Dadka jooga burburka dhulgariirka Turkiga
Laga soo xigtay: Voice of America
Warar cusub
Waxa aad u baahan tahay haddii dhulgariirka dartiisa aad rabto inaad aado Turkiga ama Suuriya
La shaaciyey: 2/17/2023, 3:07 GD

Haddii ay reerkaaga joogaan aaga dhulgariirka ee Turkiya iyo Suuriya oo ma rabtaa inaad aado meesha? Taasi waxey caaqibo xumo u yeelan kartaa codsigaaga magangelyada ama deganaanshahaaga ee Nederlaan. Hoos ka aqri waxa aad u baahan tahay inaad tixgeliso.

Makaa maqan yihiin dadkaaga jooga Tukiga iyo Suuriya

  • Haddii aad raadineyso familkaaga ee jooga Turkiga, waxaad la xariir kartaa

    Masiibada iyo Maamulka Arrimaha degdega ee Dowlada Turkiga (AFAD)
    taleefoonka

  • Waxaa Laanqeyrta Cas kaa caawini karaan raadinta dadka la raadinaayo ee Turkiya iyo Suuriya. Fadlan la soco: in meelaha qaarkood aan si fiican loo geli karin iyo caawinaada gargaar deg dega weli waa bilow. Sidaa awgeed, waxaa suura gal ah in Laanqeyrta Cas aysan isla markii ku caawin karin.

Faahfaahinta la xariirka AFAD ee meelaha dhibaatada gaartay ee Turkiga
Laanqeyrta Cas
Fiiri websaaytka Laanqeyrta Cas si aad weydiisato caawino in laguu raadiyo dadkaaga kaa maqan.

Waxaan ahay qaxooti Turki ah oo waxaan rabaa inaan aado Turkiga

Ku noqoshada Turkiya waxey raad xun ku yeelan kartaa dacwadaada magangelyodoonka ee joogistaada Nederlaan. Waxey sabab u noqon kartaaa

Iin (IND)
ay diidaan codsigaaga magangelyodoonka ama kala noqoshada sharciga deganaanshahaaga. Sababta waa inaad ku noqoneyso wadan aad qatar ku sugan tahay.

Hoos waxaad ka heleysaa warbixin dheeraad oo xaaladaada shaqsiga ah:

Waxaan codsaday magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu laabto Turkiga
Waxaan leeyahay deganaansho magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu noqdo Turkiga

Waxaan ahay qaxooti Suuriyaan ah oo waxaan rabaa inaan aado Suuriya

Ku noqoshada Suuriya waxey cawaaqib xumo ku yeelan kartaa dacwadaada magangelyodoonka ama joogistaada Nederlaan. Waxey sabab u noqon kartaa in

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND)
iney soo diidaan codsigaaga magangelyodoonka ama kala noqoshada sharciga. Sababta waa inaad ku noqoneyso wadan aad qatar ku sugan tahay.

Hoos waxaad ka heleysaa warbixin dheeraad oo xaaladaada shaqsiga ah:

Waxaan codsaday magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu noqdo Suuriya
Waxaan leeyahay deganaansho magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu noqdo Suuriya

Waxaan ahay qaxooti Suuriyaan ah oo waxaan rabaa inaan aado Turkiga

Markaad tahay qaxooti Suuriyaan ah, haddii aad buuxiso sharuudaha waxaad aadi kartaa Turkiga. Sababta aad u aadi karin Suuriya, laakiin aad u aadi karto Turkiga, waa waxaad magangelyo ka weydiisatay Nederlaan maadaama aad qatar ku jirto Suuriya.

Ka aqri hoos sharuudaha aad u baahan tahay inaad buuxiso xaaladaada:

Waxaan codsaday magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu laabto Turkiga
Waxaan leeyahay deganaansho magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu noqdo Turkiga

Websaaytyo muhiim ah

Hoos waxaa ku qoran websaaytyo muhiim ah si aad ula socota xaalada aagga dhulgariirka iyo aad u codsaneyso fiisaha soo laabashada:

Fiisada dib u noqoshada ee IND
Ka dalbo fiiso soo noqosho leh websaaytka IND si aad ugu soo noqon karto Nederlaan.
Refugee Rights Turkey
Turkiga Refugee Rights Turkey ka aqri aqbaarta ugu dambeeya ku saabsan qaxootiga jooga Turkiga.
UNHCR Turkiga
Waxaa UNHCR websaaytka Turkiga waxey hayaan warbixin ku saabsan gobolka dhulgariirka. Gobol walba, waxaa ka jira warbixin meelaha amaanka ah, cisbitaalada iyo xarumaha cuntada laga bixiyo.
Maxey kula tahay qodobkan?