Dad koox ah oo ku labisan dhar midabka basaliga ayaa ku shraacday kanaalka Amsterdam. Hareeraha waa la buuxaa oo dadka wey faraxsan yihiin.
Laga soo xigtay: Flickr / Kitty Terwolbeck
Qodob

Dhaqdhaqaaqyada loo abaabulo bulshada lhbtqia+- inta lagu jiro Pride

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 6/6/2025, 8:45 GH

Waxaa Nederlaan ka jira dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo u gaar ah dadka Lhbtqia+. Boggani ayaa ka aqrineysaa waxyaalaha Gay Pride ku saabsan, Roze zaterdag iyo dhaqdhaqaaqyada kale. Waxaad kaloo ka heleysaa ururada isku mashquuliya abaabulka dhaqdhaqaaqyada dadka lhbtqi+- ee asalkooda qaxootiga ah.

Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan)

Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan) waa sabti dhamaadka juun ah. Waa munaasabad iyo banaanbax kaasoo loo weydiinaayo in fiiro loo lahaado xaquuqda naagaha is jeclaada, khaniisyada, dadka labada jinsi jeclaada iyo dadka aad ogayn jinsiga ay yihiin. Xagaa walba ayaa meel walba oo Nederlaan ah laga abaabulaa xafladaha- Pride.

Roze Zaterdag (Sabtida gaduudan) wuxuu ku abaabulmay rabshadii- "Stonewall" ee 1969 ee New York. Dagaaladaasi waxey u taagan yihiin waqti muhiim ah oo taariikhda dhaqdhaqaaqa khaniisyada. Markaasi boliiska ayaa baarka khaniisyada si xoog ah ku soo galay 'Stonewall Inn'. Dhalinyarta degaanka iyo kuwa dragqueens oo bilaabay iney dib u dagaalamaan maadaama sannado badan oo cadaadis ah iyo awood oo loo sheegto oo boliiska ah wey ku daaleen.

Waxaa Roze Zaterdag (Sabtida pinkiga) 2025 lagu qabanayaa Zaanstad 28 juunyo

'Pride Amsterdam'

'Pride Amsterdam' waa xaflad agoosto la qabto oo 2 wiig socda halkaasoo xaquuqda dadka lhbtqia+- ay xudun u tahay. Halkaasoo fiiro gaar ah loo weydiinaayo dadka dhalinyarta ee dhibane noqon kara ee bulshada lhbtqia+-. Tusaale ahaan nacaybka ku xeeran arrimaha aids-ka iyo xaquuqda ay leeyihiin

dadka jinsiyada kala duwan jeclaada
. waxa 2025 la qabanaa Amsterdamse Prideweek 26 julay ilaa iyo 3 agoosto.

Dhamaadka 2 wiig 'Pride Amsterdam' waxa jira xaflad sanadeed 'Canal Parade' ee Amsterdam lagu qabto. 'Canal Parade' waa 1 ka mid aha xafladaha ugu dadka badan ee Nederlaan maalmahaasi ee Amsterdam. ' Kumanaan qof ayaa wada imaanaaaya meelaha biyaha agtooda iyagoo u dabaaldagaaya kala duwanaanshaha iyo ka qeyb qaadashada. Dad badan ayaa dooman midabo kala duwan biyaha ku dhex maraaya.Waxa 2025 la qabanayaa Amstardamse Parade sabtida 2 agoosto.

Dhaqdhaqaaqyo kale

Magaaloyinka Nederlaan qaarkood waxaa xafladahan-Pride la qabtaa xagaagan. Kuwani waa xafladaha ugu waaweyn ee xagaaga 2025 magaalo kasta:

Utrecht

Sabtida 7 juunyo: Biyaha Utrecht waxaa maraaya dooman inta lagu jiro 'Utrecht Pride'. magaalada waxaa ka jira xaflado muusiga ah.

Eindhoven

Waxaa 14 ilaa 22 juunyo la qabanaa wiiga Pride Week ee Eindhoven.Waxaa jiri doona dhoolo tus 14 juunyo Pride Vibes Festival.

Groningen

Waxaa 20 ilaa iyo sabtida 21 juunyo la qabanayaa Pride ee Groningen.waxaa jira dhoolo tus magaalada dhex maraaya, suuq warbixinta iyo xaflado ayaa jira.

Waxaa kaloo jira filimo iyo barnaamijyo caruurta.

Nijmegen

Waxaa xaflada Nijmeegse Pride a qabanayaa arbacada 16 julay 2025: Roze Woensdag.

waa xaflada dadka oo dhan ah, inta lagu jiro xafladaha afarta beri (Vierdaagsefeesten).

Arbacada sedexaad kasta ee julay waxey Nijmegen leeyihiin 'Roze Woensdag'.

Zwolle

sabtida 24 agoosto waxaa la qabanayaa bandhiga Zwolse Pride Parade.

Maalintaasi waad aadi kartaa xaflada Zwolle Pride Festival.

Rotterdam

Waxaa 19 ilaa iyo 28 sebtembar 2025 la qabanayaa Rotterdam Pride Week iyadoo la sameyn doono munaasabado kala duwan.

Sabtida, Sebtembar 27 la qabanayaa, Rotterdam Pride Festival

waxa ay ka dhici doontaa Willemsplein, taasoo ah munaasabadda xiritaanka ee Toddobaadka Pride-week.

Ururada u muhiimsan munaasabadaha lhbtqia+-

Waxaa kaloo jira dhowr ururo gaar ah ee bulshada lhbtqia+- oo munaasabado abaabula.

COCktail

COCktail waa mushruuc saaxiibtinimo oo lhbtqi+- qaxootiga ah iyo dadka cusub ku xireysa dad Nederlaanka lhbtqi+- ah.

Respect2love

Respect2Love waxey abaabulaan munaasabado bulshadeed iyo dhiirogelin -aqoon isweydaarsiyo oo aad dad kale oo mujtamaca lhbtqi+ aad kula kulmi karto.

Transgender Infopunt Nederland

Waxaad Transgender Infopunt Nederland kala xariiri kartaa wixii su'aalo ee jinsiga ah, warbixinta ama si aad u hesho dhageysi. Barta warbixinta waxaa la helaa isniin ilaa iyo khamiis laga bilaabo 14:00 ilaa 17:00 taleefoonka laga helo waa:085 13 03 84 6


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful