Laga soo xigtay: Mikhail Nilov
Qodob

Waxaad qaadanaysaa duruus oo waxay ku xiran tahay dariiqa aad marayso, waxaad gelaysaa imtixaanno

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 6/30/2025, 10:02 GH

Waxaad 'jidka- B1' iyo 'jidka waxbarashada'waa waajib inaad imtixaanada sameysaa. 'Jidka isku filnaansho nafsi'taasi waajib ma aha. Markaa adiga ayaa dooranaaya inaad imtixaan sameyneyso. Boggan ka aqri wixii dheeraad ah.

Jidka- B1

Ujeedada jidka- B1 waa in si degdeg ah loo barto luqadda iyadoo la shaqeynayo. Tani waa sida uu u eg yahay dariiqa B1:

  • Waxaad luqadda Nederlandka ku barataa heerka luqadda B1.

  • PIP kaaga ayaa ku qoran yahay tirada ugu yar ee casharrada aad qaadan doonto

  • Waxaad qaadaneysaa casharo

    .

  • Waxaad sameyneysaa

    .

  • Waxaad isku dartaa casharrada luqadda shaqo lacag leh ama shaqo tabaruc ah.

  • Waxaad raacdaa

    ee ay degmadu abaabusho

Waxaad galaysaa imtixaanada soo socda:

  • Akhriska heerka luqadda B1

  • Maqalka heerka luqadda B1

  • Qorista heerka luqadda B1

  • Ku hadalka heerka luqadda B1

  • Imtixaanka KNM

Ma kuu suura geli weysey inaad 3 sano gudahooda imtixaanada luqada darajada B1 ku qaado? Waxaa suura gal ah in imtixaanada aad ku sameyso darajada A2. La xariirkaaga degmada ayaa wax dheeraad kaaga sheegi kara.

'Dariiqa waxbarashada' (jidka-o)

Hadafka jidka wacbarashada waa in waxbarasho aad Nederlaan ka qaadato, tusaale

,
ama
isla Markaasoo aad soo qaadeyso inburgering: Sidan ayuu u eg yahay jidka-o:

  • Waxaad luqadda Nederlaanka ku barataa heerka luqadda B1 ama B2.

  • Waxaad dhiganeysaa isku darka 1.000 saac casharada luqada Nederlaanka iyo 500 saac oo maadooyin kale.

  • 
Waxaad raacdaa

    ee ay degmadu abaabusho

Waxaad galaysaa imtixaanada soo socda:

  • Akhriska heerka luqadda B1 ama B2

  • Maqalka heerka luqadda B1 ama B2

  • Ariska heerka luqadda B1 ama B2

  • Ku hadalka heerka luqadda B1 ama B2

  • Imtixaanka

Waa inaad dhamaan qeybaha aad ku wada baastaa. Ma ku baastay Staatsexamen B1? Markaa waxaad aadi kartaa mbo. (waxbarashada shaqooyinka dhexe). Tababaro- mbo qaarkood waxaad mudada waxbarashada af Nederlaanka aad u dhigan kartaa 'Staatsexamen B1' maado ahaan oo tababarkaaga ka mid ah. Markaa waa inaad maadada qaadaa si aad tababarkaaga u sii wadan karto.

Ma ku baastay Staatsexamen B2? Markaa af Nederlaankaaga waa mid ku filan inaad tababar af Nederlaanka aad ku sameyso oo hbo ama jaamacada.

'Dariiqa isku filnaanta' (jidka-z)

Hadafka 'jidka-z' waa inaad ka qeyb qaadan karto bulshada Nederlaanka

  • Waxaad baraneysaa luqada Nederlaanka si aad si isku filnaan ugu noolaato Nederlaan. Waxaad baraneysaa luqada Nederlaanka darajada A1.

  • Waxaa qaadaneysaa 800 saac oo casharo luqada Nederlaanka ah

  • Waxaad qaadaneysaa 800 saac oo dhaqdhaqaaqyo markaasoo aad wax dheeraad ka baraneyso Nederlaan. Taasi waxey noqon kartaa shaqo tabaruc, xagga farshaxanka ama dhaqdhaqaaq isboortiga.

  • Waxaad raacdaa

    ee ay degmadu abaabusho

  • Waxaad sameyneysaa

  • Waxaad qaadaneysaa casharo

    
.

Waxaad qaadeysaa 'jidka iskufilnaan nafsi' haddii ay degmada u aragto inaad si fiican isku dabiri karto Nederlaan. Waxaa wadahadalka degmada uu qofka kuu qaabilsan uu xadidaayaa inaad baastay. Looma baahna iaand imtixaan ameyso. Laakiin waa la oggol yahay.

Waxaad u qaadan kartaa imtixaanadan si ikhtiyaari ah:

  • Luqada Nederlaanka (ku hadalka, qorista, maqalka iyo aqriska)

  • Imtixaanka


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful