• Bilowga
  • Waxaa COA kugu xireysaa degmo
Waddo Nederlaan ah.
Laga soo xigtay: Daan Rink

Waxaa COA kugu xireysaa degmo

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 1/18/2024, 9:56 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Haddii codsigaaga magangelyo la ogolaado, waxaad xaq u leedahay guri. Waxaa Xarunta dhexe ee Dejinta (COA) kuu dooreysaa degmo. Degmada ayaa ka dib guri kuu heleyso. Boggan ayaa ka aqrineysaa sida ay taasi u shaqeyso.

Adiga iskaaga degmo uma dooran kartid aad degeyso

Codsigaaga magangelyo ma soo ogolaadeen

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeega socdaalka iyo jinsiyada(IND)
? Markaa COA ayaa kuu dooreyso degmada. Waxaa
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
COA
waa in 2 wiig gudahooda ka dib markii codsigaaga magangelyo la ogolaado in degmada lagugu xiraa. Markaa laga bilaabo degmada ayaa guri kuu raadineyso.

Adiga iskaaga degmo uma dooran kartid aad degeyso. Degmada lagugu xiraayo, waxey ku xiran tahay ilaa inta boos ay degmada heysato. Inta guryo ee loo helaayo dadka sharciga heysto wey kala duwan tahay degmo walba. Degmooyinka waaweyn waxey heystaan guryo badan oo dadka sharciga deganaanshaha magangelyada heysta.

Waxaa COA isku deyeysaa iney xaaladaada ku xisaabtamaan

Waxaa COA isku deyeysaa iney kuu dooraan degmo adiga xaaladaada ku habboon. Sidaa awgeed ayaa COA ku weydiineysaa warbixin xaaladaada. Waxaa COA tusaale ahaan inta uu reerkaaga ka kooban yahay, shaqada aad rabto inaad ka shaqeyso ama haddii aad rabto inaad wax barato.

Mar mar ayaa COA aad u sheegi kartaa degmada aad jeceshahay

Haddii aad sababo fiican heysato oo aad rabto inaad degmo gaar ah agteeda degto, taasi COA ayaa la socodsiin kartaa. Ma ku quseeyaa 1 ka mid ah sababaha hoos ku qoran? Markaa ayaa COA isku deyeysaa iney guri kuu raadiso ilaa 50 kiilo mitir u jira meesha aad rabto inaad degto.

  • Haddii aad dhiganeyso tababar gaar ah oo aad meel gaar ka qaadaneyso. Iyo aad meel kale ka dhigan karin.

  • Haddii aad shaqo heysato oo aad ugu yaraa 6 bilood aad ka shaqeyneyso 20 saac wiigii.

  • Haddii aad daryeel caafimaad ama nafsi u baahan tahay oo keliya laga helaayo dhaqtar gaar ah.

  • Haddii waalidkaaga, walaalahaaga ay jiraan oo hore Nederlaan u deganaa degmo gaar ah iyo adiga rabto inaad meel u dhow degto.

Waxaa COA fiirineysaa sababahan gaarka ah haddii aad cadeyn qoraal ah heysatid.

Buuxi foomka

Waa inaad iskaaga COA u tustaainey sababtani adiga ku quseyso. Tani waa inaad ku buuxisaa foomka. Waxaa foomkan ka heleysaa COA.

Tani ma sameyneysid? Ama waxaad siineysaa sababta ka dib markii degmada lagugu xiro? Markaa COA qasab ma ahan iney COA ay ku xisaabtanto degmada aad adiga rabto.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Sidaan ayaa guri u heleysaa