• Bilowga
  • Waxaad dhiganeysaa casharo iyo sameyn doontaa imtixaano
Dad ayaa hor fadhiya kambiyuutarka.
Laga soo xigtay: Mikhail Nilov

Waxaad dhiganeysaa casharo iyo sameyn doontaa imtixaano

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:46 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaad ku baaseysaa la qabsashada bulshada haddii casharada aad dhigato iyo ka dib 6 imtixaano kala duwan aad ku baasto. Wixii dheeraad ah boggan ayaa ka aqrin kartaa.

Waxaad baraneysaa af Nederlaanka

Waxaad dhiganeysaa casharo Nederlaanka. Waad ku baastay haddii luqada Nederlaanka ugu yaraan darajada

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
A2
taqaano oo 4 qeybood:

  • Qorista

  • Ku hadalka

  • Maqalka

  • Aqriska

Waxaad kaloo dooran kartaa in luqada Nederlaanka aad darajo sare ah barato. Taasi waxey gaar ahaan muhiim u tahay haddii aad dhaqso shaqeyn rabto, ama aad Nederlaan inaad wax ka barato rabto. Waxaad heysataa darajada luqada

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
B1
ama
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
B2
ayaa u baahan tahay.

Waxaad baraneysaa bulshada Nederlaanka

Waxaad dhiganeysaa casharo ku saabsan bulshad Nederlaanka. Ka dibna imtixaan ayaa sameyneysaa. Taasi waa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Kennis van de Nederlandse Maatschappij' (KNM)
. waxey ku saabsan tahay nidaamka Nederlaan iyo waxa dadka Nederlaan muhiim u arkaan

Imtixaanka wuxuu ka kooban yahay 8 mawduucyood oo bulshada Nederlaanka:

  • Shaqada iyo daqliga

  • Aqlaaqda, qiyamka iyo dhaqanka iyo caadooyinka

  • Deganaanta

  • Caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka

  • Taariikhda iyo juqraafiga

  • Maamulka Nederlaan

  • Siyaasadda qaranka iyo sharciga

  • Waxbarashada iyo barbaarinta

Mawduuc walba waxaa lagu sharaxayaa waxa loo baahan yahay inaad ogaato si aad imtixaanka uga gudubto. Xagga "waxbarashada iyo barbaarinta" tusaale ahaan baraneysaa sida uu nidaamka waxbarashada Nederlaan u shaqeeyo iyo sida aad tababarka iskaga bixin karto.

Waxaad baraneysaa shaqada Nederlaan

Waxaa kaloo cashar lagaa siinayaa ka shaqeynta Nederlaan. Taasi waxaa la yiraahdaa Oriëntatie op de Nederlandse Arbeidsmarkt (ONA). Waxaad baraneysaa sida aad Nederlaan shaqo u heli karto adiga kugu habboon.

Waa inaad 3 qeybood aad ka gudubtaa:

  • Barashada ka shaqeynta Nederlaan ooxaalada sii diyaarinta

  • Sameynta faylka shaqsi

  • 64 saac oo koorso ama hal wadahadal gabagabo oo la yeelato

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO)

Halkan hoose ayaa ka aqrineysaa waxa uu qeyb walba ka kooban yahay:

Marxalada is diyaarinta
Diyaarinta faylka shaqsiga
Wadahadalka gabagabada ee DUO ama 64 saac oo koorso ah

Qarashka imtixaanada

Ma ku qaaday imtixaanka 1 mar? markaa qarashka imtixaanka ee deynta DUO waad bixineysaa. Taasi waxaa ku bixin kartaa xagga iskuulkaaga. Ogsoonow: haddii aad dhowr imtixaano aad dib sameyneyso markaa deynta waa kaa dhamaan karaa. Markaa waa inaad qarashka adiga iska bixisaa.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Bilaabida la qabsashada bulshada ka hor 1 janaayo 2022