Warqad lagu ridaayo sanduuqa boostada
Warbixin
Sharciga deganaanshaha joogtada ah oo laga codsanaayo IND
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/16/2023, 11:32 GH

Ma rabtaa inaad sharciga deganaanshaha joogtada codsato? Taasi waa suura gal 3 bilood ka hor intuusan sharcigaaga deganaanshaha aad heysato uusan dhicin. Codsiga waxaad ka saeyneysaa interneetka ama boosto ahaan u gudbineyaa Adeega Socaalka iyo Jinsiyada (IND).

Waxaad weydiisaneysaa sharci deganaansho oo joogto ah ka hor intaan sharciga aad hadda heysato dhamaanin

Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo? Markaa waxaad weydiisan kartaa sharci deganaansho joogto ah 3 bilood ka hor intaan sharciga deganaanshaha aad hadda heysato kaa dhicin. La soco inaad mar walba u baahan tahay aqoonsi shaqsiyeed oo aan dhacsanayn.

Weli

IND
go'aan kama soo gaarin waqtiga aad sharcigaaga deganaansho aad hadda heysato ka dhiman yahay 8 ilaa 4 wiig ilaa uu ka dhacaayo? Markaa waxey IND ku weydiineysaa inaad
dokumentiga-W
aad weydiisato.

Ma heysataa sharci deganaansho oo aad hore u soo cusbooneysiisey iyo maku degan tahay 5 sano ka badan sharci deganansho Nederlaan? Markaa adiga ayaa dooran kara waqtiga aad codsiga sameyneyso. looma baahna inaad sugto ilaa uu sharciga deganaanshaha kaa dhici rabo.

Sidaan ayaa sharciga deganaanshaha joogtada ee boosto ahaan u weydiisaneysaa

Tallaabooyinkan ayaa qaadeysaa markaad weydiisaneyso sharciga deganaanshaha ee joogtada ah oo boostada ah.

  • Soo deji foomka codsiga ee websaaytka IND. Waxaad heleysaa linkaga saxda ah ee tallaabooyinka la qaadaayo.

  • Soo saar foomka warqada-A4 oo weynida saxda.

  • Buuxi foomka. Ku samey qalin madow ah ama qad buluug ah. Haddii kale IND warbixintaada si fiican iskaanka uguma sameyn karaan.

  • Ku qor keliya meesha loogu talo galay gadaal ama su'aal walba hoosteeda. Ma u baahan tahay masaafad dheeraad ah? Markaa raaci warqad keli ah oo aad ku qoreyso warbixintaada shaqsiga iyo aad ku qoreyso su'aashee warbixinta dheeraadka ee aad raacineyso quseyso.

  • Foomka wuxuu ka kooban yahay lifaaqyo kala duwan. Lifaaqa aad buuxineyso, wuxuu ku xiran yahay xaaladaada.

  • Codsigaaga soo dir marka aad foomka buuxiso ka dib, oo aad saxiixdo iyo aad dhamaan dokumentiyada iyo cadeymaha lagu weydiiyey aad aruurisey. Haddii uu codsigaaga uusan dhameystirnayn, IND codsigaaga kama go'aamin karto. Ha u dirin IND dokumentiga asliga ah, keliya koobiga.

  • U dir codsigaaga cinwaanka soo socda: Immigratie- en Naturalisatiedienst

    Postbus 9 9560 AA Ter Apel

  • Ka dib marka IND codsigaaga helaan, waxaad heleysaa warqad ay ku qoran tahay qarashka aad bixineyso iyo qaabka aad u bixineyso. Ku bixi waqtiga loogu talo galay, haddii kale codsigaag muddo ka dheer ayuu qaadanaayaa.

Foomka codsiga magangelyada joogtada ah ee boostada
Waxaad websaaytka IND ka heleysaa foomka codsiga oo qoraal ah oo aad deganaansho joogto ah ku weydiisaneyso.

Sidaan ayaa ku weydiineysaa sharciga deganaanshaha ee joogtada ah

Tallaabooyinkan ayaa raaceysaa marka aad online-ka ku weydiisaneyso sharciga deganaanshaha ee joogtada ah:

  • Aad foomka codsiga ee websaaytka IND. Waxaad heleysaa link-ga saxda ah ee qorshaa tallaabooyinka.

  • Ku gal meesha

    DigiD
    + koodaha-sms ama app-ka telefoonka. Ma heysatid weli DigiD? Weydiiso DigiD.

  • Buuxi codsiga iyo u sii deji dokumentiyada lagu weydiiyey.

  • Si fiican iskaga hubi codsigaaga mar walba. Qaabka kala horeynta oo la is daba mariyo ama lifaaqyada iyo/ama warbixinta oo aan dhameystirneyn waxey sababi karaan dib u dhac xagga ka howlgelida arrintaada.

  • Markaa ku bixi qarashka codsiga

    iDEAL
    .

Foomka codsiga sharciga deganaanshaha joogtada ah ee interneetka
Waxaad foomka codsiga sharciga deganaanshaha joogtada ka heleysaa interneetka websaaytka IND.

Warbixinta saxan u gudbi IND

Haddii aad warbixin aan sax ahayn aad u gudbiso IND, codsigaaga waa la soo diidi karaa ama sharcigaaga wey kaa ceshan karaan IND. Sidoo kale waa la mid haddii aad warbixinta aadan sheegin. Sidaa awgeed ku dadaal inaad warbixin sax ah oo buuxda aad siiso IND.

Qarashka codsiga
Codsiga sharciga deganaanshaha ee joogtada ah waa lacag. Soo booqo websaaytka IND oo ku qoran qarashka uu hadda yahay.
Maxey kula tahay qodobkan?