Qof ayaa qaadaaya baakadaha guuritaanka.
Laga soo xigtay: Shvets Production

Guuritaanka ka dib marka reerka la keeno

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 1/29/2024, 1:32 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma imaanayaan xubnaha reerkaaga Nederlaan iyo ma heysataa guri yar oo aadanwada degi karin? Markaa degmada ayaa kuu heleysa guri kale. Qodobkan ka aqri qaabka uu u shaqeeyo.

Degmada ayaa kuu dabireysa guri kugu habboon

Badiyaa waxaa marka hore degmada ku siineysaa guri adiga keligaaga kugu haboon. Ka dib marka reerkaaga keenistooda loo ogolaado, waxaa degmada kuu raadineysaa guri cusub oo ku filan reerkaaga oo dhan. Maadaama uu guryo la'aan jiro muddo dheer ayey qaadan kartaa ilaa degmada guri kugu habboon kuu heleyso adiga iyo reerkaaga.

Mar mar ayaa degmada isla markii kuu heleysaa guri weyn oo reerka oo dhan ku filan. Xitaa iyadoo aan reerka weli Nederlaan imaanin. Markaa reerka isla markii wey kula soo degi karaan.

Xubnaha reerkaaga COA meel ay degaan xerada ayey siineysaa ilaa inta ay guri heysanin

Haddii guriga uu ku yar yahay reerkaaga, waxaa xubnaha reerkaaga marka hore ay degayaan xerada

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta Dhexe ee Dejinta Magangelyodoonka (COA)
. Waxey meesha degayaan ilaa degmada guri ku habboon ka heleyso.

Adiga iyo reerkaaga waxaad u guureysaan guriga cusub

Ma heshay degmada guri idinku filan adiga iyo xubnaha reerkaaga? Markaa waa inaad dhowr waxyaalood sameysaa. Tusaale ahaan:

  • Wa inaad saxiixaaga ku saxiixdaa heshiiska ijaarka.

  • Xubnaha reerkaaga waa iney iska qoraan degmada.

  • Xubnaha reerkaaga waa iney iska bixiyaan ku qornaanshaha xagga COA.

Waxaad qodobkan hoos ku qoran ka heleysaa maqaalo dhowr ah ee degmada. Halkan oo warbixin dheeraad ee arrimaha aad dabireyso:

Qodobkan ma ku caawiyay?