Waxa aad u baahan tahay haddii dhulgariirka dartiisa aad rabto inaad aado Turkiga ama Suuriya
La shaaciyey: 2/17/2023, 08:00
La wadaag baraha bulshada:
Haddii ay reerkaaga joogaan aaga dhulgariirka ee Turkiya iyo Suuriya oo ma rabtaa inaad aado meesha? Taasi waxey caaqibo xumo u yeelan kartaa codsigaaga magangelyada ama deganaanshahaaga ee Nederlaan. Hoos ka aqri waxa aad u baahan tahay inaad tixgeliso.
Haddii aad raadineyso familkaaga ee jooga Turkiga, waxaad la xariir kartaa taleefoonka
Waxaa Laanqeyrta Cas kaa caawini karaan raadinta dadka la raadinaayo ee Turkiya iyo Suuriya. Fadlan la soco: in meelaha qaarkood aan si fiican loo geli karin iyo caawinaada gargaar deg dega weli waa bilow. Sidaa awgeed, waxaa suura gal ah in Laanqeyrta Cas aysan isla markii ku caawin karin.
Haddii aad rabto inaad la xariirto AFAD oo warbixin dheeraad ku saabsan Turkiga, hoos waxaa ku qoran liis taleefano nambarada ah:
AFAD Adana: 0090 (0) 322 227 2854
AFAD Adiyaman: 0090 (0) 416 216 1231
AFAD Antep: 0090 (0) 342 428 1118
AFAD Diyarbakir: 0090 (0) 412 326 1156
AFAD Hatay: 0090 (0) 326 112 0000
AFAD Malatya: 0090 (0) 422 212 8432
AFAD Maras: 0090 (0) 344 221 4991
AFAD Mardin: 0090 (0) 582 212 3740
AFAD Urfa: 0090 (0) 414 313 7290
Laanqeyrta Cas
Fiiri websaaytka Laanqeyrta Cas si aad weydiisato caawino in laguu raadiyo dadkaaga kaa maqan.
Ku noqoshada Turkiya waxey raad xun ku yeelan kartaa dacwadaada magangelyodoonka ee joogistaada Nederlaan. Waxey sabab u noqon kartaaa ay diidaan codsigaaga magangelyodoonka ama kala noqoshada sharciga deganaanshahaaga. Sababta waa inaad ku noqoneyso wadan aad qatar ku sugan tahay.
Hoos waxaad ka heleysaa warbixin dheeraad oo xaaladaada shaqsiga ah:
Waxaad codsatay magangelyo iyo waxaad rabtaa inaad ku noqoto Turkiga si ku meel gaar ah
Codsigaaga magangelyada waa la joojin karaa haddii aadan ka soo qeyb galin wareysiga IND. Ama haddii aad ka tagto Nederlaan adigoo aan la socodsiinin IND.
IND ma bixiso ee Nederlaan. Sidaa awgeed, haddii aad iskaaga ugu safarto Turkiga, markaa ma jiro damaanad qaad inaad ku soo noqon karto Nederlaan.
IND waa kaala noqon kartaa sharciga deganaanshaha haddii aad u safarto Turkiga. Tani waxaa sabab u ah inaad ku noqotay wadan aad qatar ku sugan tahay.
IND ma bixiso ee Nederlaan. Sidaa awgeed, haddii aad iskaaga ugu safarto Turkiga, markaa ma jiro damaanad qaad inaad ku soo noqon karto Nederlaan.
Ku noqoshada Suuriya waxey cawaaqib xumo ku yeelan kartaa dacwadaada magangelyodoonka ama joogistaada Nederlaan. Waxey sabab u noqon kartaa ininey soo diidaan codsigaaga magangelyodoonka ama kala noqoshada sharciga. Sababta waa inaad ku noqoneyso wadan aad qatar ku sugan tahay.
Hoos waxaad ka heleysaa warbixin dheeraad oo xaaladaada shaqsiga ah:
Codsigaaga magangelyada waa la joojin karaa haddii aadan ka soo qeyb galin wareysiga IND. Ama haddii aad ka tagto Nederlaan adigoo aan la socodsiinin IND.
IND ma bixiso ee Nederlaan. Sidaa awgeed, haddii aad iskaaga ugu safarto Suuriya, markaa ma jiro damaanad qaad inaad ku soo noqon karto Nederlaan.
IND waa kaala noqon kartaa sharciga deganaanshaha haddii aad u safarto Suuriya. Tani waxaa sabab u ah inaad ku noqotay wadan aad qatar ku sugan tahay.
IND ma bixiso ee Nederlaan. Sidaa awgeed, haddii aad iskaaga ugu safarto Suuriya, markaa ma jiro damaanad qaad inaad ku soo noqon karto Nederlaan.
Haddii aadan heysanin baasaboor Suuriyaan ah, ilaa sidaan annaga ognahay, dowlada Nederlaanka kuma siin karaan dokumenti safarka oo Suuriyaanka magangelyodoonka ah ee aan heysanin baasaboor Suuriyaan ah. Hadey xaalada sidaa tahay, waxey u badan tahay inaadan ka heleynin fiiso turkiga ah qunsulka Turkiga. Baasaboor sax ah waa mid ka mid ah sharuudaha fiisada Turkiga lagu helo.
Haddii aadan weli heysanin sharci deganaansho oo magangelyo oo Nederlaan ah, kama heleysid fiiso aad ku aado Turkiga safaarada Turkiga. Sharci sax ah oo Nederlaan ah waa mid ka mid ah sharuudaha si loo helo fiiso Turkiga ah.
Haddii aad Turkiga si sharci daro uga soo baxday oo aad heysato mamnuucida gelitaanka, waxey u badan tahay inaadan ka heleynin fiisada qunsulka Turkiga.
Haddii aad weli dalbaneyso fiiso Turkiga ah adigoo aan ka soo baxeynin sharuudaha dalabkaaga waxey u badan tahay iney soo diidayaan. Fiisada dalabkeeda waa ugu yaraan 200 yuro ah. Haddii dalabkaaga fiisada la soo diido lacagta laguuma soo celinaayo.
Sharuudaha fiisada ee Turkiga
Waxaad dhamaan sharuudaha codsiyada fiisada ee Turkiga ka aqrin kartaa websaaytkan.