Mawduucyada

show menu options
Af Soomaali (Somali)



Qaabkan ayaa isdhexgalka bulshada u shaqeeyaa

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/20/2023 1:56 GD

Isdhexgalka bulshada waa wax aad u sameyneyso si aad u barato luqada Nederlaanka. Waxaad kaloo baran kartaa bulshada Nederlaanka. Waxaa isdhexgalkan bulshada qaadataa caadi ahaan ugu badnaan 3 sano. Isdhexgalka bulshada ka dib, ama waxbarasho ayaad bilaabeysaa ama waad ka shaqeyn kartaa Nederlaan.

Isdhexgalka bulshada waa mid waajib ah

Ma leedahay deganaansho magangelyo oo daundefineddaada ma u dhexeysaa 18 ilaa 67 sano? Markaa waxaad bilaabeysaa undefinedinburgerenundefined (isdhexgalka bulshada). Tani waa waajib. Waa inaad aadaa tababarka iyo imtixaanka ku qaadaa mudada lagu siiyey (badiyaa waa 3 sanadood). Ama waa inaad heysataa shahaado ugu yaraan mbo darajada 2.

Bilaabida isdhexgalka bulshada

Waxaad warqad ka heleysaa

Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO)
Waaxda Fulinta Waxbarashada oo ku saabsan bilaabida isdhexgalka bulshada. Warqadaasi waxaa ku qoran mudada aad heysato ee ku sameyneyso isdhexgalka bulshada. Taasi waxaa lagu magacaabaa undefinedinburgeringstermijnundefined Mudada badiyaa waa seddex sanadood.

Waa inaad heshaa shahaadada isdhexgalka bulshada ka hor intuu dhamaanin mudada la qabashada bulshada. Duo wey ku ganaaxi karaan haddii aadan ku dhameynin isdhexgalka bulshada waqtiga lagaa rabo.

Sharciyadan ayaa adiga ku quseeya

Waxey Nederlaan leedahay 2 nooc oo nidaam isdhexgalka bulshada ah: mid waa nidaamka la qabsashada ilaa 2013 iyo nidaamka la qabsashada 2021. Labada nidaam waxey leeyihiin sharciyo kala duwan.

Si aad u ogaato sharciga adiga ku quseeya, waxaad fiirisaa warqada

Adeegga Socdaalka iyo dhalashada (IND)
ku qoran inaad sharci heleyso sharci deganaansho. Taasi waxaa lagu magacaabaa undefinedbeschikkingundefined oo ah goundefinedaanka.

Warqada ka timid DUO iyo faylkaaga shaqsiga ee inburgeren.nl wuu ku qoran yahay nooca nidaamka ee isdhexgalka bulshada adiga ku quseeya.

Dooro nooca isdhexgalka bulshada ee ku quseeya hoos si aad u hesho warbixinta isdhexgalka bulshada ee xaaladadaada shaqsiga: