Deganaanta
Waxaad u guureysaa degmo isla markii aad hesho fasax deganaansho. Degmada waxey bixisaa guriyeynta iyo waxey fiiro u leeyihiin xaaladaada shaqsiga.
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (1)
Sidaan ayaa guri u heleysaa
Warbixin

Sidee ayaad kharashyada kuleylintaada hoos ugu dhigtaa?
Jiilaalku waa yimid, waana qabow dibadda. Waxaad rabtaa in gurigaagu diirimaad ahaado, laakiin kuleylintu waa qaali. Maqaalkani wuxuu bixiyaa talooyin fudud oo lagu ilaalinayo kharashyada kuleylintaada (tamarta) oo hooseeya. Sidan, ayaad lacag u dhaaaleyn kartaa oo wali gurigaaga ka dhigi kartaa mid wanaagsan oo diirran.

Tani waa waxa aad u baahan tahay inaad diyaariso haddii aad kireysato ama aad iibsato gurigaaga
Haddii aad guri ka kireysato Nederland, waxaad u baahan tahay inaad diyaariso dhowr waxyaalood. Hoos waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan kaalmada nolosha, caymiska, diiwaangelinta cinwaankaaga degmada, iyo kaalmada guryaha.

Maxaad samaynaysaa haddii ay wax ka jabaan guryaha ijaarka?
Mararka qaarkood waxbaa guriga ka jabo, sida tuubada dariishada ama kuleyliyaha. Dayactirka qaarkood waa inaad adiga sameysaa, qaar kalena ururka guryaha ayaa sameynaaya. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa cida sameyneysa dayactirka iyo wixii aad sameyn karto marka uu wax ka jabo guriga ijraaka ah.

Sidee guri ijaar u heli kartaa Nederlaan?
Haddii aad haysato sharci deggenaansho muddo ah, waad kiraysan kartaa guri ku yaal Nederland. Laakiin waxaa muhiim ah inaad taqaan xeerarka. Maqaalkaan wuxuu kaa caawinayaa dhammaan macluumaadka aad u baahan tahay, laga bilaabo noocyada guryaha ilaa dukumentiyada aad u baahan tahay.

Gadashada guri marka aad heysato sharci deganaansho muddo ah
Nedeerlaan qof walba guri waa iibsan karaa. Xitaa hadaad muwaadin Nederlaan ahayn ama sharci rasmi aadan lahayn.

Ku noolaanshaha Nederlaan marka aad da'da 18 jir ka yar tahay oo aad qoyskaaga la'aantooda nooshahay
Haddii aad ka yar tahay 18 jir, aad keligaa Nederlaan timid iyo sharci deganaansho leedahay, markaa waxaad hoos imaaneysaa nidaamka- AMV, keligaa ma degi kartid. NIDOS ayaa kaa caawineysa inaad guri hesho. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa caawinaadee ayaad heleysaa iyo meesha aad degi karto.

Sidan ayaad ugu nooshahay xerada inta aad guri ka sugayso degmada
Ma heysataa sharci deganaan magangelyodoon iyo xerada Xarunta dhexe een Dejinta magangelyodoonk (COA) ku sugeysaa guri? boggan ayaa warbixinada muhimka ah ka heleysaa ee xaaladaada.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waajibaadka isxaadirinta ee hoyga ilaa inta aanad weli haysan gurigaaga
Ma haysataa ogolaanshaha joogitaanka magangalyada oo wali ma ku nooshahay meel lagu qaabilo Xarunta Dhexe ee qaabilaadda magangalyada (COA)? Markaa waxaa waajib kugu ah inaad halkaas iska xaadiriso, sida inta lagu jiro nidaamkaaga magangelyo. Miyaanad tan samayn? Markaa waxaad waayi kartaa hoygaaga iyo lacagta toddobaadlaha. Tan ka dibna dib uma heli doontid.

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato markaad degmo kale guri ka rabto
Ma haysataa sharci degenaansho magangelyo oo ma rabtid degmada laguu qoondeeyey inaad degto? Markaa waxay ku xiran tahay xaaladaada inay tani suurtogal tahay iyo in kale. Tani inta badan suurtagal maaha, laakiin xaaladaha qaarkood weli waa ka bedelan kartaa degmada.

Sidan ayuu u shaqeeyaa la joogista qoyska martida loo yahay inta ay kuu socoto dacwada magangalyada
Ma haysataa sharci degenaansho magangalyo, laakiin weli guri laguu ma hayo? Markaa waxaad si ku meel gaar ah ula joogi kartaa qoyska martida loo yahay. Sidan uma baahnid inaad had iyo jeer sii xerada. Maqaalkan waxaad ka akhrisan kartaa sida tani u shaqeyso.
Na sii talo
Ma u haysaa talo aad siineyso RefugeeHelp? Talooyinkaagu waxay naga caawinayaan inaan horumarinno bogga internetka. Noo sheeg macluumaadka aad tabeyso ama naga caawiya inaan ka fikirno sifooyinka cusub. Foomkan looguma talagalin su'aalo shaqsiyeed. Si aad u hesho codsi shaqsiyeed oo ku saabsan caawimaad, waxaad ballan ka samaysan kartaa saacadda la-tashiga dijitaalka ah ee VluchtelingenWerk Nederland.