
Laga soo xigtay: Flickr-LN (Lukanoon)
Waxaad xerada uga guureysaa gurigaaga
Qodobkaan sii wadaaji
Ka dib markii aad saxiixdo heshiiska ijaarka, waxaad heysataa 2 wiig oo aad ugu guurto gurigaaga cusub. Mudadaasi waa inaad wax badan samaysataa. Boggan ayaa wax dheeraad ah ka aqrineysaa.
Waxaad iska qoreysaa degmada
Markaad saxiixdo heshiiska ijaarka, waxaad iska qoreysaa
La xariirkaaga
Badiyaa caawino dhaqaale ayaa ka weydiisaneysaa dowlada
Haddii aad weli wax daqli ama mid aan ku kaafineynin heysato oo shaqo ah, waxaad xaq u leedahay caawin dhaqaale oo xagga dowlada ah. Taasi waxaa la yiraahdaa ceyr ama 'ceyrta kabista". Tani waa qarash bil walba aad dowlada ka heleyso oo aad ku noolaan karto. Taasi ayaa tusaale ahaan ku bixineysaa ijaarka.
Ma u leedahay xaq ceyrta 'bijstandsuitkering'? Waxaad heleysaa laga bilaabo maalinta aad ka codsatay degmada, ma ahan ka hor. Hubi inaad waqtiga ku codsato. Taasi waxey ka hortageysaa inay lacag kaa dhaafto.
La xariirkaaga ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN) ama hagaha bulshada urur kale ayaa kaa caawin kara sida aad u codsaneyso ceyrta.
Lacag deynsasho oo aad guriga ku dhigato
Degmooyinka badankooda waxey kuu oggol yihiin deyn aad guriga ku dhigato. qiyaasta deynta degmo walba wey kala duwan yihiin.
Xaaladaha badankooda waa deyn. Taasi waxey micnaheeda tahay in lacagta aad guri dhigashada u deynsato, ugu dambeyn aad dib ugu gudaa degmada. Degmooyinka qaarkood lacagta ayey ku siinayaan oo looma baahna inaad dib u gudo. Sii weydii waxa ay tahay degmadaada.
Sameyso heshiisyada iyo caeymisyada
Waa inaad heshiisyo gaar ah sameysataa si aad gurigaaga ugu noolaan karto Tusaale ahaan:
Hashiiska korontada iyo gaaska
Heshiiska biyaha
Heshiiska tefishanka iyo interneetka
Ceymiska alaabta guriga
La xariirahaaga VWN ama hagaha bulshada ee ururada kale ayaa arrintan kaa caawini kara.
Ogeysii COA inaad xerada ka tegeyso
La sameyso ballan la xariirahaaaga