Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Sidaan ayaa guri u heleysaa

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/16/2023 10:56 GH

Haddii aad sharci hesho, waxaa Xarunta Dejinta Magangelyodoonka (COA) kugu xireysaa degmo. Waxaa COA isku deyeysaa iney kugu xirto degmo aad degaankeeda ka shaqeyn karto. Ka dib marka lagugu xiro degmada, waxaa degmada kuu raadineysaa guri kugu habboon. Badiyaa waa guri shicibka oo ijaar ah ay leedahay shirkada guryaha. Kuwani waa guryo ijaarkooda la bixin karo oo loogu talo galay dadka daqligooda yar yahay.

Guri noocee ayaan helayaa?

  • Haddii aad reerka wada socotaan, badiyaa waxaa la idiin siinayaa guri familka loogu talo galay.

  • Haddii aad tahay qof dhalin yar oo keligii ah, waxaa badiyaa heleysaa qol oo guri ay degan yihiin dad kale oo guri raadinaaya. Tusaale, ardayda ama dad dhalinyar oo shaqaale ah.

Fadlan la soco: waa kugu wajib inaad nooca guriga ku siiyeen degamada aad ogolaataa. haddii kale ma heleysid fursad kale.

Fadlan la soco: waxa hadda dadka guryaha raadsanaya ay ka badan yihiin guryaha (la kireysto) ee gudaha Nederlaan. Tani waxaa sidoo kale sabab u ah dhibaatada ka taagan guryo laundefinedaanta. Sababtaas awgeed, waxa ay qaadan kartaa waqti dheer kahor inta aan guri lagu siin.

La joogista reer dad soo dhaweynta

Miyaad marka horeba haysatay ogolaansho degaan, lakin wali wax guri ah laguuma heli karo? Markaa waxaad si kumeelgaadh ah ula joogi qoys Dutch ah. Waxaad ka codsan kartaa adigoo u maraya Takecarebnb.

Mudada seddexda bilood aad la joogto waxaad si fiican u sii baraneysaa Nederland. Tusaale, waxaad baraneysaa dad Nedeland ah iyo waxaad baraneysaa luqada Nederlaanka marka aad la hadleyso. Mudada aad la joogto, waxaad ku sii qoran tahay liiska sugitaanka oo guri iskaaga ah.