• Bilowga
  • Hubi inaad xaq u leedahay ijaar dhimis
Warqad lacag ah oo la laalaabay sida guri
Laga soo xigtay: Pixabay

Hubi inaad xaq u leedahay ijaar dhimis

La shaaciyey: 6/5/2023, 12:47 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma guri ayaa ka ijaaraneysaa shirkad guri? Waxaa suura gal ah inaad xaq u yeelato ijaar dhimis. Xitaa haddii aad hesho warqad ay ku qoran tahay in ijaarkaaga uu sii kordhaayo. Maqaalkan ayaa ka aqrineysaa sharuudaha iyo ama haddii loo baahan yahay inaad tallaabo qaado.

Sharuudaha dhimista ijaarka

Laga bilaabo 1 julay 2023 waxaad xaq u leedahay dhimista ijaarka haddii aad sharuudaha soo socda ka soo baxeyso:

  • Waxaad shaqeysaa qadar ka yar 120 boqolkiiba

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    oo ah xadka ugu yar ee bulshada (sociaal minimum)
    .

  • Waxaad ilaa 1 maarso 2023 ama ka hor aad guri ama guri guura ka ijaarataa shirkada guryaha.

  • Waxaad bixisaa wax ka badan € 575,03 (2023 gudaheeda) bishii oo ijaarka asaasiga ah oo guriga ama guriga guura. Ijaarka asaasiga waa qarashka ijaarka oo aan la socon qarashka adeega.

Haddii uu heshiiska ijaarka bilowday 1 maarso 2023, markaa ma dalban kartid dhimista ijaarka ee dadka daqligooda hooseeyo.

Daqligaaga wey og yihiin Waaxda Canshuuraha: markaa waxba looma baahna inaad sameyso

Ma buuxineysaa sharuudaha oo daqligaaga 2021 wey la socdaan

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Waaxda Canshuuraha
? Markaa waxey u badan tahay in ka hor 1 juun 2023 aad heshay warqad ka timid shirkada guryaha oo ku saabsan hoos u dhigida ijaarka. Hoos u dhigida ijaarka wuxuu bilaabanaayaa 1 julay 2023. Markaa waxba looma baahna inaad sameyso.

Daqligaaga ma oga waaxda canshuuraha (Belastingdienst): samey 12 julay ka hor inaad ashtako ka qabto kordhinta ijaarka

Ma soo degtay degmada inta u dhaxeysa 1 janaayo 2022 iyo 1 maarso 2023 oo ma qaadaneysey 2021 keliya lacagta aad ku noolaato

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeega Dejinta Magangelyodoonka (COA)
? Markaa ma oga Waaxda canshuuraha inta aad shaqeysey 2021

Waxey u badan tahay inaad shirkada guryaha ka heshay warqad ku qoran in ijaarka gurigaaga la kordhin doono laga bilaabo 1 julay. Haddii aad sharuudaha kor ku qoran buuxineyso, dacwad ayaad ka qaadan kartaa kordhintan ijaarka. Taasi xitaa waa suura gal haddii aad aad hadda shaqeyso daqli ka yar 2021 oo aad hadda sharuudaha ka soo baxeyso.

Sida ugu dhaqsaha badan warqad u dir

Haddii aad cadeyn karto inuu daqligaaga hooseeyo, adiga ayaa iskaaga shirkada guriga uga weydiisan kara dhimista ijaarka. Taasi waa inaad si walba aad tusi kartaa in 6 bilood ee ugu dambeeyey uu daqligaaga yahay wax ka yar boqolkiiba 120 qarashka ugu yar ee bulshada.

Shirkado badan oo guryaha waxaa websaaytkoda ku leh foom aad taasi ku buuxin karto. Laakiin tani mar walba xaalada ma aha. Halkan hoos ayaad ka heleysaa warqad tusaale ah oo aad u isticmaali karto inaad ijaar dhimis ku dalbato. Raacsii warqada cadeyn 6 dii bilood ee la soo dhaafay daqligaaga ku saabsan iyo qoyskaaga.

Warqada ugu dir shirkada guryaha sida ugu dhaqsaha badan koleyba ka hor 12 julay. Dhimista ijaarka uma dalban kartid waqtiyadii la soo dhaafay. Miyaad ka soo daahday? Markaa waxaad bixineysaa ijaarka sare ilaa ay shirkada guryaha ay warqadaada ka soo baaraandegto.

Soo deji warqada tusaalaha ah ee dhimista ijaarka. Buuxi warqada, raacsii cadeymaha oo u dir shirkada guryaha

Caawino haddii aad dacwad ka qabto

La xariirkaaga

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama shaqaalaha bulshada ayaa kaa caawin doona sidaad u codsato dhimista ijaarka.

Ma sii heysatid hagista bulshada iyo haddii uusan ka jirin urur kale degmadaada aad la aadi karto wixii su'aalo sharciyada ku saabsan? Markaa la xariir 'Het Juridisch Loket' haddii aad caawinaad u baahan tahay. Waxaad '

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Het Juridisch Loket
' ka heleysaa telefoonka nambarkiisa yahay(0800) 80 20. Caawinaada 'Het Juridisch Loket' waa mid lacag la'aan ah.

Gunnada ijaarka? Ka warbixi isbedelada

Haddii uu ijaarka isbedelo, badiyaa taasi waxey saameyn ku yeelaneysaa gunnada ijaarka. Haddii ijaarka hoos loo dhigo, waa inaad taasi 4 wiig gudahooda ku wargelisaa canshuuraha Belastingdienst adaa adeegsanaaya 'Mijn toeslagen'. Xaaldaha badankooda gunnada ijaarkaaga hoos ayuu u dhici doonaa.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?