Laga soo xigtay: De Europese vlag
Qodob

Dacwada Dublin

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 12/18/2025, 3:08 GD

Waxaa Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ay go'aamin karaan in waddan kale oo Yurub ah uu dacwadaada magangelyo ka howlgalo ay tahay.

Waxaad la yeelaney IND wadahadal

Waxaad 1 wadahadal la yeelaneysaa IND. Wadahadalkani waxaa lagu magacaabaa wareysiga Dublin. Waxaa IND kuu sheegayaan inaad waddan kale ka diiwaangashan tahay. IND su'aalo ayey taasi kaa weydiinayaan. IND su'aalo kaama weydiineyso sababta aad u soo qaxday. Mudada wareysiga waxaad u sheegi kartaa sababta aad ugu aragto in Nederlaan ay dacwadaada ka howlgasho. IND waxey qoraal ka sameynayaan wareysiga.

Ma rabtaa inaad wax badan ka ogaato diyaarinta wareysigaaga IND? Kadib akhri wax badan oo ku saabsan RefugeeHelp.

Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay

Shaqaalaha IND wuxuu su'aalaha kugu weydiinayaa luqada Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa adiga kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale wuxuu tarjumayaa jawaabtaada luqada Nederlaanka. Tarjumaanku wuu madaxbanaan yahay, uma shaqeeyo IND oo wax daqli ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada. Maadaama ay tarjumaanada aad u mashquul yihiin wey dhcdaa in kugu soo aado tarjumaan lahjad kale ku hadla. Isla markii sheeg haddii adiga iyo tarjumaanka aadan si fiican isu fahmeynin. Sababtoo ah waa muhiim inaan is afgaranwaa uusan imaan maadaama tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin.

Waxaa IND codsi u gudbinayaan wadankaasi Yurub

Waa in ay IND codsi u gudbiyaan wadanka kale ee Yurub si ay dacwadaada uga hawl galaan. Waddanka kale ee Yurub baaritaan ayey ka sameynayaan codsigaasi oo wey u soo jawaabayaan IND. Waddanka codsiga wuu diidi karaa. Waxaa IND ay gudbin kartaa codsi dib u fiirin ah. Taaasi waxey micnaheeda tahay in waddankaasi kale ee Yurub ay mar kale baaritaan sameeyaan.

Waxaa IND kutalo jiraan ineysan codsigaaga magangelyo ka hawl gelin

Haddii ay IND u aragto in waddan kale oo Yurub ah uu mas'uul ka yahay codsigaaga magangelyodoonka waxaad heleysaa warqad. Waxaa ku qoran in IND ay damacsan yihiin iney codsigaaga magangelyo aysan ka hawl gelin. Warqadaasi waxaa la yiraahdaa waxa la damacsan yahay. Ma u aragtaa IND in Nederlaan ay mas'uul ka tahay codsigaaga magangelyo? Markaa IND ayaa ka hawl galeyso codsigaaga oo lagu daraayaa dacwada guud ee magangelyada.

Jawaabtaada waxa ay damacsan tahay IND

Waxaad garyaqaankaaga kala hadleysaa waxa ay IND damacsan yihiin. Garyaqaanka warqad ayuu ugu jawaabi karaa IND. Warqadaasi wuxuu u sheegi karaa sababta aadan ugu raacsananayn waxa ay damacsan yihiin. Waa iney IND ku xisaabtamaan warqada garyaqaanka.

IND waxay gaareysaa go'aanka kama dambaysta ah

Ka dib markay aqriyeen warqada garyaqaanka, waxey IND go'aamineysaa in waxa ay damcsan yihiin wax ka bedalayaan. Ma waxay IND weli u aragtaa in wadankaasi kale ee Yurub uu mas'uul ka yahay codsigaaga magangelyo? Markaa waxaa heleysaa warqada taasi ku saabsan. Waxaa warqadaasi ku qoran go'aanka kama dambeysta ah ee ING.

Ku wareejinta waddan kale ee Yurub

Waa in sida ugu dhaqsaha badan ugu dambeyn 6 bilood gudahooda lagugu wareejiyaa wadanka Yurub ee mas'uulka ka ah codsigaaga magangelyo. Waxaad xaq u leedahay hoy Nederlaan ah ilaa lagaa wareejinaayo. Waxaa jira 3 siyaalood oo laguugu wareejin karo wadanka kale ee Yurub:

  1. Adiga ayaa iskaaga ugu noqon kara wadanka kale. Haddii aad si isku filnaansho aad u noqoneyso waa inaad la xariirtaa

    .

  2. Waxaa ku celinaaya shaqaale dowladda Nederlaan ka socda.

  3. Shaqaale ka socd waddanka kale ee Yurub ayaa ku celinaaya.

La soco:Ka dib marka wadanka kale uu ogolaado codsiga IND iney ku soo celiyaan, waxaa Nederlaan ay heysataa 6 bilood ay taasi ku sameeyaan. Taasi wey ka badnaan kartaa haddii aad racfaan (maxkamada sare) ka qaadato.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful