Fasal leh ardayda.
Laga soo xigtay: Keira Burton
Qodob

Waxaad dooraneysaa iskuul

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:30 GH

Ma heshay warqad la qabsashada bulshada ku saabsan? Markaa adigaa iskaaga u dooranaaya iskuulka aad la qabsasho bulshada ka sameyneysid. Haddii aad rabto inaad lacag deynsato aad ku bixiso la qabsashada bulshada, waa inaad iskuulka uu ka soo baxaa sharuudo gaar ah.

Dooro iskuulka kugu habboon

Ka sii feker nooca iskuulka ee adiga xaaladaada ku habboon, awoodaada iyo hadafkaaga

Ma shaqeysaa maalintii? markaa waxaa dooran kartaa inaad habeenkii iskuul aado si aad la qabsi bulshada u sameyso. Ma rabtaa inaad Nederlaan wax ka sii barato? markaa dooro koorso oo aad ku dhameyso darjada luqada

B1
ama
B2
. Waxaad B2 u baahan tahay haddii aad
Waxbarasho sare oo shaqooyinka aadeyso(hbo)
ama
jaamacadda
rabto.

La xariirkaaga

ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada urur kale ayaa kaa caawin kara sida ay kaaga caawiyaan doorashada iskuulka.

Waxyaalahan ka taxadar marka aad iskuulka dooraneyso

Goobta

Wey fiican tahay inaad doorato iskuul gurigaaga ama shaqada u dhow, markaa waqti badan kaagama dhumaayo safarka.

Saacadaha casharka

Saacadaha casharada ee iskuul walba uu bixiyo waa kala duwanaan karaan. Waxaa muhiim ah inaad fiiriso inta saacadood aad u baahan tahay iyo inuu iskuulka taasi ku siin karo.

Taageerada

Iskuulada qaar waxey bixiyaan taageero dheeraad ah sida tusaale ahaan, sida loo helo shaqo ama guri. Taasi muhiim ayey noqon karaan haddii aad Nederlaan markaasi aad timid.

Qarashka

Qarashka casharada la qabsashada bulshada waa kala duwanaan karaan iskuul walba. Waxaa muhiim ah inaad fiiriso in qarashka qorshahaaga uu kuu deeqaayo.

Tayada

Waa ay fiican tahay inaad baaritaan sameyso oo tayada macalimiinta iyo casharada la bixiyo.

Dabacsanaan

Iskuulada qaarkood ayaa bixiyo saacado casharo dabacsan. Waa ay fiican tahay inaad dooran karto saacadaha casharka ee kugu habboon, maadaama aad shaqeyneyso ama aad ilmo heysato oo waqtiyo gaar ah iyaga inaad iyaga u joogtaa.

Sharuudaha deynta lacagta ee la qabsashada bulshada

Ma rabtaa inaad DUO lacag ka deynsato oo qabsashada bulshada? markaa waa inaad doorataa iskuul haysta astaanta tayo fiican oo la ansax ah

Blik op Werk'
.

Keliya iskuuladan ayaa lacag deyn ah uga deynsan kartaa DUO oo imtixaanada la qabsashada bulshada ah. Iskuulada kale taasi suura gal ma aha.

Waad u wareegi kartaa iskuul kale

Waxaa dhici kara inaad koorso bilowdo, laakiin aan taasi ku haboonayn sidii aad rabtey. Badiyaa waxaa suura gal ah inaad mid kale u wareegto. Laakiin taasi lacag iyo waqti badan ayaa ku baxaaya

Marka hore warbixin fiican ka heyso iskuulka aad iska qoreyso. Haddii iskuulo badan aad is bar bar dhigto, markaa doorasho fiican ayaa sameyn kartaa iyo waxaa ka hortageysaa dhibaato gadaal ka timaada. Qofka la xariirkaaga

VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada oo ururo kale oo ku caawini karo.

Mar mar ayaa qarashka safarka laguu soo celinayaa ee aad iskuulka ku aadeyso

Ma dooraneysaa koorso degaankaaga ka baxsan? Degmooyinka qaarkood waxaad heleysaa qarashka safarka oo laguu soo celiyo. Dhamaan degmooyinka ma bixiyaan. Weydii degmadaada arrintan.


Maxey kula tahay qodobkan?