• Bilowga
  • Degmada ayaa guri kuu soo bandhigeysaa
Qol banaan oo guri ku yaala.
Laga soo xigtay: Max Rahubovskiy

Degmada ayaa guri kuu soo bandhigeysaa

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:50 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ka dib markii Xarunta Dhexe ee dejinta magangelyodoonka (COA) ee degmo kuu dooreysa, degmadaasi waa iney guri kuu helaan Nooca guriga uu yahay, waxey ku xiran tahay xaaladaada.

Muddo ayey qaadan kartaa ilaa aad degmada guri ka heleyso

Degmada waxey rasmi ahaan heystaan 10 wiig oo ay guri kuugu helaan. Laakiin maadaama ay guryo badan aysan jirin Nederlaan, waxay qaadataa celcelis ahaan dhowr bilood ilaa guri lagaaga helo. Ilaa aad guri ka heleyso, xerada magangelyada

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
COA
ayaa sii joogi kartaa Waxba ma sameyn kartid aad ku dedejiso inaad guri hesho.

Waxaa heleysaa guri ku habboon daqligaaga iyo inta qofood reerkaaga ka kooban yahay

Degmada waxey kuu dooreysaa guri ku habboon xaaladaada. Waxaa markaa ay ku xisaabtamayaan daqligaaga, weynida qoyskaaga iyo ama haddii aad weydiisatay reerka keenistooda. Wuxuu noqon karaa guri ijaar oo madaxbanaan oo muddo dheer, guri muddo gaaban ama guri lala wadaagaayo dad kale.

Guriga wadaaga waxaa loogu talo galay haddii aad dhalinyar tahay iyo keligaa Nederlaan joogto, aan reer kula socon. Ama dadka dalbaday reerka keenistooda, laakiin aan weli reerka Nederlaan joogin. Waxaad degan tahay guri la wadaago muddo ku meel gaar ah, ilaa reerka ay Nederlaan ka imaanayaan oo ay degmada ku siineyso guri reerkaaga oo dhan deeqa.

Koleyba guriga waa guryaha ijaarka ee bulshada. Kuwani waa guryo jaban oo ay bixin karaan dadka daqligooda yar yahay.

Waxaad heleysaa warqad marka guri laguu helo

Haddii degmada guri kuu hesho, waxaa heleysaa warqad. Warqada waxaa ku qoran marka aad guriga soo fiirin karto iyo heshiiska ijaarka aad saxiixi karto.

Degmada 1 mar ayaa guri kuu soo bandhigeysaa. Ma ka dooran kartid guryo kale keliya 1 guri ayaa dooran kartaa oo degmada ah. Haddii aad guriga diido, markaa guri cusub laguuma soo bandhigaayo.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Sidaan ayaa guri u heleysaa