Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland/Goedele Monnens
Qodob

Waa inaad tan habayso haddii ay degmadu guri ka heshay

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/12/2024, 12:42 GD

Marka aad guri hesho waxaa jiro waxyaalo badan oo aad u baahan ahay inaad sameyso. Tusaale ahaan, waa inaad sameysataa heshiis tamarta ama korontada iyo gaaska iyo inaad cinwaankaaga cusub gudbisaa. waxaad bogan ka heleysaa liis dhamaan waxa aad u baahan tahay inaad sameyso.

Waxaa laga yaabaa inaad lacag ka amaahan karto degmada si aad gurigaaga ugu dhigato

Degmooyinka intooda badan waxay ku ogolaadaan in aad hesho amaah aad ku diyaariso gurigaaga ugu horeeya. Tan waxa loo yaqaan deynta alaabta guriga. Dayntani waxay kaa caawinaysaa inaad iibsato alaabta guriga iyo alaabta kale ee muhiimka ah. Qadarka deynta guriga waa kala duwan yahay degmo kasta. Amaahda alaab gurigu inta badan waa deyn, taasoo micneheedu yahay in aad ugu dambeyntii dib u soo celiso lacagtii aad amaahatay degmada.

Deynta alaabta gurigu inta badan waa deyn, taasoo micneheedu yahay in aad ugu dambeyntii dib u soo celiso lacagtii aad amaahatay degmada. Degmooyinka qaar waxa kale oo jira suura gal ay tahay inaad dib u bixinayn lacagta lagaa dhaafaayo, iyadoo ku xiran xaaladaada. La xiriir degmadaada ama xafiiska adeegga bulshada si aad u weyddiiso waxa waxa suura gal ah iyo sida aad codsiga u soo gudbin karto.

Adigaa hagaajinaaya tashiilaadka gurigaaga ee dhaqaale ahaan

Arrimaha soo socda ayaa dabiraeysaa xagga lacagta iyo tashiilaadka gurigaaga:

ijaar

Waa inaad bil walba ijaarka hormaris u bixisaa. taasoo micnaheeda yahay, waxaad bixineysaa maalinta koowaad ee bisha ka hor. degmooyinka qaar waxey kuu oggol yihiin inaad amaahato ijaarka bisha koowaad.

Haddii aad leedahay guri kiro oo madax-bannaan, waxaad mararka qaarkood heleysaa gunno kiro ah. Tani waa lacag aad ka heleyso dowladda oo aad u isticmaali karto inaad isaga bixiso qeyb ka mid ah kirada. Guryaha waxooda u dhan yihiin waa guryaha leh albaab u gaar ah iyo jiko iyo musqul u gaar ah.

Mararka qaarkood qiimaha korontada iyo gaaska ayaa horeyba loogu daraa kirada. Xaaladaha badankood, haddii ay sidaai ahayn. Markaa korontada iyo gaaska, waa inaad iskaaga heshiis ula gashaa shirkada bixisa tamarta. Marka aad galeyso heshiiska tamarta ee korantada iyo/ama gaaska, waxaad ka dooran kartaa laba nooc oo heshiisyo ah: heshiis muddo cayiman ah iyo heshiis isbedbedeli kara. 

Heshiiska muddada cayiman

Heshiiska muddada cayiman waa heshiiska shirkada bixisa tamarta aad la galeyso muddo cayiman. Caadi ahaan waa heshiis 1 ilaa 5 sano ah. Sidaas darteed, waa inaad bixisaa hal qiimo korantada iyo/ama gaaska bil kasta ilaa uu heshiiska socdo. Markii aad joojiso heshiiskan ka hor dhammaadka taariikhda heshiiska? waxaad markaa khidmada joojinta siineysaa shirkada tamarta.

Fadlan la soco: Tan iyo markii Ruushka uu weerar ku qaaday Yukreyn, qiimaha gaaska ayaa cirka isku shareeray. Sidaa darteed, way adag tahay in la joogteeyo heshiis joogto ah muddo dheer. 

Faa'iidooyinka iyo qasaarooyinka heshiiska joogtada ah:

  • Heshiiska inta uu socdo oo dhan, waxaad bixineysaa qiimo isku mid ah isticmaalka tamartaada ee bil kasta.

  • Haddii qiimaha tamarta kor u kaco, tani ma saameyneyso qiimaha aad bixiso.

  • Hase yeeshee, haddii qiimaha hoos u dhaco, sidoo kale biilka aad bixiso asna hoos uma dhacayo.

