Warbixin
Sug ilaa go'aanka codsigaaga mideynta qoyska
marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/27/2024, 4:03 GH

Adeega Socdaalka - iyo Jinsiyada (IND) codsigaaga mideynta qoyska ayaa ay hadda go'aaminaayaan. Waxaadna go'aanka ka heli doontaa boostada.

Sugitaanka go'aanka IND ee codsigaaga

Waxaa IND ay go'aan ku soo gaareyso codsigaaga mideynta qoyska. Go'aankani waxaa ka heleysaa boostada. Waxaa kaloo ka fiirin kartaa online-ka halka uu maraayo xaalada codsigaaga ee 'Mijn IND'.

Mar mar ayaa IND u baahan tahay muddo dheeraad oo codsigaaga. Tusaale ahaan maadaama codsigaaga uusan kaamil ahayn. Iyo IND wey ku dheeraan kartaa iney codsigaaga ka soo jawaabaan marka ay IND u aragto inaadan cadeyn kaafi ah aadan xubnaha reerkaaga heynin oo cadeeya iney xubnaha reerkaaga yihiin.

Hadey sidaasi tahay, IND warqad ayaa ka heleysa ku qoran inta waqti dheeraad ee ay u baahan yihiin. Waxaa IND ay warqada ku weydiinayaan inaad dokumenti dheeraad soo dirto. Mar mar waxey kaloo weydiiyaan baaritaan-DNA ama xagga online-ka wareysi adiga iyo xubin reerkaaga ah.

'Mijn IND'
Waxaad xaalada codsigaaga keenista reerka kala socon kartaa xagga 'Mijn IND'.

Waxaa suura gal ah 2 go'aan

Ka dib marka IND go'aan ka gaaraan codsigaaga, waxaa heleysaa go'aan warqad ah. Go'aankan waa ogolaansho ama diidmo:

  • Go'aan ogolaansho:xubin reerkaaga ayaa Nederlaan imaan karo

  • Go'aan diidmo:xubin reerkaaga ayaan loo ogolaanin inuu Nederlaan imaado.

Waxan ayaa dhacaaya marka aad go'aan ogolaansho ka hesho IND

Ma soo ogolaatay IND codsigaaga keenista reerka? Markaa waxaa xubinta reerkaaga ka helaayaa safaarada Nederlaan ee wadanka laga soo jeedo. Tani waa fiiso lagu safro

Kama jiro safaarad Nederlaan ah wadanka aad ka soo jeedo? Markaa waa in xubinta reerkaaga ay wadan deriska ah oo leh safaarad Nederlaan ah aadaa. IND ayaa arrintan kaa wargelin doonta.

Marka uu xubinta reerkaaga imaado Nederlaan ayaa shrciga deganaanshaha helaayaa.

Waxan ayaa dhacaaya marka aad go'aan diidmo aad ka hesho IND

Ma soo diiday IND codsigaaga keenista reerka? Markaa waxaa xubinta reerkaaga lama siinaayo fiiso uu ku imaado Nederlaan. Adiga waad ka dacwoon kartaa go'aanka IND.

Racfaan ka qaadashada go'aanka IND
Boggan waxaa ka aqrineysaa sida aad racfaan uga qaadaneyso go'aan IND.
Maxey kula tahay qodobkan?