Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Twee artsen kijken naar een röntgenfoto

Laga soo xigtay: Antoni Shkraba

Ceymiskan caafimaadka wa ainaad sameysataa marka aad heysato sharciga deganaanshaha magangelyada

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/22/2023 11:17 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Ma heshay sharciga deganaanshaha magangelyada? Markaa waxaad laga bilaabo waqtiga aad sharciga magangelyada bilowdo 4 bilood muddo ah oo aad ceymis magangelyo ku sameysato. Waxaa ceymiskaaga caafimaad bilaabanaa taariikhda aad sharciga deganaanshaha aad heshay.

Waa waajib inaad sameysataa ceymiska caafimaadka ee asaasiga

Qof walba oo jooga Nederlaan waa waajib inuu lahaadaa ceymiska asaasiga. Markaa ceymiska asaasiga ayaa heysataa. Sida dhaqtarka qoyska, cisbitaalka, dhaqtarka nafsiga iyo farmashiga. Bil walba waxaad bixineysaa qadar lacag ah oo xadida si aad u isticmaasho daryeelka asaasiga. Taasi waxaa loo yaqaanaa lacagta joogtada. Sannad walba janaayo ayaa ceymiska caafimaadka dooran kartaa.

Adigaa dooran kara inaad sameysato ceymis caafimaadka oo dheeraad ah

Waxaa ceymiska caafimaadka asaasiga ka sokow sameysan kartaa ceymis buuxis. Taasi wey ka lacag badan tahay bishii. Ceymiska buuxinta waxey bixisaa qarashka dheeraadka ee aan ceymiska asaasiga bixineynin. Tusaale ahaan dhaqtrka ilkaha, ama haddii aad muraayado ama lens-ka aad u baahan tahay ama jimciska ama fiisiyoga. Ceymiska buuxinta waajib ma aha. Sannad walba janaayo ayaad ceymiska buuxinta dooran kartaa.

Waxaad dooran kartaa xadka qarashka aad adiga iska bixineyso

Ka sokow ceymiska caafimaadka waxaad kaloo bixineysaa lacagta qarashka caafimaadka ee aad isticmaasho. Taasi waxaa loo yaqaan qeybta qofka iska biiyo. Waxaa €385 ee ugu horeeyo bixinaaya adiga. Ilaa iyo 2023 qarashkani waa isla intan. ilaa 2025. Ka dib ceymiska caafimaadka ayaa bixinaaya qarashka. Midka ceymiska asaasiga qof walba oo weyn waa waajib inuu lahaado midka uu iska bixinaayo € 385,-. Noocyada daryeelka qaar ma jiro qarash aad iska bixineyso, sida dhaqtarka qoyska ama umulisada. Kuwaasi wax qarash aad iska bixneyso ma jiro.

Ka soo qaad inaad dhaqtarka qoyska iyo in dhaqtarka qoyska daawo kuu soo qoray. Wadahadalka iyo daaweynta dhaqtarka qoyska wax lacag ah ma bixineysid, taasi waxaa lagaa bixinaaya lacagta bisha aad bixiso. Laakiin daawada waa bixineysaa ama qeyb ayaa bixineysaa, waayo taasi waxey ku xisaabsan yihiin lacagta aad adiga iska bixineyso. Ka soo qaad haddii aad sannadka oo dhan aad daawo ah isku darkii €500,-. Markaa waxaad adiga €385,- ayaa bixineysaa. Shirkada Ceymiska inta kale.

Shirkadah ceymiska badankooda waxey leeyihiin iney suura gal tahay inaad qeybta adiga iska bixineyso aad bil bil u hormariso. Markaa waxaad qarashka bishii ka sokow bixineysaa bil walba lacag dheeraad oo qeybta aad iskaaga u bixineyso ah. Haddii aad taasi doorato, laakiin aadan lacagta dhamaan aadan wada isticmaalin? Markaa shirkada ceymiska wey kuu soo celineysaa

Waxaad kaloo dooran kartaa qeybta iskaaga oo aad u sareeyo. Markaa bishii ayaad in ka yar bixineysaa, laakiin waa inaad haddii aad daryeel dheeraad u baahato adigaa daryeelka iskaaga u bixinaaya. Taasi wey fiican tahay marka aad daryeel badan u baahnayn iyo aad lacag badan oo keyd ah leedahay si aad daryeelkaasi u bixiso.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Sida loo doorto ceymiska caafimaadka