  • Waa inaad bixisaa ganaaxa joojinta haddii aad u wareegto shirkad kale oo bixisa tamarta kahor inta uusan dhammaan heshiiskaaga.

Heshiiska isbedbedeli kara

Heshiiska tamarta ee isbedbedeli kara waa heshiis furan. Tani macnaheedu waxa ay tahay inaad ka bixi karto heshiiska bil kasta. Qiimaha heshiiska isbedbedeli kara waa qiimo go'an muddo lix bilood. Shirkada bixisa badanaa waxa ay goysaa qiimaha Janaayo 1 iyo Juulaay 1.

Fadlan la soco: Tan iyo markii Ruushka uu weerar ku qaaday Yukreyn, qiimaha gaaska ayaa cirka isku shareeray oo shirkado badan oo badan ayaa si isdaba joog ah u bedbedelaya qiimayaashooda. Mararka qaarkood waxa ay qiimaha bedelaan bil kasta.

Faa'iidooyinka iyo qasaarooyinka heshiiska isbedbedeli kara:

  • Heshiiska waxaa la joojin karaa bil kasta.

  • Maaddaama qiimayaashaadu badanaa loo oggol yahay inay beddelaan lixdii biloodba mar, waad ka faa'iideysan kartaa hoos u dhaca qiimaha, laakiin shirkada bixisa kuma qasbana iney sidaas sameyso.

  • Marka qiimayaashu ay kor u kacaan, sidoo kale, waxaad isla markiiba bixineysaa wax badan.

Webseedkan Independer waxaad isu barbar dhigi kartaa shirkadaha bixiya tamarta

.

Mararka qaarkood qiimaha biyaha ayaa horeyba loogu daraa qarashka kirada. Xaaladaha badankood, laakiin badiyaa waa inaad adiga nafsad ahaantaada heshiis la gashaa shirkada biyaha. Iskaaga ma dooran kartid shirkad biyo oo waa inaad iska qortaa shirkada biyaha meesha aad daggan tahay. Waxaa ugu fiican inaad iska qorto ka hor intaadan furaha gurigaaga cusub helin.

Webseedka Ururka Shirkadaha Biyaha ee Nederlaan, waxaad ka arki kartaa shirkadda biyaha siisa meesha aad daggan tahay.

Halkan waxaad ka heli kartaa cida biyaha keenta meesha aad daggan tahay.

Ceymiska waxyaabaha ku jira

Haddii aad guri kireysato, waa waxaa kuu fiican inaad sameysato caymiska guriga. Caymiskan, dhammaan waxyaabaha guriga kuu yaala ee aad la qaadan karto waa caymisan yihiin. Wax walba oo la qaadi karo oo aan meesha ku dheganayn.

Taasi waxey noqon karaan alaabta guriga, qalabka korontada, sidoo kale waa daahyada iyo dahabka. Haddii aad ceymis ku jirto, waxaa lacag ku siinaya ceymiska alaabta guriga tusaale ahaa haddii uu dab, duufaan, tuug soo dhaco ama qasaare biyo kugu dhoco.

Webseedka Independer waxa uu kuu oggolaanayaa inaad is-barbardhigto caymis bixiyeyaasha.

Isu barbar dhig caymis bixiyeyaasha midba midka kale halkan.

Telefishanka iyo internetka

Mararka qaarkood qiimaha intarneetka ayaa horeyba loogu daraa kirada. Xaaladaha badankood, laakiin badiyaa waa inaad iskaaga heshiis ula gashaa adeeg bixiyaha. Haddii aad rabto inaad iibsato intarneedka iyo telefishanka labadaba, Inta badan waxaa raqiis ah inaad isla hal meel ka wada qaadato.

Sidoo kale waa suuragal inaad si kala gaar ah u iibsato intarneedka ama telefishanka. Waxaad si fudud webseedka Independer dhexdiisa isugu barbardhigi kartaa baaxada adeeg bixiyaha.

Isu barbar dhig bixiyeyaasha intarneedka iyo telefishanka midba midka kale halkan.

Degmooyinka ayaa qaada dhowr canshuur oo degmo. Canshuuraha ayaa laga yaabaa inay ku kala duwan yihiin degmo ilaa degmo kale. Tusaalooyinka canshuuraha degmada waxaa ka mid ah khidmada gurista qashinka

iyokhidmada bullaacada. Waa inaad sidoo kale bixisaa canshuurta biyaha.

Fadlan la soco: hadaad lacag yar haysatid, waxaad weydiisan kartaa degmada inaad bixiso iyo in kale. Tani waxaa loogu yeeraa codsashada kadhaafista.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful