• Bilowga
  • Waxaa IND sameyneysaa go'aanka

Waxaa IND sameyneysaa go'aanka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 1/29/2024, 8:47 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Adeega Socdaalka-iyo Jinsiyada (IND) ayaa go'aamineysa haddii aad degnaansho joogto ah heleyso. Waxaa jira 3 wax suura gal ah: IND wey ogolaaneysaa codsigaaga, wey diideysaa codsigaaga, ama wey dheereyneysaa sharcigaaga deganaansho ee mudada ah.

Xulashada 1: IND wey ogolaatay codsigaaga oo waxaad heleysaa sharci deganaansho joogto ah

Waxaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
IND
go'aamisey inaad heleyso sharciga deganaanshaha joogtada. Markaa waxaad IND ka heleysaa boosto ama dijital ahaan xagga 'Mijn IND' warqad ku qoran in codsigaaga la ogolaaday. Iyo waxaa kaloo warqadan ku qoran sidaa aad ballan u sameysaneyso aad u soo qaadato sharcigaaga deganaanshaha joogtada ah.

Xulashada 2: IND wey diideysaa codsigaaga oo waxaa lagu siinayaa sii dheereyn sharcigaaga mudada ah

IND wey soo diiday codsigaaga sharciga deganaanshaha joogtada ah iyo waxey dheereynayaan sharciga aad hadda heysato. Taasi waxey sameynayaa IND haddii aadan dhamaan sharuudaha ka soo bixin. Tusaale haddii aadan weli dhameynin la qabsashada bulshada ama haddii aad codsiga sharciga deganaanshaha joogtada aad waqti hore weydiisatay.

Xulashada 3: IND wey diideysaa codsigaaga iyo laguma siinaayo dheereyn sharcigaaga deganaanshaha ee mudada ah

Waxey IND go'aamisey inaadan heleynin sharciga deganaanshaha ee joogtada ah iyo insharcigaaga mudada ah aan la dheereyneynin. Markaa IND badiyaa sharcigaaga mudada ah wey ceshanayaan. Go'aankan waxaa la yiraahdaa 'waxa ay damacsan yihiin' voornemen.

Kuma raacsanid diidmada? Waxaad warqada IND ugu sharixi kartaa sababta aadan ugu raacsanayan go'aanka IND. Warqadaasi waxaa la yiraahdaa "jawaabta". Marka la qoraayo jawaabta waxaad adeegsan kartaa garyaqaan. Kaasoo sharci ahaan u dhisi kara sababta aadan ugu raacsanayn go'aanka IND.

Ka dib markay hesho IND jawaabta, waa in IND ay codsiga dib u fiiriyaan. Taasi waxey dhalin kartaa in haddana ay go'aan fiican. Go'aanka weli diidmo miyaa? Markaa racfaan ayaa ka qaan kartaa xaakinka.

Qodobkan ma ku caawiyay?