Warar cusub
Nidaamka cusub ee Yurub ee magangelyada si rasmi ah ayaa loo ansaxiyey
La shaaciyey: 5/15/2024, 12:00 GH
La wadaag baraha bulshada:
Midowga Yurub (EU) ayaa sameeyay qorshe lagu hubinayo in dad yar ay Yurub yimaadaan si ay magangalyo u helaan. Qorshahan waxaa hadda si rasmi ah u ansixiyay Golaha Yurub.
Waxan ayuu ka kooban yahay qorshaha cusub
Waxaku codeeyeen in 14 maajo 2024 nidaamka cusub kaasoo hubi doona in dad yar ay magangelyo ka codsan doonaan Yurub. Ilaa hadda ma cadda sida saxda ah ee xeerarkan loo dhaqan gelin doono. Laakiin waxaad akhrin kartaa qorshayaasha ugu muhiimsan ee hoos ku qoran:
Waxaa Yurubta Midowday rabaan iney dhaqso uga go'aamiyaan dadka Yurubta Midowday u soo qaxaaya. Taasi waxaa loo yaqaan baarista 1aad, iyo taasi waxey soconeysaa 7 beri.
Mudada baaritaankan faro iyo sawiro ayaa lagaa qaadaayaa oo lagu keydinaayaa keydka interneetka. Sidaa ayey rabaan Yurubta Midowday iney ku fududeeyaan iyo ay uga hortagaan in dadka ay wadamo kala duwan oo Yurubta Midowday ah magangelyo ka weydiistaan.
Qab dacwadeed kale oo dadka ka imaad wadamada amaanka ah
Dadka ka imaada wadamada amaanka waxey Yurubta Midowday EU rabaan dacwad magangelyo deg deg ah. Dacwadan ugu badnaan soconeysaa 9 bilood. Sidaan dadka dhaqso loogu celin karaa wadanka ay ka soo jeedaan haddii wadankiisa sida Yurubta midowday u arkaan wadan amaan ah. Waxaa EU ay ku hawlan yihiin sidii ay si wadjir ah liis u sameeyaan oo wadamada amaanka ah.
Mudada dacwadan waxaa dadka ay muddo lagu heynaayo meel xabsi oo kale ah oo ah banaanka xaduudka Yurubta.
Haddii ay cadaato in qaxootiga ay wadamo amaan ah oo aan magangelyo xaq u lahayn, waxaa loo celin karaa wadanka ay ka soo jeedaan.
Hadda waa in wadamada dadka ay imaanayaan, ayaa dhamaan qaxootiga daryeelayaa. Talyaaniga iyo Giriiga ayaa qaxootiga badankooda qabsada. Laakiin haddii ballantan la ogolaado, waa in dhamaan wadamada ay qaxootiga wada qaabilaan. Ama wadamada qaxooti yar qaabila, waxey bixinayaan lacag wadamada qaxootiga badan qaabila.
Wadanka Yurub ee qaxootiga imaadaan, waa in weli la baaraa haddii qofka magangelyo ka weydiisan karo Yurub.
Nidaamka waa la adkeynayaa. Qaxootiga wey ku sii adkaaneysaa iney wadan kale oo Yurub ah aadaan haddii ah hore uga diiwaan gashan yihiin wadan Yurub ay koow imaadeen
Waxaa EU rabaan in qaxootiga si fiican loogu kala qeybiyaa wadamada kala duwan.
Waxey qaadatay 8 sanadood ilaa EU ay isku raaceen.
Waxay qaadatay 8 sano ka hor inta ay dhammaan wadamada xubnaha ka ah EU qorshaha ogolaadeen. Xilligaas waxaa jiray dood badan oo dhexmartay Dowladaha xubnaha ka ah. Wadamada qaar, sida kuwa ku yaala xuduudaha dibadda ee Yurub, waxay dareemeen in la dayacay. Way xanaaqeen sababtoo ah wadamada kale ma aysan rabin inay qaabilaan qaxootiga. Waddamo kale oo ay Nederlaan ka mid tahay ayaa ka carooday in dalalka xuduudka ku yaalla ay u ogolaadeen qaxootiga inay maraan wadamadooda dhex maraan.
Nidaamka cusub wuxuu ugu horeyn hirgeli doonaa 2026
Nidaamka cusub weli toos uma hergelin. Wadamada Yurub waxey heystaan waqti 2 sano ah si ay nidaamka ugu fuiyaan wadankooda. Dhamaan wadamada EU waa iney dhowraan nidaamka cusub. Haddii wadamade EU u suura gasho iney 2 sano nidaamka wadanka ka hergeliyaan, waxaa nidaamka uu hirgelayaa laga bilaabo dhexbarka 2026.
Waa in EU ballamada la sameeyaan wadamada kale
Waxaa kaloo EU rabaa inuu heshiisyo la galo wadamada ay ka yimaadeen dadka doonaya inay magangalyo ka codsadaan gudaha EU. Wuxuu EU rabaa inuu awood u yeesho inuu dadka aan magangelyada la siinin uu dib ugu celiyo dalkooda. Haddii taasi shaqayn waydo, hoyga ayaa si degdeg ah u buuxsami doona.
Midowga Yurub waxa kale oo uu doonayaa in uu heshiisyo la galo dalalka ku yaalla xuduudaha dibadda ee Yurub. Hadda dadku waxay marka hore yimaadaan Yurub oo waxay magangelyo ka codsadaan gudaha Yurub. Waxaa horey heshiisyo lala galay Albania, Tunisia iyo Masar iyo Lubnaan.
Dowlada Nederlaanka way ogoshahay nidaamkana laakiin ururada xaquuq bani'aadamka ma oggola
Aqlabiyad yar oo ka mid ah Aqalka Wakiilada ee Nederland ayaa taageersan xeerarkan cusub. Laakin ururo badan oo xuquuqul insaanka ayaan ogolayn. Nederlaan, Oxfam Novib, Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn, Ururka Nederland ee Qaxootiga, Pax iyo Ururka qaxootiga, iyo kuwo kale, ayaa ku dhawaaqay inay ka soo horjeedaan sharciyadan
Waxay waydiisteen Nederlaan inay u codeeyaan oo ay ka soo horjeestaan, iyo waxyaabo kale, in tani ay ka dhigi doonto waddooyinka loo maro Yurub xitaa kuwii ka sii khatar badan.
Maxey kula tahay qodobkan?