Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Bilowga
  • Kubada cagta ee Nederlaan mudada inta lagu jiro tartanka caalamiga
Laba ciyaartoy oo kubada cagta ayaa ku tartamaaya kubada
Laga soo xigtay: Pixabay

Kubada cagta ee Nederlaan mudada inta lagu jiro tartanka caalamiga

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 4:12 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Kooxda kubada cagta ee Nederlaan adiga ayey ku raadiyaan! waxaa juunyo Nederlaan ay ka qeyb qaadanaayaan koobka EURO UNITY ee Frankfurt. Waxaad noqon kartaa ciyaaryahan kooxda Nederlaan. Ka aqri halkan waxa aad sameyneyso.

Koobka UNITY

Waxaa qoraalkan isku duba riday urur seddexaad(www.youtube.com).maadaama aad diiday inaad ogolaato (cookies) waxa keliya aan awoodnaa inaan kuu jiheyno YouTube halkii aan ka fidin lahayn websaaytkeena: YouTube.com

Muxuu yahay koobka EURO UNITY?

Waxaa 27,28 iyo 29 juun jira koobka EURO UNITY oo Frankfurt ee dalka Jarmalka lagu qabto. Waddan walba wuxuu la imaanayaa kooxdiisa gaarka. Dhamaan kooxyada waxey heystaan qaxooti isku jira iyo jinsiyada ee ciyaartoyda hiwaayada qaranka. Dumarka iyo raggaba wey ka qeyb qaataan. Koobka EURO UNITY waxaa soo qaban qaabiyey UEFA iyo UNHCR.

Sidee isaga diiwaangelineysaa?

Ka hor intaanan koobka UNITY dhicin, waxaa maalin gaar ah abaabulaaya Ururk Kubada Cagta ee Boqortooyada Nederlaan (KNVB). maalintaasi qof walba wuu bandhigi karaa waxa uu awoodo. Taasi waxaa loo yaqaan tartanka is reebreebka. Waa inaad taasi iska diiwaangelisaa. Tartanka isreebreebka wuxuu 19 maajo 2023 ka dhacaayaa Kaambada KNVB ee ku yaala Zeist.

Waxaa jira basas lacag la'aan oo ka dhex shaqeynaaya 12.30 saac iyo 13.30 saac inta u dhaxeysa 17.00 saac iyo 18.00 saac istayshanka tareenka Driebergen - Zeist.

Sidee u shaqeysaa?

Waxaa la dooranaayaa 11 ciyaarto ah oo u ciyaaraaya kooxda Nederlaanka. Ma ku jirtaa kooxda? Markaa waxaad aadeysaa koobka UNITY oo Frankfurt lagu qabanaayo. Waxaa kooxda tababare u ah René van Rijswijk. Asaga wuxuu ahaa ciyaartoy kubada cagta

Ka qeyb galida waa lacag la'aan. meel aad joogto, cunto gaddid iyo dharka kubada cagta oo aranjka waa lagu siinayaa oo looma baahna inaad adiga iska bixiso.

Yaa iska diiwaan gelin kara?

Waad is diiwaangelin kartaa haddii aad:

  • 18 jir ama ka weyn tahay

  • sharci heysato ama qaxooti Yukraynka aad tahay

  • aad heysato waraaqaha safarka oo saxda ah

  • aad 19 maajo diyaar u tahay isreebreebka lagu qabanaayo Zeist

  • diyaar u tahay 2 tababar 2 iyo 9 juunyo

  • 27, 28 iyo 29 juunyo diyaar u tahay inaad aado Frankfurt

Waxaad u baahan tahay waraaqaha safarka saxda ah si aad u safarto. Taasi waa safarka Frnkfurt awgeeda waxaa keliya ka qeyb geli kara dadka sharciga leh ama qaxootiga Yukraynka koobka UNITY.

Maqaalkani xiiso ma kuu leeyahay?