Qof ayaa saacada fiirinaaya meeqa saac ay tahay.
Laga soo xigtay: Karolina Grabowska
Warbixin
Go'aanka IND oo aad sugeyso
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:57 GD

Waxaa Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) heystaan 6 bilood oo waqti ah ay ka go'aamiyaan inaad heleyso sharci degaaansho oo joogto ah. Waxaa 6 da bilood ay bilaabanayaan ka dib marka aad codsigaaga sameyso.

Go'aanka oo aad ku sii sugeyso Nederlaan

Waa in

IND
ay 6 bilood gudahooda go'aan ku soo gaaraan. Go'aanka waad ku sugi kartaa Nederlaan. Waxaad halka uu maraayo codsigaaga kala socon kartaa interneetka xagga 'Mijn IND'. Taasina waxaad u baahan tahay
DigiD
.

Mijn IND
Waxaad halka uu maraayo codsigaaga sharciga deganaanshaha ee joogtada kala socotaa interneetka adigoo ku galaaya shabakada 'Mijn IND'.

Mar mar ayaa IND u baahan tahay 6 bilood ka badan si ay go'aan u soo gaaraan

Mar mar muddo ka dheer ayey qaadataa ilaa aad go'aan ka heleyso IND. Taasi waxey dhacdaa tusaale ahaan haddii uu codsigaaga kaamil ahayn. Ama marka ay IND baaritan dheeraad u baahan yihiin.

Markaa warqad ayaa IND ka heleysaa oo ku qoran iney waqti dheeraad ah u baahan yihiin. Waxaa IND ku dareysaa dheereynta 6da bilood ee IND caadi ahaan u heystaan iney go'aamiyaan.

Maxey kula tahay qodobkan?