
Dhaqdhaqaaqyada loo abaabulo bulshada lhbtqia+- inta lagu jiro Pride
Waxaa Nederlaan ka jira dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo u gaar ah dadka Lhbtqia+. Boggani ayaa ka aqrineysaa waxyaalaha Gay Pride ku saabsan, Roze zaterdag iyo dhaqdhaqaaqyada kale. Waxaad kaloo ka heleysaa ururada isku mashquuliya abaabulka dhaqdhaqaaqyada dadka lhbtqi+- ee asalkooda qaxootiga ah.
Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan)
Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan) waa sabti dhamaadka juun ah. Waa munaasabad iyo banaanbax kaasoo loo weydiinaayo in fiiro loo lahaado xaquuqda naagaha is jeclaada, khaniisyada, dadka labada jinsi jeclaada iyo dadka aad ogayn jinsiga ay yihiin. Xagaa walba ayaa meel walba oo Nederlaan ah laga abaabulaa xafladaha- Pride.
Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan) wuxuu ku abaabulmay rabshadii- "Stonewall" ee 1969 ee New York. Dagaaladaasi waxey u taagan yihiin waqti muhiim ah oo taariikhda dhaqdhaqaaqa khaniisyada. Markaasi boliiska ayaa baarka khaniisyada si xoog ah ku soo galay 'Stonewall Inn'. Dhalinyarta degaanka iyo kuwa dragqueens oo bilaabay iney dib u dagaalamaan maadaama sannado badan oo cadaadis ah iyo awood oo loo sheegto oo boliiska ah wey ku daaleen.
Waxaa Roze Zaterdag (Sabtida pinkiga) 2025 lagu qabanayaa Zaanstad 28 juunyo
'Pride Amsterdam'
'Pride Amsterdam' waa xaflad agoosto la qabto oo 2 wiig socda halkaasoo xaquuqda dadka lhbtqia+- ay xudun u tahay. Halkaasoo fiiro gaar ah loo weydiinaayo dadka dhalinyarta ee dhibane noqon kara ee bulshada lhbtqia+-. Tusaale ahaan nacaybka ku xeeran arrimaha aids-ka iyo xaquuqda ay leeyihiin
Dhamaadka 2 wiig 'Pride Amsterdam' waxa jira xaflad sanadeed 'Canal Parade' ee Amsterdam lagu qabto. 'Canal Parade' waa 1 ka mid aha xafladaha ugu dadka badan ee Nederlaan maalmahaasi ee Amsterdam. ' Kumanaan qof ayaa wada imaanaaaya meelaha biyaha agtooda iyagoo u dabaaldagaaya kala duwanaanshaha iyo ka qeyb qaadashada. Dad badan ayaa dooman midabo kala duwan biyaha ku dhex maraaya.
Dhaqdhaqaaqyo kale
Magaaloyinka Nederlaan qaarkood waxaa xafladahan-Pride la qabtaa xagaagan. Kuwani waa xafladaha ugu waaweyn ee xagaaga 2025 magaalo kasta:
Utrecht
Sabtida 7 juunyo: Biyaha Utrecht waxaa maraaya dooman inta lagu jiro 'Utrecht Pride'.
Eindhoven
Waxaa 14 ilaa 22 juunyo la qabanaa wiiga Pride Week ee Eindhoven.
Groningen
Waxaa 20 ilaa iyo sabtida 21 juunyo la qabanayaa Pride ee Groningen.
Nijmegen
Arbacada sedexaad kasta ee julay waxey Nijmegen leeyihiin 'Roze Woensdag'.
Zwolle
Rotterdam
Waxaa 19 ilaa iyo 28 sebtembar 2025 la qabanayaa Rotterdam Pride Week iyadoo la sameyn doono munaasabado kala duwan.
Sabtida, Sebtembar 27 la qabanayaa,
Ururada u muhiimsan munaasabadaha lhbtqia+-
Waxaa kaloo jira dhowr ururo gaar ah ee bulshada lhbtqia+- oo munaasabado abaabula.
COCktail
Respect2love
Transgender Infopunt Nederland