
Canshuurta Nederlaan
Qodobkaan sii wadaaji
Boggan waxaa ka heleysaa warbixin dheeraad ee sameynta DigiD iyo noocyada kala duwan ee canshuurta Nederlaan
Weydiisashada DigiD
Si aad u weydiisato kabisyada iyo u habeyso canshuuraha, waxaad u baahan tahay DigiD. DigiD waxaa u taaganntahay Aqoonsi shaqsiyeedka Dhijitalka ah. Waxaa DigiD ku tuseysaa qofka aad tahay markaaad nterneetka xagga dowlada wax ka hagaagsan rabto. Haddii aad caawino u baahan tahay, ka weydii degmada aad degan tahay iyo/ama ururka qaxootiga caawiya weydii ururka arrintaasi kaa caawin kara. Faahfaahinta DigiD waxey kaa caawineysaa si aad u cadsato DigiD
Buuxin canshuurta la gudbinaayo
Bil walba waxaa bixineysaa canshuurta mushaharkaiyo wax ku darsiga badbaadada bulshadamushaharkaaga, ceyrta ama hawlgabka. Sannadka ku xiga waxaad sameyneysaa soo celinta canshuurta sannadka la soo dhaafay. Sidaa ayaa Adeega canshuuraha ku xisaabin karaan haddii ay qadarka aad bixisay canshuurta mushaharka iyo wax ku darsiga badbaadada bulshada ay sax yihiin. Markaa waxaa la xisaabinayaa in lacag laguu soo celinaayo ama aad lacag kale bixineyso. Mashruucan waxaa lagu magacaabaa 'canshuur celinta'. Qaxootiga Yukraynka badankooda ee degan Nederlaan lagama rabo iney sameeyaan soo celinta canshuurta ee 2022. Haddii aad warqad ka hesho adeega canshuurta inaad sameyso celinta canshuuraha markaa waa inaad sameysaa canshuur celinta. Haddii aad warqad helin markaa qasab ma aha
Canshuur celinta adiga waad sameyn kartaa, laakiin talada waa inaad cawino weydiisato. Sannadka 2022 waa in foom gaar ah lagu buuxiyaa. Foomkan waxaa la yiraahdaa foomka M. Foomkan waxaa gaar ahaan loo sameeyey dadka aan sannadka oo dhan Nederlaan deganayn. Waxaad foomkan ka heli kartaa websaaytka adeega canshuuraha marka aad geleyso DigiD. Haddii aad caawino u baahan tahay, markaa weydii degmada aad degan tahay iyo/ama ururka qaxootiga caawiya ururka arrintan kaa caain kara.
Dhimista canshuurta mushaharka
Haddii aad u shaqeyso sahqo siiye, waxaad xaq u leedahay dhimista canshuurta. Markaa dhimistaa awgeed ayaa canshuur yar bixineysaa oo mushaharka lagu siinaayo uu badanaayaa. Ka dhimistannwaxaad ka weydiisan kartaa shaqo siiyahaaga. Haddii aad dhowr shaqo siiye aad u shaqeyso, markaa hal shaqo siiye keliya ayaa dhimista canshuurta ka weydiisan kartaa.
Canshuuraha degmada
Haddii aad guri madaxbanaan aad ijaarato, waxaa suura gal ah inaad bixineyso canshuuraha degmada. Inta canshuurta iyo xadka uu yahay degmo walba waa kala duwan yahay
Duruufaha qaarkood, cashuurta dawladda hoose waa la dhimi karaa ama waa laga dhaafi karaa. Degmada ayaa qiimeyn doonta haddii aad xaq u leedahay dhimis ama cafis. Qiimayntani way ku kala duwanaan kartaa degmo kasta. Degmada waxey fiirin doontaa daqligaaga iyo hantidaada iyo waxey ka xisaabinaayaan waxa aad bixin karto. Ma u baahan tahay warbixin dheeraad ku saabsan dhimista ama cafinta canshuuraha degmada? La xariir degmadaada.