli kara dadka sharciga leh ama qaxootiga Yukraynka koobka UNITY.