Nin aqrinaaya dokumenti
Warbixin
Sharuudaha sharciga deganaanshaha joogtada ah
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 6/12/2024, 3:58 GH

Ma ku haysataa sharci degenaansho magangalyo ku meel gaar ah Nederlaan oo ma doonaysaa sharci degenaansho rasmi ah? Waa inaad ka soo baxdaa shuruudaha qaarkood. Maqaalkan waxaad ka akhriyi kartaa shuruudahan kuwa ay yihiin.

Sharuudaha

Si aad xaq ugu yeelato sharciga deganaanshaha joogtada ah waxay kaa rabaan

Adeega Socdaalka iyo jinsiyada(IND)
inaad sharuudaha hoos ku qoran ka soo baxdo:

  • Waxaad ku degan tahay ugu yaraan 5 sano oo xariira Nederlaan sharci deganaansho magangelyodoonka oo sax ah.

  • Waxaad ku nooshahay Nederland oo wakhtigaaga intiisa badan aad Nederland ku qaadanaysaa.

  • Mar walba waad dhowrtay sharuudahaha sharcigaaga deganaansho. Iyo weli waad ka soo baxeysaa sharuudahaasi.

  • Adiga qatar uma tihid shacabka Nederlaanka.

  • Waxaad bilowga codsigaaga sharciga aad hadda heysato ma siinin warbixin qalad ah ama ma qaranin warbixin.

  • Waxaad ka diiwaangashan tahay

    Diiwaangelinta Asaasiga ee shaqsiga (BRP)
    .

  • Waad ku guuleysatay imtixaanka la qabsashada ama uma baahnid inaad imtixaan la qabsasho aad sameyso.

  • Adiga ayaa bixin kara qarashka sharciga deganaanshaha joogtada ah.

Ma ka soo baxeysaa dhamaan sharuudaha? Markaa ayaa IND ka sameyn kartaa codsi sharciga deganaanshaha joogtada ah.

Caawinaad xagga codsiga ah

Codsiga sharciga deganaanshaha joogtada ah wey dhib badnaan kartaa.

Ururka Qaxootiga Caawiya (VWN)
ayaa taasi kaa caawini kara.

Maxey kula tahay qodobkan?