
Sidan ayuu gaadiidka dadweynaha ee Nederlaan u shaqeeyaa
La wadaag baraha bulshada:
Nederlaan dhexdeeda meel walba ayaa gaadiidka dadweynaha ku aadi kartaa. Tareenada, basaska, taraamyada iyo metro-ga. Boggan waxaa ka aqrineysaa wixii dheeraad ee gaadiidka dadweynaha ee Nederlaan.
Waxaa jira shirkado gaadiid kala duwan
Waxaa Nederlaan ay leedahay shirkada gaadiidka badan oo mas'uulka ah noocyada kala duwan ee gaadiidka dadweynaha. Waxaa
Soo booqo websaaytka shirkada gobolkaaga ee warbixinta muhiimka ee gaadiidka dadweynaha. Iyo dallacaad ax dhimista suura galka ah.
Safarkaaga ka hor ayaa sii diyaarsan kartaa
Mar dhow meel ma aadeysaa? Safarkaaga ka hor ayaa interneetka ka qorshayn kartaa. Safarka tareenka online-ka ayaa ka fiirin kartaa websaaytka NS. waxaa
Ma rabtaa warbixin dhamaan noocyada safarka? Markaa fiiri
Waa inaad heysataa kaar sax ah
Waa inaad heysataa kaar sax ah. Waxaa jira qaabab kala duwan oo kaar sax ah aad ku heli karto. tusaale ahaan inaad ku marisoo OV-chipkaart. ama inaad kaar waqrad ah gadato mashiinka.
Waxaad istashoonka badiyaa ka ijaaran kartaa baaskiil
Xarumaha tareenka laga raaco ayaa ka kireysan kartaa baaskiilo kuwa NS ah. Tani waxaa loo yaqaan baaskiilka -OV. Waxaad u baahan tahay kaarka OV si aad u kireysato baaskiilka. Taasi ayaa si bilaash ah ugu dareysaa rukunka baaskiilka -OV. Adiga ayaa taasi sameyn kara adigoo websaaytka NS ka gela Mijn NS. Waxaadna Qalabka ka dooraneysaa Van Deur tot Deur markaa waxaad dalban kartaa rukunka baaskiilka-OV. Waxaad boggan ka heleysaa warbixin siduu ijaarashada baaskiilka -OV u shaqeeyo.
Isticmaalka baaskiilka -OV waxaad u bixineysaa 24 saac. Xitaa haddii aad wax ka yar 24 saac u baahan tahay, qadarkaas ayaa bixineysaa.
Waa kuwan nidaamyada u degsan gaadiidka dadweynaha
Marka aad gaadiidka dadweynaha raaceyso waa inaad nidaam gaar aha dhowrtaa. Halkan hoose aaaaayaa kuwa ugu muhimsan ka aqrineysaa:
Waa inaad mar walba aad tusi kartaa inaad safarkaaga aad qarashka bixisay
Waa inaad mar walba aad tusi kartaa inaad safarkaaga aad heysataa kaarka safarka cadeyntiisa. Taasi waxey kaloo noqon kartaa kaarka warqada ah. Ama OV-chipkaart-ka markaasoo oo aad ku soo raacday. Ama kaarka bangigaaga oo aad taabasho la'aan aad ku bixin kartaa iyo inaad mariso kaarka markaad safreyso. Ma heysatid kaar sax ah? markaa ganaax ayaa lagu siin karaa haddii lagu baaro.
Waxaa keliya ku safri kartaa kaarka aad soo gadatay darajadiisa
Haddii aad gadatay kaarka darajada 2aad, markaa lama oggola inaad darajada 1aad fariisato. Taasi haddana ma sameysey? Markaa waa lagu ganaaxi karaa haddii lagu kantaroolo.
Mar mar waad ku qaadan kartaa baaskiilkaaga gaadiidka dadweynaha
Baaskiilkaaga waad ku qaadi kartaa tareenka ama merto-ga. Laakiin waa keliya inta u dhaxeysa 09.00 iyo 16.00 saac iyo ka dib 18.30 saac. Baaskiilka waa inaad kaarka baaskuiilka u iibisaa. Baska marna lama oggola inaad baaskiilka ku qaadato.
Waxaa jiro meelo u gaar ah kuraasta curyaanta iyo gaariyada ilmaha
Ma ku fadhidaa kursi curyaanta? Waxaa markaasi kuwaa leeyihiin meelo gaar ah oo aad masaafad kugu filan heysato.
Sigaarka oo gaadiidka dadweynaha lagu cabaa waa mamnuuc
Sigaarka oo gaadiidka dadweynaha lagu cabaa waa mamnuuc. Sidoo kale cabitaanka e-sigaarka. Sidoo kale istashoonka iyo boosteejada basaska lama oggola inaad sigaar ku cabto. Haddii aad taasi sameysay? Markaa waa lagu ganaaxi karaa.
Lama oggola iaad buuq sameyso ama khashin sameyso
Ha ku sameyn buuq aan loo baahnayn gaadiidka dadweynaha iyo qashinka dhulka ha ku tuurin.
Tareenka qaar wuxuu leeyahay qeybo aamusnaata. Taasi waxey ku qoran tahay dariishada qeybtaasi. Halkani waa in dhqaaq la sameynin.