Guriyeynta
Waxaad u guureysaa degmo isla markii aad hesho fasax deganaansho. Degmada waxey bixisaa guriyeynta iyo waxey fiiro u leeyihiin xaaladaada shaqsiga.
Muuqaalada sare
.

Sidaan ayaa guri u heleysaa
Haddii aad sharci hesho, waxaa Xarunta Dejinta Magangelyodoonka (COA) kugu xireysaa degmo. Waxaa COA isku deyeysaa iney kugu xirto degmo aad degaankeeda ka shaqeyn karto. Ka dib marka lagugu xiro degmada, waxaa degmada kuu raadineysaa guri kugu habboon. Badiyaa waa guri shicibka oo ijaar ah ay leedahay shirkada guryaha. Kuwani waa guryo ijaarkooda la bixin karo oo loogu talo galay dadka daqligooda yar yahay.

Waxaan ayaad u baahan tahay inaad abaabusho markaad guri hesho
Marka aad guri hesho waxaa jiro waxyaalo badan oo aad u baahan ahay inaad sameyso. Tusaale ahaan, waa inaad sameysataa heshiis tamarta ama korontada iyo gaaska iyo inaad cinwaankaaga cusub gudbisaa. waxaad bogan ka heleysaa liis dhamaan waxa aad u baahan tahay inaad sameyso.

Guri dhigashada
Waxaad boggan ka heleysaa talooyin ah guri dhigashada.
Wax ma tabeysaa?
Nala soo socodsii haddii wax tabeyso ama aadan heli karin. Fikradaada wey caawineysaa RefugeeHelp boggan si loo hormariyo. La soco: foomkan waxaa loogu talo galay fikradaha websaaytka. Looguma talo gelin su'aalaha shaqsiga iyo codsiyada. Wax jawaab ah kama heli doontid fikrada aad noo soo jeediso.