Qof ayaa saxiixooda saaraaya heshiiska.
Laga soo xigtay: Karolina Grabowska

Waad ogolaatay guriga

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/22/2023, 1:13 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Haddii degmada guri kuu soo bandhigto, waa inaad dhowr waxyaalood sameysaa si aad guriga u ogolaato. Boggan ayaa arrintan ka aqrineysaa.

Waxaad fiirineysaa guriga

Marka guri laguu helo, warqad ayaa heleysaa. Warqada waxaa ku qoran marka aad guriga soo fiirin karto. Taasi waxaa la yiraahdaa soo fiirinta.

Badiyaa waxaa heshiiska ijaarka guriga saxiixeysaa maalinta aad guriga soo fiirineyso. Mar mar ayaa guriga soo fiirineysaa oo aad mar kale aad saxiixeysaa heshiiska ijaarka.

Adiga ayaa saxiixaaya heshiiska ijaarka

Si aad u ogolaato, waa inaad saxiixdaa heshiiska ijaarka meesha hoose. Heshiiskan waxaa ku qoran ballamada idinka dhexeeya adiga iyo guri ijaaraha

Halkan ayaa ka aqrineysaa warbixinta badiyaa ku qoran heshiiska ijaarka:

  • Magacaaga

  • Magaca guri ijaaraha

  • Ijaarka xadkiisa. Badiyaa tani waa keliya qarashka aad ku bixiso guriga. Maraa halkaasi kuma jiro badiyaa qarashka aad ku bixineyso korontada, gaaska iyo biyaha.

  • Cinwaanka

  • Faahfaahinta ijaarka guriga. Tusaale ahaan inta qol iyo haddii aad heysato jardiin ama maqaasin alaabta aad leedahay.

  • Taariikhda bilowga ee heshiiska ijaarka

  • Taariikhda iyo qaabka aad u bixineyso

  • Taariikhd uu ijaarka laga yaabo in la kordhiyo

  • Nidaamyada u degsan dadka meesha degan

  • Ballanada iyo dayactirka guriga

  • Saxiixaaga iyo saxiixa guri ijaaraha

Waa inaad guriga ogolaato

Dhamaan xaaladaha waxaa waajib ah inaad guriga ogolaato iyo saxiixaaga aad heshiiska ijaarka ku qortaa. Haddii aad sidan sameyn weydo? Markaa waxaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta Dejinta magangelyodoonka (COA)
bilaabeysaa 'nidaamka dacwada diidmada guriga'.

Taasi waxaa micnaheeda tahay in COA ay dhaheyso inaad guriga diiday. Waxaa suura gal ah in xerada COA aad ka baxdaa adigoo aan guri heysanin.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Sidaan ayaa guri u heleysaa