• Bilowga
  • Waxyaalahan ka taxadir marka aad dooraneyso ceymiska caafimaadka
Qof isticmaalaaya makiinada xisaabta iyo dokumentiyada buux buuxinaaya
Laga soo xigtay: Pavel Danilyuk

Waxyaalahan ka taxadir marka aad dooraneyso ceymiska caafimaadka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:43 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaa jiro noocyo kala duwan oo ceymiska ah iyo kuwa soo bandhiga ee shirkadaha. Ka aqri halkan waxa aad ka taxadareyso marka aad dooraneyso ceymiska caafimaadka. Waxaa kaloo adeegsan kartaa websaatyo is bar bar dhigaaya ceymisyada kala duwan.

Waxan ayaad ka taxadri kartaa marka aad doraneyso ceymiska asaasiga ah

Mid walba oo ceymiska asaasiga ah wuu ka duwan yahay midka kale xagga qarashka. Dowlada ayaa sannad walba xadideysa nooca daryeelka ee ceymiska asaasiga ku jiraaya. Shirkadaha ceymiska waxey dooran karaan sida ay u dhisayaan ceymiska asaasiga. Markaa isku jirka asaasiga qof walba wey u siman tahay, oo waxyaalo yar ayey ku kale duwanaan karaan:

  • Qarashka aad bil walbo bixiso.

  • Cisbitaalada iyo daryeel bixiyaasha kale ee aad aadi karto. Taasi waxey ku xiran tahay ballanada ay ceymiska la sameeyeen daryeel bixiyaasha, sida cisbitaalada.

  • Shirkadaha ceymiska qaar ayaa waxyaalo dheeraad ah ku dara ceymiska asaasiga. Shirkadaha qaar ayaa tusaale ahaan ku sii jeeda dhalinyarta iyo waxey bandhigaan qarash celinta daawada uurka looga hortago.

  • Shirkadaha ceymiska qaar ayaa si fiican loola xariiri karaa, laakiin shirkadaha qaar ayaan si fudud loola xariiri karin.

Waxan ayaad ka taxadri kartaa marka aad dooraneyso ceymiska buuxinta

Dooro ceymiska daryeelka ee buuxinta ah ee bixinaaya nooca daryeelka aad adiga wax badan isticmaasho. Ceymiska caafimaadka ee buuxinta ah waxa keliya ay bixiyaan daryeelka aan ku jirin ceymiska asaasiga ah. Tusaale ahaan waxaad dooran kartaa ceymiska buuxinta ee jimciska ama fiisoyowga ama dhaqtarka ilkaha bixinaya.

Ka hor ayaad sii raadinkartaa inaan ceymiska buuxinta ah uu qarashkiisa ka badnayn daryeelka qarashkiisa. Tusaale ahaan haddii aadan dhibaato badan ku qabin ilkahaaga, waxaa mar mar fiican inaad dhaqtarka ilkaha aad adiga iska bixiso ila aad ceymis buuxinta ka dooran lahayd. Ma qabtaa xanuuno badan oo xagga ilkaha ah? Markaa waxaa kuu jaban inaad sameysato ceymiska buuxinta.

Sannad walba waa dooran kartaa ceymiska iyo waa is barbar dhigi kartaa ceymisyada caafimaadka

Waxaa sannad walba ay ceymisyada caafimaadka soo bandhigaan nofeembar ceymiska sannadka dambe. Sidaa ayaa toos u arki kartaa shirkad walba oo ceymiska inta ay bil walba qarashkiisa yahay.

Ma is babar dhigeysaa ceymisyada? Markaa axaa jiro dhowr websaaytyo ta kaa caawini kara. Waxa 2da ceymis ugu waaweyn ee is barbar dhigaa waa Independer iyo Zorgkiezer. Kuwani waa websaaytyo ganacsi ah iyo ma ahan kuwo madax banaan. Haddana websaaytyadan si fiican wey kuu caawini karaan.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Sida loo doorto ceymiska caafimaadka