
Laga soo xigtay: Ron Maijen - WikiMedia
Lacagta casharka ee waxbarashada-mbo waxaa suura gal ah inaadan bixineynin
Qodobkaan sii wadaaji
Ma dhiganeysaa waxbarashada-mbo? Markaa looma baahna inaad lacagta casharka bixiso haddii aad hoos imaado Nidaamka Badbaadinta Mudada ah. Ama haddii aad magangelyo weydiisatay, laakiin adan heysanin sharci deganaansho magangelyo ah. Waxaad iskaaga codsi u gudbin kartaa Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO). Taasi samey ka hor 31 julay 2023.
Sharuudahan waa inaad ka soo baxdaa
Si aad xaq ugu yeelato nidaamkan waa inaad afarta sharuudo ee socda aad ka soo baxdaa:
Xaq uma lihid dhaqaale waxbarasho ama gunno kale oo kharashaadka waxbarasho maadaama aadan heysanin dhalashada Nederlaanka
Lacagta casharka ma bixin kartid iyo ma jiro urur kale oo kaa bixinaayo.
Waxaad tahay 1 agoosto, bilowga sannad dugsiyeedka, 18 jir ama ka badan laakiin waad ka yar tahay 31 jir.
Xaaladaha soo socda midkooda ayaa ku quseeya:
Waxaad heysataa dokumetiga-W ama dokumentiga-W2. Taasi waxaad ka arki kartaa xarafka W ama W2 ee aqoonsigaaga oo sawirka ku ag yaala.
Waxaad heysataa nooca dokumetiga-I ee daryeelka caafimaadkaaga ama qof qoyskaaga ah.
Waxaad tahay qof ka dhamaaday dacwadaha oo waxaad ku jirtaa mashruuca dib u noqoshada.
Waxaad tahay qof ka dhamaaday dacwadaha oo waxaa COA ay u arkaan inaadan noqon karin, tusaale ahaan xag jiroo awgeed.
Waxaad tahay qof ka dhamaaday dacwadaha oo waxaad degan tahay xarunta dib u noqoshada qoyska.
Waxaad hoos imaaneysaa Nidaamka Badbaadinta Mudada.
La soco: hadii aad hore bixisay lacagta casharka, laguuma soo celinaayo.
Si aad u isticmaasho nidaamkan, waa inaad foom buuxisaa oo ka hor 31 julay 2023 DUO u dirtaa.
Bixinta lacagta casharka ka dib dhalashadaada 30aad
Ma gaartay da'da 30 jir? Markaa xitaa waxaa suura gal ah inaadan weli lagaa rabin inaad bixiso lacagta casharka. Haddii aad ka soo baxeyso sharuudaha 1,2 iyo 4, markaa weli waad ka codsan kartaa DUO inaadan bixin lacagta waxbarashada.. Waa muhiim inaad codsato ka hor dhalashadaada 30 jirka. Sidoo kale waa inaad si xariira aad uga qornaataa barnaamijka waxbarashadaada. Lama oggola inaad muddo joojisay oo aad haddana dib u bilowday barnaamijka waxbarashadaada.
Ka dib dhalashadaada 30 jirka waa iaad sannad walba codsataa ah inaadan lacagta casharka bixin. Markaa waa inaad sannad walba dib u cadeysaa inaad weli aad ka soo baxeyso sharuudaha ah inaad bixineynin.