Daryeelka caafimaadka
Ma raadineysaa dhaqtar, dhaqtar nafsi ama daryeel caafimaad? waxaad boggan ka heleysaa warbixin ku saabsan daryeelka caafimaadka Nederlaan qaabka uu u shaqeeyo. Waxaad kaloo heleysaa warbixin ku saabsan ceymiska caafimaadka.
Muuqaalada sare
.

Waa sidan qaabka daryeelka caafimaadka ee Nederlaan u shaqeeyo
Qof walba oo jooga Nederlaan wuxuu leeyahay ceymis caafimaadka ah. tani waa mid waajib ah. Ceymiska ayaa bixinaaya qarashkaaga caafimaadka ee daruuriga ah, sida booqashada dhaqtarka qoyska.

Doorashada ceymiska caafimaadka
Marka aad qaadaneyso ceymiska caafimaadka, waxaad ka dooran kartaa noocyo kal duwan. waa fikrad wanaagsan inaad ka sii fekerto nooca daryeelka aad u baahan tahay. Markaa waxaad dooran kartaa mida baahidaada tireysa.

Dhaqtarka familka, dhaqtarka ilkaha iyo daryeelka deg dega
Haddii uu jiro xaalad aan deg deg ahayn, waxaad aadeysaa dhaqtarka familka. haddii aad ka cabaneyso ilkaha, waxaad aadeysaa dhaqtarka ilkaha. Wixii gargaar deg deg ah, aad dhaqtarka familka ama u wac gargaar degdega ama ambalaanska.