• Bilowga
  • Waxaad la sameyneysaa sameyneysaa qorsho shaqsi degmada
Laba naag oo is hor fadhiya.
Laga soo xigtay: Christina Morillo

Waxaad la sameyneysaa sameyneysaa qorsho shaqsi degmada

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/17/2023, 9:16 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Adiga iyo degmada ayaa sameynaaya qorshaha shaqsiga ee la qabsashadaada bulshada. Waxaad ku qoreysaa qorshahan ballamada aad wada sameyseen. Degmada ayaa bixineysa la qabsashadaada bulshada.

Ballamadan ayaa lagu qorayaa mashruuca shaqsiga

Degmada ayaa kula sameyneysa mashruuca la qabsasho bulshada. Taasi waxaa la yiraa Mashruuca la qabsasho bulsho iyo ka qeyb qaadashada (PIP). Mashruucan ballamo ayaad sameyneysaa ku saabsan

  • Qaabka la qabsashada bulshada ee aad doorato iyo meesha aad imtixaanka ku mareyso

  • Inta muddo oo waqti ee aad u baahan tahay inaad si guul ah la qabsasho bulshada.

  • Taageero muhiim oo aadi karto, sida caawinada dhaqaalaha. Ama xanaanada caruurta haddii aad caruur leedahay.

  • Hagista iyo caawinada loo baahan yahay la qabsashada bulsho aad si guul ah u dhameyso.

  • Waxa uu ka kooban yahay

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Maadada suuqa shaqaalaha iyo ka qeyb qaadashada 'Module Arbeidsmarkt & Participatie' (MAP)
    .

  • Ama waxaad sameyneysaa imtixaanka

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    'Aqoonta Bulshada Nederlaan'(KNM)
    .

  • Waxaa uu ka kooban yahay

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Mashruuca cadeynta ka qeyb qaadashada 'Participatieverklaringstraject' (PVT)
    .

  • Sida aad adiga iyo degmada ula soconeysaan in qorshaha la sameeyey in lagu guuleysto. Iyo sida degmada kuu caawini karto. Tusaale ahaan wadahadalada la sameynaayo.

Degmada ayaa warbixin bixisa ku saabsan qarashka la qabsashada bulshada

La qabsashada bulshada wax qarasha ah adiga kaama baxeyso. Degmada aad degan tahay, ayaa bixineysa la qabsashada bulshada iyo imtixaanada. Degmooyinka qaarkood waxaa kaloo heleysaa qarashka safarka oo laguu celiyo ama caawino dhaqaale kale ayaa heli kartaa. Tusaale haddii aad caruur leedahay. Degmada ayaa warbixin arrintan ah weydiin kartaa.

Waa inaad dhowrtaa ballamada PIP ku qoran

Adiga iyo degmadaba waa inaad ballanta dhowrtaan ee PIP ku qoran. Waxaa lagu siin karaa ganaax haddii aad ballamadan dhowrin oo sidaa awgeed aad waqtiga la rabey ka soo bixi weydo waajibka la qabsashada bulshada. Sidoo kale waa inaad iskaaga u bixisaa imtixaanada haddii aad sameyneyso imtixaano darajo ka hooseeya sida PIP lagu ballamay.

Mar mar ayaa wax ayaad ka bedeli kartaa xaalada PIP haddii xaalada isbedesho

Haddii xaaladaada shaqsiga isbedesho, tusaale xagga shaqada iyo waxbarashada, mar mar qorshaha wax waa laga bedeli karaa. Degmada ayaa qorshaha wax kaala bedeleysa, si aad la qabsi bulshada 'mudada la qabsho bulshada ugu sameyso'.

Taasi waxaa keliya suuroobeysaa 1,5 sano ka dib markaad bilowday la qabsashada bulshada gudaheeda. Degmada waxey markaa sameyneysaa qorsho cusub. Marka aadan ku raacsaneyn qorshaha cusub? Waxaad racfaan ka qaadan kartaa qaadiga haddii ay degmada diido diidmaadaada.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Bilaabida la qabsashada bulshada ka dib 1 janaayo 2022