Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Dhaqtar ilkaha wuxuu eegaayaa afka qof mucaamilkiisa ah
Laga soo xigtay: Andrea Piacquadio

Sidan ayuu u shaqeeya daryeelka caafimaadka Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 12/13/2023, 2:01 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma u baahan tahay daryeel? waxaad Nederlaan mar walba marka hore aadeysaa dhaqtarka qoyska. Dhaqtarka qoyska ayaa kuu sii gudbinaaya daryeel kale. Keliya marka uu daryeel deg dega waxaad isla markii wici kartaa nambarka degdega ama aadi kartaa xarunta dhaqaatiirta. Halkan ka aqri wixii dheeraad ah ee qaabka daryeelka Nederlaan u shaqeeyo.

Wac 112 marka ay xaalad nolosha qatar gelineysa ay jirto

Ma adiga ama dad kale oo agagaarkaaga miyaa xaalad nolosha qatar ku ah ku jiraan? Markaa wac 112. Waxaa taleefoonka kula hadleysa shaqaale xarunta degdega. Markaa u sharax waxa jira marka ay su'aalo ku weydiiso qofka taleefoonka jooga.

Waxaa xarunta deg dega ay soo diri karaan ambalaans. Markaasi ambalaanska ayaa adiga ama qofka aad u wacday u qaadaaya cisbitaalka. Dhaqtarka ambalaanska ayaa isla markii gargaar caafimaad fidin kara.

Haddii xarunta gargaarka degdega aysan soo dirin ambalaans? markaa waxaa laguu sheegayaa meesha aad aadeyso. Tusaale xarunta dhaqaatiirta ee kuu dhow. Markaa waa inaad iskaaga gaadiid u raadsataa.

Dhaqtarka qoyska

Nederlaan waxyaalaha aan deg dega ahayn ee caafimaadka waa inaad mar walba dhaqtarka qoyska u tagtaa marka hore. taasi waxaa kaloo ku jira marka aad uurka leedahay, talo caafimaad u baahan tahay, ama dhibaato maskaxiyan qabto sida dhibaato xagga hurdada, cabsi iyo niyad jab aad leedahay.

Haddii tusaale ahaan haddi aad hergabsan tahay, looma baahna inaad isla markii dhaqtarka qoyska aado. Waxaad farmashiga ama dukaanka daawooyinka ka heleysaa daawooyin. Haddii hargabka kaa bixi wayso, markaa ballan ka sameyso dhaqtarka qoyska.

Isku qoritaanka dhaqtarka qoyska

Ka hor intaadan ballan ka sameysanin dhaqtar qoyska ah, waa inaad iska qortaa dhaqtar qoyska ah oo xaafadaada. Ma taqaanid sida aad u heleyso dhaqtar qoyska ah? weydii qofka la xariiriyahaaga

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama caawiyaha bulshada dhaqtarka qoyska ee kuugu dhow ee aad aadi karto. Waxaa fiican inaad fiiriso in ceymiskaaga uu dhaqtarkaaga qoyska ansixinaayo.

Ma ku qoran tahay dhaqtarka qoyska? Markaasi ballan ayaad sameyn kartaa. Waxaad waceysaa dhaqtarka qoyska oo kalkaalisada ayaa ballanta ka sameysaneysaa. Dhaqtarka qoyska saacadaha qaabilaada ayaa kala hadleysaa waxa aad qabto. Dhaqtarka qoyska wuxuu kuu diri karaa cisbitaalka ama daryeel kale oo isbeshaaliiste ah.

Feylka caafimaadka

Ma soo martay wadahadalka hore ee caafimaadka markaad joogtay xerada magangelyodoonka (AZC)? markaa waxey u badan tahay inaad feyl caafimaad ku leedahay Nederlaan. Dhaqtarkaaga qoyska ee cusub ayaa ka dalban karo Xarunta Caafimaadka Magangelyodoonka (GCA) ama Arts&Zorg.

Dhaqtarka ilkaha

Haddii aad xanuun ka qabto ilkaha, waxaad aadeysaa dhaqtarka ilkaha. Xitaa hadii aadan xanuun qabin, waad aadi kartaa dhaqtarka ilkaha si uu u soo kantaroolo. Dadka jooga Nederlaan waxey badiyaa aadaan sannadkii 2 jeer dhaqtarka ilkaha si uu u soo kantaroolo. Sida dhaqtarka qoyska oo kale, waa inaad marka hore iska qortaa dhaqtarka qoyska.

Qarashka dhaqtarka ilkaha

Qarashka dhaqtarka ilkaha laguuma soo celinaayo ceymiska asaasiga ah ee caafimaadka kuma jiro. Sidaa awgeed waxaad qaadan kartaa ceymis dheeraad ah. Ma heysatid midan? Markaa waa inaad dhamaan qarashka dhaqtarka ilkaha aad adga iska bixisaa.

Qarashka dhaqtarka ilkaha badankiisa ee ilmaha ilaa 18 jir waxaa badiyaa soo celiya ceymiska caafimaadka.

Xarunta dhaqtarada qoyska ee gargaarka deg dega

Haddii uu xafiiska dhaqtarkaaga qoyska xiran yahay, laakiin su'aashaada caafimaad aadan sugi karin ilaa maalinta xigta ama wiigendiga ka dib? Markaa u wac xqrunta dhaqaatiirta qoyska ee kuugu dhow. Xaruntaasi dhaqaatiirta ayaa habeenkii iyo weegendiga dadka caawiya, haddii dhaqtarkaaga uu fasax yahay.

Marka aad taleefoonka kula hadasho shaqaalaha xarunta dhaqaatiirta ayey kuu sheegeysaa inaad imaado ama aad dhaqtarkaaga qoyska ballan ka sameysato ay kuu fiican tahay. Waxaa kaloo xarunta dhaqaatiirta kuu diri karaan gargaarka deg dega ah ee cisbitaalka

La soco: markasta la xariir xarunta dhaqaatiirta ka hor intaadan aadin gargaarka deg dega ee cisbitaalka. Marka laga reebo haddi ay jiraan xaalado nolosha qatar ku jirto. Markaa wac 112 si ay ambalaanska kuugu imaado.

Tarjumaada caafimaadka

Fiidiyowga hoose ayaa sharaxaaya qaabka u shaqeeyo daryeelka caafimaadka ee Nederlaan.

Waxaa qoraalkan isku duba riday urur seddexaad(www.youtube.com).maadaama aad diiday inaad ogolaato (cookies) waxa keliya aan awoodnaa inaan kuu jiheyno YouTube halkii aan ka fidin lahayn websaaytkeena: YouTube.com

Qodobkan ma ku caawiyay?