Raadinta shaqada adigoo heysta dokumenti-W oo sannad ah
Qodobkaan sii wadaaji
Waxaad weli sugeysaa sharci deganaansho oo magangelyodoonka, laakiin waxaad aad u rabtaa inaad Nederlaan ka shaqeyso? Boggan ayaa warbixin dheeraad ka heleysaa sida shaqada loo helo.
Haddii aadan (weli) sharci deganaansho magangelyo heysanin waad shaqeyn kartaa adigoo sharuudaha qaarkood dhowraaya
Ma heysataa
dokumentiga- W
Raadinta shaqo luqadaada ah xagga Refugee Work
Haddii aad rabto inaad shaqeyso, waxaad ka codsan kartaa websaaytka RefugeeWork. Waxaad goobtaasi, ka raadin kartaa shaqo luqadaada. Xaqiiqdii, waxaa RefugeeWork ka heleysaa shaqooyin la raadinaayo oo lagu tarjumay 11 luqadood. Qaabkaasi, waxaad ku aqrineysaa shaqooyinka jira luqadaada markaa waxaad shaqo siiyayaasha u sheegeysaa inaad rabto inaad u shaqeyso.
Haddii aad rabto inaad shaqeyso, waa shaqeyn kartaaka dalbo RefugeeWerk websaaytkooda. Waa inaad ku buuxisaa qofka aad tahay. Waxaad kaloo upload-ku sameyn kartaa CV gaaga xagga RefugeeWork. CV ga waa bogga uu ku jiro warbixintaada shaqsiga, waxbarashada iyo qibrada shaqada. Waxaa lagugu xirayaa shaqada adiga kugu habboon.
RefugeeWork waxey bilaabeen
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
Ma raadineysaa shaqo
Waxaad shaqo ka raadin kartaa interneetka xagga Linkedln ama websaaytyada shaqooyinka sida undefinedIndeedundefined ama undefinedNationale Vacaturebankundefined. Mar mar waxaad soo booqan kartaa shirkad aad rabto inaad u shaqeyso. Waxaad markaasi weydiin kartaa shirkada iney shaqaale raadinaayaan. Tani badiyaa waxay suura gal ka tahay dukaamada iyo maqaayadaha.
Helitaanka shaqo muddo ah oo xafiisyada shaqada
Haddii aad raadineyso shaqo muddo ah oo aad rabto inaad dhaqso shaqo u biloowdo, waxaa fikrad fiican ah inaad iska qorto xafiiska shaqada muddada raadiyo. Xafiiska shaqada mudada waa urur isku keenta shaqo bixiye iyo shaqaalaha. Haddii aad shaqo raadineyso, waxaad iska qori kartaa xafiiska shaqada muddada shaqo raadiye ahaan.
Waxaad kala hadleysaa shaqaalaha xafiiska shaqada mudada, waxaad u sheegeysaa nooca shaqada aad raadineyso, qibrada shaqada aad leedahay iyo waxbarashada aad soo qaadatay. Shaqaalaha wuxuu isku deyayaa inuu kuu helo shaqo kugu habboon. Shaqada aad ka heleyso xafiiska shaqada muddada ah badiyaa waa mid muddo ah.
Caawino xagga helitaanka shaqada
Degmada aad degan tahay iyo
'Uitvoeringsinstituut Werknemersverzekeringen' Xafiiska Fulinta Ceymiska shaqaalaha(UWV)
Sidoo kale VluchtelingenWerk Nederland (VWN) wey kaa caawin karaan arrintan. Tabaruca shaqada ee VWN wuu ku caawini karaa inaad shaqo kugu habboon hesho, tababar, shaqo barad ama shaqo tabaruc ah.